Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ugu magac-daray Marxuum Qeybe

War Saxafadeed

Mogadishu,  –
Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane  Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale  oo  lagu xusayey  Marxuum Danjire Axmed  Maxamed Aadan Qeybe ayaa caawa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

qaybeDhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday  taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum  Axmed  Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna  tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey  Umadda  Soomaaliyeed.   Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir  Allaah haka siiyo  ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana  jiri doonaa”

Sidoo kale Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya  ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana  micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”

“ Caawa waxaan u joognaa xuska  Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa  si aanu jirsiino mar-walba  waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa  maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in  xarunta Wasaarada Arrimaha  Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda  dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan  Qeybe yuu ahaa  ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa  u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti  ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.

Xafiiska warfaafint, Madaxtooyada
Muqdishu

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.