Muqdishu (WDN) – Waxaa caawa lagu dilay magaalada Muqdishu wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle, wariyaha ayaa oo mid ah kuwa ugu afka dheer ee ka jira Soomaaliya.
Wariyaha ayaa lagu magacaabayay Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji , waxa uuna ka mid ahaa barnaamij soo saarayaasha Shabeelle. Marxumm Cabdicasiis ayaa lagu dilay ag’agaarka Jiira Garoob ee degmada Yaaqshiid.
Sida ay dadka deegaanku u sheegeen WardheerNews, dilka wariyaha ayaa waxaa ka danbeeyay dabley ku hubeysnaa Bastoolado. Kuwaasi oo dilka ka dib halkaasi ka baxsaday.
Lama ogo kooxda dilka geystay, balse wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in ay ku baxsadeen mooto Bajaaj ah oo ay wateen.
Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimo, ayaa si kulul u canbaareeyay dilka wariyaha. Waxa uuna ka codsaday hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo dhcadii ka danbeeyay dilkaasi.
Idaacadda Shabeelle ayaa ah Idaacada ugu badan ee laga dilay dad halkaasi ka shaqeeya (wariyayaal) 10 -kii sano ee ugu danbeeysay dalka Soomaaliya iyo caalamka.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho
Leave a Reply