Qasaaraha qaraxii ka dhacay Maqaaxi ku taalo xeebta Liido

Muqdishu (WDN)- Faafaahino ayaa ka soo  baxaya weerar xalay Al Shabaab ay ku qaaday goob laga cunteeyo (Maqaaxi),  lagu magacaabo Banaadir Beach, oo ku taalo xeebta Liido ee dagmada Cabdicasiis oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ee  magaalada Muqdisho ee xurunta Soomaaliya. Weerarka ayaa dhacay abaaro 8-dii fiidnimo ee xalay.

Qarax_Liido
Qarax, Xeebto Liido

Weerarka ayaa ku  bilowday qarax yo Israsaaseen in muda ah u dhaxeysay kooxda weerarka qaaday iyo ciidanka Ammaanka ee goobtaasi ku sugnaa .

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha u galeen Maqaayada, ayna dileen dableydii hubeysneyd, isla markaana la badbaadiyay dad la sheegay in ay xiligaas halkaasu ku sugnayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen weerarkii xalay, waxaana ka mid ahaa labo ciidamada ammaanka ahaa iyo labo nin oo dabley ah. Waxaana jira tiro halkaasi ku  dhaawacantay oo aan wali la shaacin.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, isla markaana ay la wareegeen gudaha Maqaayada oo ay ku dileen goobtaasi saraakiil ka tirsan ciidanka iyo madax kale.

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.