Saxaafadda Soomaaliyeed: Laba Daran Mid Dooro!

Tifaftirka WardheerNews

Waxaa dunida dacalladeeda sannad walba bisha May 3deeda laga xusaa maalintaa Saxaafadda Adduunka. Qaramada Midoobay, ayaa maalintaas u aqoonsatay in ay noqoto Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. Xusidaasi ayaa looga gol leeyahay in dawladaha adduunka logu baraarujiyo muhimadda ay leedahay xorriyadda saxaafaddu islamarkaana la isu xasuusiyo xaqa uu qof wliba u leeyahay inuu fikirkiisa si xor ah u cabbiri karo sida ku xusan qoddobka 19aad ee bayaankii caalamiga ahaa ee xuquuqda Aadanaha ee sanadkii 1948.

Free press
Cabudhinta saxaafada

Haddaba iyadoo xilliyadan dambe maalintaas sannad walba laga xuso Soomaaliya, ayaad moodaa sannadkan halkii laga hadli lahaa dhawridda xorriyadda saxaafaddda Soomaaliyeed in ay dawladdu culays iyo dhibaato hor leh oo ku wajahan saxafiyiinta Soomaaliyeed la soo shir tagtay.

Murran kama taagna in urrurka Al Shabaab uu dhibaato badan ku hayo shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba caalamka siiba waddamada deriska. Sidoo kale waxaan iyana shaki lahayn in ujeeddooyinka gurracan ee uu u taaganyahay urrurkaasi ay halis ku yihiin jiritaanka qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

Sidaa darteed waa lagamamaarmaan in dawladdu ay la timaado qorshe ciiddan iyo mid afkaareed oo waxku ool ah, si looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed khatarta ay Alshabaab ku hayso.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay, Alshabaab oo magac kale loogu yeedhaa maxay ka tari kartaa xaaladda murugsan ee waddanka ka jirta?

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed Jan. Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, ayaa bishan May 3deedii oo ku beegnayd Maalinta Saxaafadda Adduunka ku amray in saxaafaddu Alshabaab hadda kadib ugu yeedho UGUS oo ah xarfo u taagan “Urrurka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed”.

Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Soomaaliyeed kula soo galgalato dagaalka  dacaayadeed ee u dhexeeya iyaga iyo urrurka xagjirka ah ee Alshabaab.

Ma’ ahan shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato dagaalka ay kula jirto Alshabaab, balse mas’uuliyaddoodu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba.

Waxaa la yaab leh in kaadiriinta aan waayo’aragnimada badan lahayn ee dhinaca ammaanka u qaabilsan maamulka damul Jadiid, halkii ay ka gudan lahaayeen waajibaadkooda sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen, in ayku  meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Waxaa muuqata in arrinta magac ka beddelidda Alshabaab ay tahay mid ay ka soo minguuriyeen Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo iyada sidaan ognahay aanay ka jirin saxaafad xor ahi. Maamulka Jigjiga, ayaa Urrur beeleedka ONLF ugu yeedha UBBO oo ay ula jeedaan “Urrurka Bahdilka iyo Baabiinta Ogaaddeenka”.

Haddaba go’aanka cusub ee maamulka Muqdisho ku soo rogay saxaafaddda xorta ah ee ka hawlgasha gudaha Soomaaliya, waa mid caqabad ku noqon doona in saxaafadda oo markii horeba khatar badan dhex dabbaalanaysay ay si xor ah u gudato waajibaadkeeda.

Waxaa lagamamaarmaan ah in dawladdu ay ka fiirsato ammarada ay had iyo jeer saxaafaddu ku soo rogto iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgelyad saxafiyiinta Soomaaliyeed

Saxaafadda Soomaaliyeed guud ahaan, siiba kuwa ka hawlgala gudaha Muqdisho, ayaa hadda ay la soo gudboonaatay xaalad ah laba daran mid dooro; Dilka Alshabaab ama xadhiga iyo cabbudhinta Dawladda Xasan Sheekh.

WardheerNew
Email: admin@Wardheernews.com
WardheerNews Editorial Archives

Leave a Reply

Your email address will not be published.