Muqdishu (WDN) – War Saxafadeed ay soo saareen Gudiga Doorashooyinka 2016 ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in jadwelkii ay diyaarisay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ), ee ku aadanaa doorashooyinka dadban ee Somaaliya ay dib u dhiggeen.
Jadwelka Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ), ayaa dhiggayay in doorashooyinka dadban ee 2016 ay u dhacaan sida hoos ku xusan:
- Doorashada xubnaha Aqalka Sare 25-ka Sebtember.
- Doorashada xubnaha Golaha Shacabka 25-ka Sebtember – 10-ka Oktoober.
- In Xildhibaandda la dhaariyo 20-ka Oktoober.
- In la doorto Guddoonka Baarlamaanka 25-ka Oktoober.
- Doorashada Madaxweynuhu in ay dhacdo 30-ka Okoober.
War-saxafadeekaasi ay soo saareen Gudiga Doorashooyinku ayaa lugu shaaciyay jadwel hor leh, sida hoos ku xusan in la raaco:
- Gudbinta liiska magacyada Aqalka Sare 5ta Oktoober 2016
- Doorashada xubnaha Golaha Shacabka Oktoober 23- 10 Nofember
- In la doorto Guddoonka Baarlamaanka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare 23-ka Nofember
- Doorashada Madaxweynuhu in ay dhacdo 30-ka Nofember
Wali ma cadda in dib u dhigga jadwelka cusub ee doorashooyinka ay guddigu kala tashatay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ) iyo musharixiinta jagadda madaxtinimada Soomaaliya.
WardheerNews
Leave a Reply