RW Saacid, oo Socdaalkiisa “Dhageysiga” Ku Tagay Garbahaaray

RW Saacid, oo Socdaalkiisa “Dhageysiga” Ku Tagay Garbahaaray

Muqdisho, Maarso 31, 2013 (WDN)- Wararka laga helayo magaalada Garbahaarey ee xarunta goblka Gado,  ayaa sheegaya in uu gaaray maanta halkaasi Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ku howlan maalmahan danbe socdaallo uu ugu kuurgelayo xaaladaha ay shacabka deegaannadaasi ku sugan yihiin iyo maamula loo sameynayo deegaannada gacanta dowladda soo galay.

Socdaalka ra’isul wasaaraha ee Garbahaarey oo qeyb ka ah socdaallo uu ugu magac daray safarka dhageysiga, ayaa waxa ku wehliya wasiirrada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo saraakiil ciidan.

SaacidWaxaa la filayaan in Md. Saacid iyo wafdigiisa wasiirada ay kulamo la qaataan maamulka gobolka iyo qaybaha kala gidisan ee bulashada deegaankaasi. Ammaanka guud ee magaalada Garbahaarey, ayaa lagu soo waramayaa in si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka lagu arkayo ciiddamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

Waxyaabaha ugu badan ee uu kala hadlayo Ra’iisal wasaare Saacid maamulka iyo waxgaradka deegaannadaas, ayaa la filayaa in ay noqoto xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolkaasi iyo waliba sidii loo wajihi lahaa maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo hadda ah mid uu muran badani ka taagan yahay.

Dadka xaaladda siyaasaddeed ee Soomaaliya gorfeeya ayaa rumaysan in ujeeddada ugu weyn ee socdaalka uu Ra’iisal wasaare saacid uu ku tagey gobolka Gedo ay tahay sidii uu beeshiisa uga soo dhaadhicin lahaa in aanay qayb ka noqon maamul looga dhawaaqo Jubbooyinka oo aanay dawladdiisu raali ka ahayn.

Si kastaba ha haatee safarka uu maanta ku tagay Shirdoon magaalada Garbahaayey, ayaa waxa uu imaanayaa xili maalintii shalay uu ku tagay socdaal magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhaxe, halkaasi uu kula hadlay dadka deegaanka, oo uu odayaasha iyo bulshada inteeda kale kaga dhageystay baahiyaha ay qabaan, ee ay rabaan in dowladdu wax  ka qabato.

 

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews, Muqdisho

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.