Muqdisho, Juun 25, 2016 (WDN)- Waxaa so idlaaday weerrarki galabta ay kooxo hubeysan oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 1 oo ku yaal isgooyska KM4 ee degmada Waabari.
Ciiddanka ammaanka oo fuliyay howlgalka lagu Xaqiijinaayay ammaanka Hotelka oo ay gudaha u galeen dableyda ka midka ahayd Shabaab ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay dhammaanba kooxdii weerrarka soo qaaday kuwaasi oo qiyaas ahaan lagu sheegay 4-3 inkastoo aan wali lahayn tirada rasmiga ah ee ay ahaayeen.
Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna oo xiganeysay saral ciiddanka ammaanka ka tirsan ayaa shegtay in ciiddanku ay goobtaasi ka saareen Xildhibaanno ka mid ah Barlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah dowladda.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerrarkan, hase yeeshee warar laga helayo dad ku dhow dhow Hotelka ayaa sheegaya in ilaalada hotelka ay u suurtogashay inay dableydii hubeysnayd ay ku celiyaan qeybta hore ee Hotelka.
Hayeeshee wararka ay heleyso Wardheernews ayaa waxa ay sheegayaan in dhimashada ay gaareyso ku dhawaad 14 ruux halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Weerarka ayaa ku soo aaday xili ay dadka Muqdisho isku diyaarinayeen afurka madaama lagu jiro bisha barakaysan eeRamadaan.
Dhacdadan ayaa sidoo kale ku soo aaday xili loo diyaargoroobaayo xuska maalitii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed loo xor ah aga taago geyiga Soomaaliya taasoo ku beegnayd 26kii Juun sannadkii 1960.
1-dii bishan ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar ku qaadeen Hotelka Ambasador oo aan sidaa uga fogeyn hotelka galabta la weeraray, waxaana weerarkaas lagu dilay in ka badan 15 ruux oo ay ku jireen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho
Leave a Reply