Muqdisho (WDN)- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka socday ayaa wali aan soo saarin Warmurtiyeed, iyada oo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu wado culeys, gorgortan iyo wax isdhaafsi (transactions) uu rabo in uu ku meelmariyo qorshihiisa Qof iyo Cod iyo muddo kordhin hal sano ah oo uu rabo in loo sameeyo Dowlad Gobolleedyada bisha Noofember ee sanadkan 2024.
Wararka naga soo gaadhaya Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan ku qanciyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Md Cabdicasiis Xasan Laftagareen in uu qaato qorashissa muddo koradhsiga ee lalka sano, isla markaana ka tanaasulo in uu qabsado doorasho madaxbanaan oo u gaar ah Koonfur Galbeed.
Qorshaha Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay in uu Md Laftagareen aqabalay, isaga oo loogu balan qaaday:
- In Koonfur Galbeed loo sameeyo oo la siiyo jagada Ra’iisal Wasaare Xigeenka 2-baad ee Dowladda Federaalka.
- In uu Madaxweyne Laftagareen soo magacowdo Wasiiro, kuwaasi oo lagu badali doono wasiirada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee hadda xilka ka haya Xukuumdda Madaxweyn Xasan Sheekh.
- In kaalmo dhaqaale la siiyo
Waxa xusid, halka uu Madaxweyne Laftagareen lagu qanciyay qorshaha Xasan Sheekh, in Madaxweynaha Jubbaland Md Axmed Islaan ( Axmed Madoobe), ka biyo diiday, isaga oo ku adkeystay:
- In doorashada Jubbaland ay u madax banana tahay, Villa Soomaaliyana aysan soo fara gashan.
- In Puntland inta ay maqan tahay aan laga heshiin karin qorshe doorasho heer federal ah oo dalka ka dhacda.
Maxadweyne Xasan oo adeegsanaya Ra’iisal Wasaare Xamse, ayaa la sheegay in ay wali culeys weyn ku hayaan Axmed Madoobe, si uu markaas mawqifkiisa u badolo, taasi oo aan uu suurta gelin.
Dhinac kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Md Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garowe ku sheegay in shirka Golaha Wadatshiga Qaran ee ka socda Muqdisho, uu mawqifka Madaxweynaha Jubbaland Md Axmed ISlaan (Madoobe) ku bogaadinayo, islamarkaana Dowlad Gobolleedyadu xor u ahaadaan doorashadooda sida uu dhigayo dastuurkoodu, taasna ay Puntland ku taageersayso mowqifkaas.
Shirka Wadatashiga Qaranka ee Muqdishio, ayaa dib uga dhacay oo aan wali soo saarin warmurtiyeed, kaas oo la filayay in gabgabadii shirka la soo saaro.
WardheerNews
Leave a Reply