XUSUUSQOR:JENERAAL GIAP IYO MAANSADA GALANGAL

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Nimanyahow ma guurtada xuska leh, geliyey diiwaanka
Biyaanfuu gulcubihii dhaciyo, galalki dhiigoobey
Faransiiska wiishkii la go’ay, saw la garan mayo!

Maantana geddii baa dhacdiyo, tii gefkii hore’e
Baariis dabkii lagu gubaa, Waashindoon galaye
Galoof ololka way leeyihiin, qab iyo guul guule

Marka runi runteed geydo way , gamashi dhiiqaane
Haddii laysku sii giijo way, Galangal-coobaane
Weligoodba guul kala ma tegin, meel garaad jiro.

(Maansadii  GALANGAL, ee Hadraawi 1971)

Biyaanfu  : waa Dien Bien Fu, goobtii uu General Giap ku jebiyey ciidankii Faransiiska 1954.
Waashindoon : waa magaalada Washington oo markaas looga jeedo taliska Maraykanka ee ciidankiisii laga saaray Vietnam 1970 aadkii

vietnam-general_giap_han09
Jeneraal Giap

Jeneraal Giap oo u dhashay dalka Fiitnam, ayaa 102 jir ku geeriyooday.
Maansada  GALANGAL Hadraawi curiyey ayaa iyana imminka 42 jirsatay.

Sannadku waa 1971.  Goobtu waa Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (JDS).  Munaasabaddu waa wefdi ka socda dalalka marka la isku wada qaado loo yaqaan INDO CHINA; marka hal hal loo furfurona noqonaya Fiitnam, Laos Iyo Kambodiya.  Wefdigan yimi, sida badanaa dhacda, ma aha mid ka socda dawladaha dalalkaas ka taliya; ee waa ururro dalalkaas ka socda oo dagaal kula jira talisyada dalalkooda iyo kuwa dibedda ka taageeraya.

Maxaa ururrada Indochina iyo Soomaaliya isu keenay?
Maansada Galangal iyaduse maxay tahay?
Jananka lagu sheegay Giap isaguna muxuu ka dhex qabanayaa wefdiga?
Dhammaantood waa arrimo si isugu murugsan ee halka ugu fudud aan ka abbaarno.

siyaadDalka Soomaaliya ciiddanka militariga ah, oo xilligaa jacaylka loo qabay lagu magacaabi jirey ‘Xoogga Dalka Soomaaliyeed’, runtiina magacaa si walba ugu qalmi jirey,  ciidankaa ayaa taladii dalka kala wareegay xukunkii rayidka ahaa 21 Oktoobar 1969.  Garo oo markaas ‘Kacaankii’ lagu dhawaaqay wuu laba jirsadey.  Sannad ka hor 1970kii,  Golihii Sare ee Kacaanku bayaan uu soo saaray ,ayaa qeexaya in dalka lagu maamuli doono habka ‘Hantiwadaagga’.  Xoogga dalka soomaaliyeed, tacliin, saanad, iyo tababarba waxaa siiya Midowga soofiyeeti (Ruudhka iyo bahdiisa).  Xilka kale ee Misowga Soofiyeeti lagu yiqiin waa garabsiinta dadyawga gobanimodoonka ee weli gumeysiga ku hoos jira cadaadiskiisa.  Arrimahaas, ayaa keenay in soomaaliya oo xilligaa u muuqatay goob qaaradda Afrika ku taal oo gobanimodoonku si dhab ah ugu soo hiran karaan; Midowga Soofiyeetina kaalmo buuxda la barbar taagan yahay.

Dalalka Indochina, sidaan soo sheegnay waxay dagaal kaga horjeedeen talisyada iyaga xukuma iyo Maraykanka oo ku qaraabta.

