Wq. Siciid Jaamac Xuseen
Saddex dhinac oo qof walba lagu qiimeeyo, gaar ahaan marka uu xijaabto ee tii Alle u timaaddo ayaa kala ah dabcigiisa iyo dad-la-dhaqankiisa, aqoontiisa iyo cilmiga uu lahaa, shaqadiisa iyo hawlkarnimada wax-qabadkiisa. Sifooyinkaas dadkii ay marxuumka isugu dhowaayeen noloshiisa iyo kuwa ay soo wada shaqeeyeen, ayaa si sax ah uga warramay ammaantuu ku mutaystay iyagoo weliba ku daraya wadaninimadiisa iyo mararka uu u farabaxo siyaasadda kaalintuu ka qaadan jirey.
Aniga muraadkaygu waa inaan si kooban uga war-bixiyo dhacdo muhim ah, oo aan goobjoog ka ahaa, marxuumkuna isugu imaatinkeeda qabanqaabadeeda lahaa. Waa bilawgii sagaashannadii qarnigii la soo dhaafay. Waa xilligii kala gurashada, Soomaalida iyo shisheeyaha, iyo Soomaalida dhexdeeda laf ahaanteeda. Soomaali badan ayaa u qaxday dalka Yaman ee deriska lala yahay. Magaalada Sanca ayaa tiro aan yarayni degeen welina deggan yihiin. Kuwaas waxaa ka tirsanaa macallimiin badan oo dawladda Yamantu shaqo qoratay iyo kuwo kale oo heyadaha Ururka Qaramada Midoobay u shaqeeya. Kuwan dambe ayaa Maxamed Buraale ka mid ahaa isagoo heyadda UNDP ka tirsanaa xilligaas.
Waagaas oo waji-gabax iyo utun la kala tirsanayo- mid jirta iyo mid aan jirin tay doonto ha noqotee – ayaa Maxamed Buraale furfurraanta, qalo la’aanta iyo bulshonimada, shakhsiyaddiisa lagu wada yiqiin, ayaa cid waliba laab-xaarni ku soo dhowayn jirtay. Anigu xilligaas magaalada Cadan ayaan ku noolaa. Waxaa igu weheliyay Maxamed aabbihii Buraale Faarax, Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyee iyo walaalkiis Cabdi Buraale. Qoys ahaan muddo aan dheerayn ayaanu is niqiin, waxase na dhex martay barasho iyo qadderin weyn, khaas ahaan marxuumka.
Booqasho aan Sanca ku tegey, ayaa ku soo aadday martiqaad uu Maxamed Buraale ugu tala-galay nin uu xurmo iyo abaal weyn u hayay, siduu ii sheegay. Qofka martida ah ee la maamuusayaa wuxuu ahaa Axmed Xasan Muuse oo xubin ka ahaan jiray Golihii Sare ee Kacaanka. Martiqaadkaas Maxamed Buraale wuxuu isugu keenay dad waayeel ah, kala shaqo duwan, gobollada Soomaaliyeed ka kala socda, rayid iyo militariba ka soo jeeda .. waa dad haddii aanay ahayn xafladdaa Maxamed Buraale isugu yeeray, aan sidooda kale wada hadalku Sanca ku dhex marin. Sunta la og yahay ayaa ku wada mudan, ha lagu sii kala xummad-kululaadee!
