Muqdishu ( WDN) – Qarax ayaa lala beegsaday Hoteelka Jasiira. Qaraxaasi oo loo adeegdsaday Gaari la sheegay in uu ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Dheynada. Gaadhigaasi oo sida aan warar la hubo ku heleynaa sheegayaan in ay ku rarnaayeen Fuustooyin Shidaal ah. Qaraxa ayaa ka dhacay xili ay Huteelka banaankiisa ay dad badan ay ku sugnaayeen.
Dadka ugu badan ee ay wax yeeladu soo gaartay, ayaa ahaa dadka deggan xaafadaha ku dhow Hotel Jasiira, oo ahayd bartilmaameedka Qaraxa.
Inta la hubo waxaa ku dhimatay Qaraxa 11 Ruux, halka ay dhaawameen dad gaaraya ku dhawaad 20 kale, sida aan ka xiganay goobjooge ku sugnaa xiliga uu Qaraxa dhacayay.
Ciidanka Amaanka ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa goobta la wareegay, waxaana loo diiday in ay dadku halkaasi ku dhawaadaan. Dadka qaar ayaa ahaa kuwa baadi goob ugu jiray dad ka maqnaa, in kastoo ay ciidanka u diideen.
Waxaana sidoo kale goobta gaaray baabuurta loo yaqaano Ambalaasta, kuwaasi oo qaadayay dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay oo la geeynayay Isbitaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa Sheegatay mu’suuliyada weerarka Hotel Jasiira, waxana ay sidoo kale sheegeen in ay ku dileen qaraxaasi dad Ajaanib ah, sidoo kalena ay wax yeelo u geysteen ma’suuliyiin ka mid ah dowlada Soomaaliya sida lagu sheegay war qoraal ah oo lasoo dhigay baraha Shabaab.
Weerarka ayaa waxa uu yahay mid ku soo aaday xili Amaanka Caasimadda Soomaaliya uu ahaa mid si aad ah loo adkeeyay, ciidanka Amaankana ay xili waliba ka howlgalaan goobaha Muhiimka ah.
Hotelka la waarearay ayaa u dhaxeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Xarunta UNDP oo ay horay Shabaab u weerareen, waana goob si aad ah Amaankeeda loo ilaaliyo lamana oga waxyaabaha u sahla Al Shabaab weerar
noocaasi oo kale ah.
Mid kamid ah wariyaasha TV-ga Universal Maxamed Cabdikariin ayaa ku dhintay Qaraxaasi, waxaa sidoo kale dhaawac fudud uu isna weerarkaasi kasoo gaaray wariye Salmaan Saciid .
Wariyaha geeriyooday ayaa ahaa wakiilkii Telefishinka Universal ee gobolka Gedo, gaar ahaan waxa uu wararka kasoo tabin jiray magaalada Baladxaawo. Wariyahan ayaana sadax maalin kahor howlo shaqo u yimid Muqdisho sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah wariyaasha kahowlgala Universal.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernws Muqdisho
Leave a Reply