W/Q Ibrahim G. Sharmarke
Hordhac
Markii uu kor-joogaha daacadda ahi indho qaawan ku eego xaaladda Soomaaliya, waxaa si aan caad ku jirin u muuqanaya in ay dadka maanta talada waddanka gacan-togaalaynaya yihiin kuwo garashada iyo xilkasnimadaba sabool ka ah, isla markaana aan dan iyo heello toona ka lahayn mustaqbalka ummaddan iyo dalkeedaba.
Xaaladda Dalka
Xilligan aannu ku jirro oo ah mid ay geyigeenna xaadir ku wada yihiin colaado arxan goys ah, abaaro daran , amni-xumo baahsan, gumaysi macangag ah iyo khilaafaad gun dheer, ayaa haddana wuxuu yahay waqti ay umaddu rajo wanaagsan ka qabto in ay inta marxaladdan ka gudbaan u gudbaan xaalad soo kabasho ah oo uu dalka amnigiisu soo wanaagsanaado, maamullo maxalli ah loo sameeyo, shuruuc badan la xeeriyo dabadeedna ninba meeshii ay la gaartaba doorashooyin la qabto.
Sanad iyo Bar ka Hor
Haddii aad dib u jelleecdid waddankani wuxuu ku-meel-gaarnimadii ka baxay sanad iyo xoogaa uun ka horow, dawladdii ugu horreysay ayaa la dhisay. Golihii wasiirrada ee berigaa la yagleelay Baarlamaanku waxay ku ansixiyeen in ka badan 210 cod. Dawladdii Shirdoon ee ay labada boqol oo cod ku ansixiyeen lix bilood ma jirin markii ay billaabeen in ay udbaha u fakiyaan.
Waxaa iyaduna xusidna mudan yaabna lahayd in markii dambe ay Baarlamaanka iyo Madaxweynuhu si gurracan isaga kaashadeen rididdii dawladdaa. Waxaad xusuusataan in uu Madaxweynaha laftiisu arrintaa qirtay oo uu casho sharaf rag-ragasho (gloating) ah u sameeyey xildhibaannadii ridey dawladdii uu madaxweynaha u ahaa.
Bareeraha Maanta
Bareeraha madaxweynaha ka dhanka ah ee ay boqolka iyo siyaadada xildhibaan qoreen wuxuu leeyahay dulduleello aad u tiro badan. Marka ugu horraysa, waxaa cad in ay dabada ka riixayaan dad ay mar dhaw uun madaxweynaha dano gaar ah ku kala boodeen. Waxaa khadka dhexe ka cayaaraya raggii ay caddayd in ay wasiirnimo u caraysan yihiin. Waxaan iyagana kaalin hoose cayaaraynin shakhsiyaad u caraysan arrimo dawlad-goboleedyo khuseeya. Duleelka ugu weyn ee uu bareerahani leeyahay waa in ay xildhibaannadu madaxweynaha ku eedaynayaan hawl ay xukuumaddu leedahay.
Haddaba aannu is weydiinnee, Baarlamaanku wax-qabad la’aan ma ku eedayn karaa xukuumaddii uu ansixiyey dhamaadkii bishii koowaad ee sanadkan? Miyaanse lagu doodi karin in baarlamaanku ay qayb ka yihiin fadhiidnimada ay ku eedaynayaan dawladda, gaar ahaan xeerinta shuruucda lagama maarmaanka ah ee ay cid waliba (oo xaalka dawladda la socota) og tahay in uu baarlamaanku ku fadhiyo in ka badan 30 sharci oo waddankan lagu kala furdaamin lahaa? Haddii aad dhanka kale jalleecdid, maxaa isku xiray dalabaadka shaqo ka tegidda ee Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Wasiirka Amniga Qaranka?
Xitaa haddii aannu ixtimaallo in uu madaxweynuhu xukuumadda u aar-galo (lagu eedayn karo wax-qabad la’aanteeda) xaggee laga marayaa aragtida sharci ee afka qalaad lagu yidhaa double jeopardy ee diideysa in qof hal dembi ah laba jeer loo ciqaabo. Haddii ay xukuumadi hawsheedii gabtay, miyaan la eryin oo aan kal hore la kala dirin. Miyaase la gaaray xilli xukuumadda Cabdiweli Sheekh lagu qiimeeyo oo si sax ah wax-qabadkeeda loogu cabbiro.
Tan kale, sidee bay Baarlamaanku isugu heli karaan in uu Wasiirku hawshiisa ka wadan waayo oo ay u-yeerid iyo su’aalo ku wareeriyaan, oo inta ay iyagii xargaha ka cunay (maahmaahdii dacawada) inta waraaqo ka qoraan ku eedeeyaan in aanu si hufan xilkiisa u gudanin. Haddii uu wasiirku bishii kasta saddex beri baarlamaanka hor-joogo, toddoba maalmoodna uu su’aalahooda u diyaar-garoobayo, goormuu dalka u shaqaynayaa? Madaxweynahase miyaa la waayey dariiq Saxafi ka habboon, saxaafaddana ka babcan oo talooyinka loogu jeedsho?
Gari Allay Taqaan
Baarlamaanka maalinta aannu joogno waa ay ka ma’ma’atay, waana uu ku gardaran yahay in uu waqtigaan lagu jiro ruxo xukuumadda socod-baradka ah ee ay iyagu saddex bilood ka hor gardaadiyeen. Waa sharaf darro in Madaxweynaha Umadda wejiga laga fiiqo oo weliba lagu tahdiido in haddii aanu sidaa iyo sidaa yeelin sariibadda siyaasadda la geyn doono.
Gebi-dhaca Madaxweynaha
Madaxweynaha gudhiisu waa uu hareer maray jawaabtii saxda ahayd ee xildhibaannada “talada” u soo jeediyey ku aaddaneyd. Runtii Madaxweynuhu Barbaarta Gaashaaman, Cali Geeddi, Cali Ameerika, iyo Cali-Muungaab midna uma aanu baahnayn; bannaanbax, hal-ku-dhegyo, iyo jiman-buurid iyaga dhinac iskaba dhig.
Madaxweynuhu haatan qudheeda uma baahna abaabulka iyo xusul-duubka uu ka dhex muuqdo ee uu hugunka xildhibaannada uu uga hor-tagayo. Xildhibaannada sharcigu uma oggola in ay madaxweynaha shaqada uga eryaan wax ka sokeeya khiyaano qaran iyo sharci-ku-tumasho — oo qudhoodu caddaymo waafi ah u baahan, joogsi.
Madaxweynaha waxaa ku fillayd in uu inta xukuumadda u yeero ku yiraahdo: “Saaxiibbayaal xildhibaannada cinwaanka ayaa ka khaldamay ee waxa ay ka cabanayaan waa hawlihiinna. Sidaa darteed, yaanan buuq dambe maqlin.”
Waxaa kale oo ra’iiska ka hoos baxday in uu jeediyo khudbad uu shacabka ugu sharxo meesha xasaasiga ah ee uu dalku marayo, meesha uu u socdo, iyo in aanay shaqadiisu ahayn in uu amniga sugo iyo in uu shuruuc qoro toona.
Ibrahim G. Sharmarke
Leave a Reply