Muqdishu (WDN) – Ugu yaraan inta hadda la ogaaday waxa dhintay 10 ruux, iyadoo ay dhaawacmeen tiro kale, kadib markii kooxo hubeysan ay weerar qorsheysan ku qaadeen saaka xarrunta maxkamadda gobolka Banaadir, oo dacwad dhageysi ay ka socotey.
Inkastoo Shabaab aysan si rasmi ah u sheegan weerarkaasi, ayaa haddana mareegtooyin ku hadla afkooda waxay baahiyeen inay maleeshiyaadka Shabaab ay weerarkaasi fuliyeen
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay kooxdaasi oo tiro dhowr ah ka koobneyd gudaha u galeen xarrunta, kuwaas oo markaasi goobtaasi ku dilay qaar ka mid ah shaqaalihii goobta joogay iyo dadkii kalee ee ka ag dhawaaba.
Kooxdaasi weerarka qaaday ayaa la wareegay dhismihii xarrunta ee dabaqa sare iyo qeybta hooseba, iyagoo markaasi ka dhigtey gabaadyo ay kula dagaallamayeen ciidamada dowladda.
Markii goobta ay soo gaareen ciidamo kale oo gurmad ah, ayaa waxa haddana iridka hore ee maxkamadda ka qarxay gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay, kaas oo sababay dhimashada askar kale oo dowladda ka tirsan.
Ma jiraan sarakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo arrimahan si toos ah uga hadlay. Sarkaal diidey in magaciisa la sheego, ayaa sidoo kale WDN u sheegay in ciidamada loo yaqaan Alpha Group oo si gaar ah u tababaran ay gudaha maxkamada u galeen, kuwaas oo goobta muddo iskacaabin kala kulmay maleeshiyaadkii maxkamadda qabsaday.
Warar aan la xaqiijinin, ayaa sheegaya in goobta markii uu weerarkaasi ka dhacayay uu joogay guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Caydiid Ilka Xanaf, kaas oo aan la xaqiijin nolol ama geeri.
Jamaal Cismaan
WardheerNews
Nayroobi, Kenya
Leave a Reply