Jubaland: Baaq Beesha Geri

Jubaland: Baaq Beesha Geri

Baaq:

Anaga oo ah waxgaradka Beesha GERI ee Oceania/ Australia & New Zealand, waxaanu baaqan ku caddaynaynaa inaanu:

!- Ummadda Somaliyeed ee nabadda jecel.

2-Beesha Caalamka ( International community).

3-Wadamada deriska ak.

4-Dadka daneeya arimaha Soomaaliya

Jubaland-Flag3
Jubaland

Anagoo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee degga Jubaland, ku leh taariikh dheer, ku leh deegaan ka kooban MIYI iyo MAGAALO, ku leh hanti maguurto ah sida Tuulooyin, Beero, Ceel iyo Warro, ka mid ah beelihii ugu horeeyey ee ka qeyb qaata aasaaskii Jubaland (2009), kaalin mug leh ka qaatay xoreyntii iyo difaacii JUBALAND dal iyo dibadba, ka qeyb qaatay dhisida iyo doorashada dowladda talada heysa,dowladdaas oo ay beeshu ku leedahay saami wasiir  (minster in the cabinet).

In maanta oo aay Jubaland labo jirsatay lana filayey in ummaddu dhibka ka baxdo, ay nasiib daro noqotay in Beesha Geri laga qadiyo awood qeybsigii Baarlamaanka Jubaland. Arintaa oo ay beeshu aaminsantahay in loo adeegsaday,boob, nin jeclaysi, iyo xqa daro badheed ah.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed u cadeyneynaa in  aanan xaq darrada qaadanin, qaadana doonin, beeshuna ay xaqeeda ku raadsan doonto si kasta oo aay u aragto xaq, iyada oo mar walba ilaalin doonto nabadda iyo kuwada noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed u cadeyneynaa in arintaa xaqdarada, boobka qabyaaladeysan iyo nin jecleysiga ku saleysan  ay beeesha Geri, eedeeda u heysato  maamulka Jubaland, khaasatan madaxweyne Axmed Islam Madoobe.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed u cadeyneynaa in arintaa aan gaadhsiin doono cid walbo oo aay khuseyso, sidda wadamada ku bahoobay IGAD iyo beesha caalamka

TALO SOO JEEDIN:

Waxaan talo ku soo jeedineynaa in maamulka Jubaland dib isugu noqdo,  si wixii khaldamey loo saxo. Si markaasi xubnaha Baarlamaanka lagu saleeyo si xaq ah oo beelaha Soomaaliyeed ee Jubaland degga ka turjumaya.

 

WABILLAHI TOWFIIQ
Maxamuu  A  Siciid
Gudoomiyaha, Beesha GERI ee Oceania/ Australia & New Zealand

Leave a Reply

Your email address will not be published.