Qadada markii laga soo wada jeestay, ayaa kulan iyo iswaraysi ‘barje jaad’ loo fariistay. Guriga la joogo jawigiisa bilan iyo martida la soo dhowaynayo awgood, ayaa dadku markan debecsanaan iyo is-dhexgal furfuran ka muuqatay. Sidii caadadu ahaan jirtay, Maxamed Buraale oo marti loo yahay ayaa kulanka daadihinaya. Soo-dhoweynta ka dib, waxaa la bilaabay in Axmed Xasan Muuse la waraysto. Mudanuhu darajada uu dalka ka soo qabtay oo meelaha ugu sarreeya ahayd, ka sokow, waxaa lagu wada yaqiin oo u meel martay inu shakhsi ahaan yahay nin hadalka ku cad-cad, runta ka raaca inta uu ogyahay, xanta iyo ka been-sheegga aad uga xishooda. Waa ruux aqoontiisa hadla. Sifahaas lagu sheegay ayaa iyana ka mid ahayd sababaha kulankan ay dadkaas kala duwani isugu yimaaddeen. Xasuustayda, intayadii xafladda isugu timid Axmed Xasan keliya ayaan ‘Jaadka’ afka saarin. Marka waraysigii dheeraa ee Axmed dalkii kaga warramay, intii iyo siduu ugu xoghayay, ayaan jeclaystay mid aan is iri dad badan oo Soomaliyeed ayaa kolleyba danayn doona inay waxa ka jira ogaadaan. Su’aashaa iyo jawaabtii Axmedna sidan ayay u dhacday:
“Mudane Axmed Xasan, su’aal muddo dheer igu wareegaysay haddaan ku weyddiiyo … ‘Markaad ciidan ahaan talada dalka qabanayseen waad la socoteen, in aydin dawlad jirta oo leh siyaasaddeedii iyo xiriirkeedii ay adduunka kula dhaqmaysay, aydin xukunka kala wareegaysaan .. ee ma jirtay idinku qorshe siyaasadeed oo dalka loogu sii talagalay oo aad isla qabteen fulintiisa? Iyadoo kooban maxaa idiin qorshe ahaa Golihiinnii Sare ee Kacaanka oo aad isla ogaydeen in shacbiga la badbaadinayo lagu maamulo?”
Axmed intuu su’aasha si fiican u dhegaystay oo u dhuuxay, inta fadhidayna wada dhawrayaan, ayuu si deggan oo daacadnimo ka dhadhamayso, ku soo koobay: “Siciidow, adaaba sheegaya!”
Jawaabta Axmed ha gaabnaatee, sida ka muuqata, dhawr su’aalood oo weli dad badani isweyddiinayaan ayay jawaab shaafi ah ka bixinaysaa. Waxa kuwaas ka mid ah:
– In ay xaqiiqo tahay in wax qorshe ah oo la isku ogaa in dalka lagumaamulo meesha aanu oollin
– In ciidanka badankiisu ku qanacsanaa in marka dalku xasilo, talada lagu wareejin doono rayidka
– In dawlado ka dambeeyay oo ciidanka la ogaa ‘Kacaankaas’ – Midowga Soofiyeeti iyo qayrkiis- aanay jirin. Sida aanay u jirin cid taliskii militariga ku khasabtay in uu qaato fikradda iyo falsafadda ‘Hantiwaagga Cilmiga ku dhisan’ in dalka lagu maamulo
– Mar haddaan qorshe siyaasadeed jirin, in dalku ku socday qorshe maalmeed iyo hadba waayaha dhacaya dabayshiisa wixii laga la kulmo
– In ‘kacaankii barakaysnaa’ maalintuu dhashayba kafantiisii gacmaha ku sittay, ee aanu dhawr sannadood ka dib marin habaabin, sida duul badani isku qanciyaan.
Munaasabadda kulankaas keentay, iyo kuwo kaloo gaar ahaan aniga qaali igu ah, ayaan ku wada xusuustaa marxuumka Maxamed Buraale Faarax. Isaga naxariis Eebbe, ehelkiis sabir iyo iimaan, akhristayaashana in xuskaasi wax micne leh innagu wada kordhiyo oo danta guud laga raaco ayaan u rajaynayaa.
Siciid Jaamac Xuseen
Email:sjx2005@hotmail.co.uk
—————
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waxa uuna si joogta qoraaladiisa ugu bandhigaa bogganWardheerNews. Siciid waa guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed, wuxuuna hadda ka mid yahay duqayda ururkaas.
Leave a Reply