Dalanbaabi (Maanso)

Dalanbaabi (Maanso)

W/T: Cabdiraxmaan Beyleh PhD
(Cabdi Wadaad)

Walaalaha Soomaalilyeed ee caalamka daafihiisa ku kala noolow, waan idin salaama. Waxaan idiin rajeynayaa Sannad Wanaagsan oo wacan, 2014. Jiiftadii sannakan  2013 gunaandadkeeda iyo oddoroska inna soo food-saaray, 2014, way soo socotaa. Haddase, waxaan saaka idiin soo gudbinayaa maanso aan u bixiyey DALANBAABI (Rough translation would be: UTTER DISPPAIR).

Waxa ay maansadu isku deyeysaa in ay ka warranto dhibaatooyinka ku habsaday dadka Soomaaliyeed. Kuwaas oo, haddadan aan wax qorayo, qaarkood jeelalka adduunka ku abaadsanyihiin, iyaga oo laga yaabo in aanay dembiyo culculus geysan, badhkoodna, Saxaaraha Afrikada waqooyi geeddi dheer oo halis ah ugu jiraan sidii ay naftooda u badbaadin lahaayeen, halka weliba kuwa kale oo badanina ay iyaguna cabsi xooggan u qabaan dadkooda iyo duunyadooda dalalka ay joogaan, sida kuwa kale ay werwer weyn ka qabaan in goobta ay taaganyihiin la sarakacdo oo qaraxdo. Bal cadaabkaas hadda wax yar ka fiirso!

Waxa xusuus weyn igu ah oo maansadan  samaynteeda qayb ka qaatay arrintii Lampedusa oo dadkii badbaaday qaarkood loo sheegay in ay dembi galeen oo maxkamad la soo taagi doono. Dadkaas, waxa igu maqaala ah, in uu ka mid yahay oday Soomaaliyeed oo waayeel ah, oo laba carruur ahaa iyo marwadiisiiba baddu qaadatay, isaguna dirqi ku badbaaday. Odaygaas Soomaaliyeed  ee sidaas xaalkiisu yahay ayaa I laab-qaaday, maansadanina inteeda badani isaga iyo kuwa kale ee la midka ah ee dhibaatatadu ku haysato adduunyada daafeheeda ayey ka turjumaysaa.

Ceelna Uma Qodna Cidina Uma Maqna!   Sow  xaalku Ma’aha?

Iga guddooma waa tan maansadii Dalanbaabi oo soo baxday bishan Desember 29, 2013.

Dadyahow Soomaaliyeed
Maxaad dalanbaabidaan
Maxay dembi aanad qabin
Dushaa kaa saarayaan
Gartaadada maxay duwaan
Runtaada daboolayaan
Xaqaaga la duudsiyaa

Muxuu daad kula tagaa
Nafta u dalandoolisaa
Dabbaal adigoon aqoon
Badweyn ugu daadataa
Saxaaraha ugu dabar-go’daan
Maxaad dulli qaayibtaa
Adoon daal iyo harraad
Dabuub soo celin karayn
Naftaadu deyeysantahay

Dantaadu hallaysantahay
Duruufuhu adagyihiin
Maxay kugu dacatiyaan
Maxay dacwad kugu furaan
Dabkaagu inuu bakhtiyo
Dambbaabura-hees ku dhaco
Maxay kula doonayaan
Durey maahmaahi tidhi
Ninki duhur seexdayow
Daleedda  adays dhigee
Sacaagii dibi dhalyaa!

Intaa dheh dardaaran guud
Dareenkayga I faray
Inaan dood wada galnee
Weliba ma ku sii durkaa?

Dadyahow Somaliyeed
Dantayda inaan xaslado
Inaan dabarka iska furo
Ninkii ii qoolay dabin
Ninkii igu deyey xumaan
Dabaylaha nacabka wada
Intuu ani daaf I dhigay
Ninkii koray daarta dheer
Ninkii dabaqa isku xidhay
Anoon cidna deyn ka gelin
Dalkayga inuu hantiyo
Doolaalada iila timid
Wuxuu dirqi-yeel i yidhi
Inaan iska diidi karo
Deyrkayga adkeysan karo
Xooggayga ku daaqi karo
Dadaal ma u wada galnaa?

Sooyaalka an duug lahayn
Doodduu yidhi ina Suldaan
Dardaaranku nooga tegey
Ninkii dugsi moodayaw
Wax buu dumiyaa qabiil
Xanuun ma daweyn karo
Duruus ma ka qaadannaa?
Doc mow wada jeedsannaa?

Dadyahow  Somaaliyeed
Dareenkaygaa I faray
Inaan dood wada galnee
Mid kale daaha an ka rogo

Diraacda barwaaqada ah
Waxaa daad soo rogmaday
Doox iyo webiyaal fatahay
Harooyinka wada  dafta ah
Xareedaha daadku wado
Dareemada waafiga ah
intaad dalag beerilayd
Intaad reer doojinlayd
Dadkaaga u hiilinlayd
Maxaa dibad kaaga xidhan?
Qaxooti  ka doonataa?

Miyaad dumar iyo raggiin
Da’diinna yar iyo ka weyn
Kol ay daa’imo ku tahay
Dhammaan isku duubnidiin
Miyaad damal geedka weyn
Habkii dalka lagu yiqiin
Miyaad hararkiyo darmada
Intaad gogol daadsataan
Duleedka qormaysataan
Fikradda dooyeysataan,
Miyaad dood sugan furtaan
Deelqaaf wixii aad fashayn,
Waxaad dembi geysateen,
Miyaad Rabbi daa’imkeen,
Dulqaad weydiisataan?
Dartii isku saamaxdaan?
Deeqdiisa ku meelmartaan?
Wixii godob daafta yaal
Dabaylaha raacisaan?

Miyaad samo deydeydaan?
Bulshada dibindaabyadiyo
Daluunta ka soo faqdaan?
Dabkaa weli idinku shidan
Ammuurahan wada dellegan
Dagaalkan qabiiliga ah
Dirsoociyo qaybta wada
Astaamaha dib u dhaca ah
Siyaasiga daydayga ah
Dantiisa maraataha ah
Dammiirku ka madtka yahay
Dugaagga dhashaada cuna
Horseedaha  daallinka
Indhoolaha wada damta ah
Intaad dibi weyn qashaan
Miyaad ka ducaysataan?

Allahayow hadda ma u sheegay?
Hadda Allahayow ma u sheegay?

Nabadeey

Abdirahman Beileh PhD

E-Mail:a.beileh@afdb.org

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.