Taxanaha Aadan Makina: Bar ama Baro:

W/Q Aadan Makiina

Bar ama Baro
Bar ama Baro

‘Aqoon la’aani waa iftiin la’aan’ waa halqabsi oo tilmaamaya faa’idadda ama muhiimada ay leedahay waxbarashadu. Tan iyo intii dawladii kacaanka laga eryay xukunka, Soomaaliya waxaa soomaray mugdi xagga tacliinta maadaama dugsyadii iyo ilihii waxbarasho burbureen iyadoo ummaddii noqotay wax debedaha uhayaama iyo wax ku tabaaleysan gudaha dalka. Tiro badan ayaa kunool xeryo qaxooti oo aysan ulaheyn madaxbanaani maadama danohooda ay fuliyaan dawlado shisheeye ama dad aan daneyn diintooda, dhaqankooda, iyo aaya katalintoodaba.

Kacaankii u talin jirey dalka ma ahayn mid utafaxeytay kobcinta waxbarashada iyo dhaqaalaha bulshada maadaama uu ahaa mid militeri oo danihiisa ku saleysnaa inuu xoog ku muquuniyo wax kastoo keeni lahaa horumar iyo isku fillaan. Kumanaan kun oo ahaa mutacalimiin ayaa isaga cararay dalka markay heli waayeen dhaqaale ku filan iyo madaxbanaani. Qaar kalena waxay u adkeysan waayeen handadaad iyo cagojugleyn maadaama ay lahaayeen mabaadi’ ka duwan tan kacaanka. Culuntii iyo khibradii ay debedaha la tageen waxay ufaa’ideysay ardo badan oo ajnebi ah. Waxaa waddankii kuso haray tiro yaro macallimiin ah oo tabanayey dhibaatooyiin faro badano oo aan laso koobi karin.

Soomaaliya ilaa maanta waxay leedahay dad badan oo wax bartay kuwaaso kala ah barrayaal sare  oo kadhiga jaamacado qadiimi ah, ha ahaadaan kuwo kuyaal Mareykanka, Yurubta Galbeed, Aasiya, Bariga Dhexe, iyo weliba waddamo kaloo Afrikaan ah. Waxaa kaloo intaasi sii dheer dhakhaatiirta ilkaha iyo caafimaadka, injineerada, kalkaaliyaasha caafimaadka ee sida ba’an looga baahanyahay Cisbitaalada waddamada horey u maray si ay  sare ugu qaadaan caafimaadka shacabkooda, iyo laamaha kala duwan ee maanta lagu tartamo dunida sida kombiyuutarada iyo nanoteknolojiyada.

Wax kasto bilow lihi, wuxuu leeyahay dhammaad, dagaalada Soomaaliya ka socdana waa ay dhammaan doonaan goortey noqotaba Insha Allah. Waxaa haddaba looga baahanyahay cidda hanan doonta xukunka waddankani burburay sidii looga bixin lahaa ummadda Soomaaliyed jahliga, tuhunka iyo kalashakiga, nacaybka, iyo qabyaalada soo jireenka ahi. Dabcan, waad maqasheen dawlado badan oo dagaalo hore u soo galay maantana aysan ka muuqan wax colaad ah. Waddamada maanta loo yaqaan ‘kuwa horumaray’ ee ay kamidka yihiin Reer Galbeedka sida Mareykanka, Kanada, Yurubta Galbeed, Ostaraaliya, iyo Jabaan, dhaamaantood waxaa hore usoo baaba’shay dagaalo shisheeye iyo kuwo gudaha ah maatana waxaabad moodaa in aysan dagaal gelin abidkood. Waa waddamada ugu hodansan taasina waxay ku gaareen kobcinta dhaqaalahooda iyo sare uqaadida waxbarashada bulshadooda.

Soomaaliya maanta waxaa kajira jaammacado faro badan kuwaaso ku kala yaala Somaliland, Puntland, Jubba, iyo Muqdisho. Weliba waxaa mudnaan mudan Jaammacadda Muqdisho oo gashay kaalintii 100aad ee jaammacadaha Afrika ugu fiican. Waa mid ka fajicisay dadka u kuurgala waxbarashada caalamka. Waxaana layaab leh sida geesinimada ay kudheehantahy ee ay muujiyeen macalimiinta kadhiga ee isugu jira Soomaali iyo ajaanib intuba. Waxaa kaloo Soomaaliya kajira kuuliyado, dugsiyo dhexe iyo sare inkasto ayan isku manaahij ahayn. Qaar waxaa lagu bartaa luuqadda carabiga, qaarna afafka qalaad oo ay ugu horeyso luuqadda ingiriiska.

Walwalka ugu weyn ee ardeyga Afrikaanka ah haysta ayaa wuxuu yahay sidii uu ku heli lahaa kuliyad ama jaamacad u dhow tuulada ama magaalada uu kaga soo qalinjebiyay dugsigiisa sare maadaama culuunta sare oo dhammi laysugu geeyo inta badan caasimadaha. Xukuumadaha Afrika ayaa waxaa lagu yaqaan in xukuunkooda yahay mid laga furdaamiyo dawladda dhexe oo inta badan saldhigyadooda yahay caasimmadaha. Marka, haddii ardeygu kaqalinjebiyo tuulo ka fog caasimadda, waxay qasab ku noqonaysa inuu safar dheer galo sidii uu ku tegi lahaa jaamacadda oo ku taal caasimadda.

Akhristow, nabadu waa ay soo bidhaameysaa, Soomaaliyana way degi doonta ee waxaa lagaaga baahanyahay inaad qeyb lixaad leh ka qaadato waxbarashada dadkaaga iyo dalkaaga si hagar la’aan ah. Haddii aadan hore wax ubaranna, hadda u dhabagal maadaama aqoon la’aani tahay iftiin la’aan. Ku dadaal in aad wax barato oo aad jahliga kabaxdo. Wax barta aan barwaaqo gaadhne.

W/Q Aadan Makiina
WardheerNews
Email:Adan.makina@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.