Waa 42 sano ka hor oo xaaladda adduunku ku sugnaa xilligaas ay si weyn uga duwanayd tan aynu maanta u jeedno.  Xilligaas waxaa lagu tilmaami jirey ‘Sebenkii Dagaalka Qabow’.  Taasoo micnaheedu yahay adduunku laba quwadood ayuu u kala qaybsanaa iyo kuwo kala hoos yimaadda.  Galbeedka oo ku kulansan gaashaanbuurta

NATO oo Maraykanku hoggaamiyo; iyo Bariga oo ku midaysan gaashaanbuurta WARSAW oo  Midowga soofiyeeti mayalka u hayo.  Bilawgii 1990aadkii, qarnigii la soo dhaafay, ayaa isu dheellitirnaantii miisaankaa labadaa quwadood uu khalkhal ku yimi, markii Midowga Soofiyeeti iyo gaashaanbuurtii Warsawba ay sidii tusbax furtay kala daateen.  Sidaas darteedna, loo jeeddo in maanta uu Maraykanku keligiis isagoo NATO wata uu  dunida ka doobinayo.  Intii kalee soo raacdana uu garabkiisa meel uga banneeyo.

Qaaradda Afrika xilligaas 1971, dalal badan oo waaweyn, ayaa weli gumeysiga gacantiisa ku sii jirey:

–  Koonfur Afrika.. midabtakoorka tirayarta caddaanka ah ayaa ka talin jirtey
–  Simbabwe oo berigaa la oran jirey Roodisiya, ayaa iyana haraa caddaan ah oo boqortooyada Biritishku ku dhaaftay xukumaysay
–  Namibiya  ayaa Koonfur Afrika berigaas hoos iman jirtey
–  Dalalka Angola, Mosambiig, Gini Bisaw iyo cape verdi ayaa dawladda Bortaqiiska oo  lagu tilmaamo kuwa Yurubta galbeed tan ugu miciin liidata ay ka talin jirtay.

Dalka Shiinaha ee maanta lala socdo heerka ay awooddiisu ku siman tahay, mid dad, mid dhaqaale, iyo mid ciidanba, ayaa waqtigaa kursigii uu ku lahaa Ururka Qarammada Midoobay (UNO) ay jasiiradda Taywan fadhiday.

Dalalkaa Afrikaanka ah mid aan ururkiisa xornimada u halgamayay madaxdiisu aanay iman Soomaaliya ma jiro. . Mid aan hiil iyo hooba loogu deeqin ma jiro.. Mid aan loo heesini waa yar yahay.  Ku darso dalalka Falastiin, Eritreya iyo Siishel laftooda.

Way jireen dad Soomaaliyeed oo qabey in deeqdaas iyo isgarabtaagga ururradaas ay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya (JDS) ka ahaayeen beer-laxawsi, Ruush-raac iyo durbaan-tun aan ummadda Soomaaliyeed waxba uga dan ahayn.  Aragtidaa waxaa ka soo horjeeday, oo xagga shicbiga kaga xoog weynaa, tan oranaysay:

Inta weli geyi Afrikan ah gumeysi ku hoos jiro, adiguna gun baad tahay.. xornimada uu hantaana, waa mid kuu dhalatay.. madaxbannaanidiisuna waa awood iyo horumar kuu soo korodhay.

Sheeko buug laga aqristo, iyo filim la daawado, si kasta ha loo qurxiyo, marna ma gaari karaan, xagga saamaynta iyo cashar kordhinta, tan laga kasbado marka si toos ah loola kulmo halgamaa nool oo qadiyaddooda xaq-u-dirirka ah ka warramaaya.

Madaxdii gobanimadoonka Afrika dareenkii iyo casharradii ay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada,  ku reebeen mid la yaraysan karo ma ahayn.  Kuwa Indochina ka socday iyaguna tay u yimaaddeen khaanaddaas ayay ku aroortay lafteedu.

hadrawiAbwaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, ayaa maalintii wefdigaas la soo dhoweynayay ee la isugu yimi Golaha Tiyaatarka Muqdisho, maanso gibil dubaaxinaysa ka tiriyay goobtaas igman.  Maansadaa, ayaa magaceedu ahaa GALANGAL oo laga daalacan karaa diiwaanka abwaanka Hadraawii ee la yiraahdo HAL KARAAN.  Maansadaas lagu xusayo halgankii dadka reer Fiitnaam guulahoodii, iyo geesiyadii hoggaanka u hayay ayuu ka tirsanaa GENERAL GIAP.  Waa ninka dalkaas gudihiisa ku magac xiga, xagga maamuuska iyo magac dheeridda, hoggaamiyha dalkaas ee HO CHI MINH.  Taariikhda dagaalladii adduunka ka dhacay, weli lama sheegin taliye ciidan oo laba dagaal oo baaxaddaa leh ku wada guuleystay sida Jeneral Giap-ka reer Fiinam oo kale.

Janankaasi ciidanka Faransiiska ayuu ku jebiyay fagaarihii Dien Bien Fu oo ka saaray dalkiisa 1954.  Ka dibna, kii adduunka ugu tookh iyo tanaad weynaa.. muruq iyo maal badnaa ee Maraykanka ayaa duhur cad shadafihiisii ka gurtay dalka Fiitnam markii ciidankiisu holac iyo halaag kala kulmeen halgamayaashii uu Jananka Giap hoggaaminayey 1970aadkii.  Halyeygaa  u dhashay dalka Fiitnam ayaa haddaba 4tii Oktoobar 2013 ku geeriyooday dalkiisa. Sharafta intaas le’eg markuu dalkiisa u soo hooyay ayuu ka xijaabtay asagoo 102 sano ifka soo joogay.  Maamuuska iyo qadderinta ugu weyn ayaa shicbigiisu ku sagootiyeen geesigaas lama illaawaanka ah.

Maansadii Hadraawi ee GALANGAL  oo iyadana ay ka soo wareegtay 42 sano ayaan isweydiiyay inta bal maansadan  akhrisatay  ee isku xiri karta waxay Janankan wadaageen.

Waa adduunya gaddoon oo la yaabi maayo in dad tira yari uun garan karaan berigaa xiriirka dhex maray MUQDISHO, INDOCHINA., VIETNAM, LAOS, CAMBODIA, GOBANIMADOONKA AFRIKA,FALASTIIN, DADKA IYO ABWAANNADA SOOMAALIYEED IYO HORUSOCODKA ADDUUNKA..  Sababta aanan ula yaabayn, waxaan si buuxa ula socdaa ummaddii, Soomaalidii,  beri beryaha ka mid ah Afrika iyo Aasiya ay sidaas u miciinsan jireen markay ribbato, ayaa maanta ayaandarrida xaaladdeeda ka muuqata tahay mid laga qaadayo qaya-yaab iyo af kala-qabad.

Ummaddii Soomaaliyeed waxay ka dhexaysaa:

– in geyigii weli ku caanseersan oo nabad iyo xasillooni loo dacareeyay, iska daa qarannimo iyo horumar la hiigsade.
– inta ugu nasiibka badan oo qaxootinimo dalal shisheeye loogu yabooho.
– in badweynta qaarradaha Yurub iyo Afrika dhexdooda iyo dhulka lama degaanka ah raqdooda loogu tegayo.

– iyo in aan isdhiibin ee weli rajadoodu saaran tahay waxay kala bixi doonaan loollanka  dalka gudihiisa ka alloosan –  Garba-weynta hadba gobol isku cayrsanaya ee isku cunaya  iyo shirarka caalamiga ah ee hadba caasimad dhalaal weyn loogu qabanayo, natiijooyinka ka dhasha.

siciid1
Siciid Jaamac Xuseen

Aniguna quus ma joogo; haddii kale ma aan xusuusteen dhacdadan 42 sano ka soo wareegtay ee geesiyadii Indochina ka soo boqoolay  Xamar lagu soo dhoweynayay.  Hadday libini ku jirto, aniga ayaa qabanqaabada shirkii maalintaa u xilsaarraa.  Saaxiibkay Hadraawina kaalintaas cuddoon kaga beegay.

W. Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email:  sjx2005@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published.