Muqdisho (WDN) – Dagaal Beleed ayaa mar kale ka soo cusboonaaday degmada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud.
Wararka naga soo gaadhaya degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo Beelood uu ka dhacay magaalada.
Inta la xaqiijiyay Illaa hal qof ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 6 kale sida ay u sheegayaan goobjoogeyaal ku sugan Caabudwaaq Wardheernews.
Waxa ay sidoo kale wararka sheegayaan in dagaalka uu salka ku haya nin shalay lagu dilay Degmada,waxaana weli magaalada ka jirta xiisad colaadeed.
Waxaa dhowr jeer oo hore magaalada Caabudwaaq ka dhacay dagaal salka ku haya aano qabiil.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply