Muqdishu ( WDN) Qaraxyo is xig xigay ayaa maanta lala beegtay Huteel ka “Central Hotel”, oo uu deggenaa Raysal Wasaare xigeenka dawlada Soomaaliya Md. Maxamed Cumar Carte , halkaasi oo laba baabuur lagu qarxiyay.
Waxa ay wararku sheegayaan in Md. Carte uu soo gaadhay dhaawac fudud, waxaase ku dhintay weerarkaasi is nidaaminta ah sida la sheegayo illaa 20 qof ay ku jiraan 3 qof oo ka tirsanaa xafiiskiisa oo uu ku jiro madaxa xafiiska Raysal wasaare xigeenka Alle naxriistii jano ha siiyee Cabdifataax Khaliif Baadiye oo reer Canada ahaa, waxa iyana goobta ku dhintay xildhibaan Cali Nuur ( Fudug) iyo gudoomiye ku xigeenkii maamulka Gobolka Banaadir, dhanka siyaasada Maxamed Aadan (Caano Geel).
Qolyaha is qarxiyay ayaa la sheegay in ay xidhnaayeen dirayska saraakiisha ciidamada. Labada baabuur markii ay gudaha soo galeen ayaa ka hore waxa lagu qarxiyay mawlicii salaadda Jimcaha lagu tukanayay, oo markaas gabagebo ahaa. Halkaas oo dadka badankoodu ku dhinteen (gaar ahaan kuwii bannaanka ku tukanayay). Baabuurka labaad waxa isna lagu qarxiyay qaybta uu ka deggen yahay Raysal Wasaare xigeenku Md. Maxamed Cumar Carte.
Dadka dhaawaca ah waxa ku jira xildhibaanno iyo madax kale oo dawladda ka tirsan. Huteelka waxa deggen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda hadda jirta iyo kuwo ka tirsanaa xukuumadihii hore.
Waxa hadda xidhan dhammaan jidadka waaweyn ee magaalada, waxa iyana xanniban isu socodka iyada oo jidadka la soo tubay askar aad u tira badan.
Wixii warara ee soo kordha kala soco warakayaga dambe Insha Allah.
WardheerNews
Leave a Reply