Jadwelka Dhameystirka Dhismaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

hirshabeelle-flag
Calanka Hirshabeelle

Muqdishu (WDN) – Warsaxafadeed ay soo saartay wasaarada Arimaha Gudaha ee Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay jadwelka dhameystirka dhismaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Jedwelkaasi maamul u sameynta Hirshabeelle ayaa tilmaamaya in dhamaan doorashooyinkaasi qabsoomi doonaan bishan Oktoober sida hoos ku xusan:

  1. Sameynta kaararka aqoonsiga Xildhibaannadda – 10/10/2016
  2. Kalfadhiga 1aad ee baaarlamaanka iyo magacaabista shir guddoonk KMG ah – 10/10/2016
  3. Sameynta Guddiga Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka – 10/10/2016 
  4. Qabashada Araajida Musharaxiinta – 10/10/2016 
  5.  Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka  -11/10/2016
  6.  Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka – 12/10/2016 
  7.  Sameynta Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa – 13/10/2016 
  8.  Qabashadda Araajida Musharaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa -13/10/2016 
  9.  Dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta – 14/10/2016 
  10.  Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa- 15/10/2016 

WardheerNews

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.