Warsaxafadeed: Badbaado Waqooyi

Warsaxafadeed: Badbaado Waqooyi

Warsaxafadeed

Markay qayloo naga soo gaadhey ciidaan u dhalanay, waa markii dulmigii dunida, calankii huwaanaa, ee lixda gees lahaa diyaaraado lagu keenaye, waan toosnay.  Waayo, Waqooyi baa Shilal Yaalla!

Cadowgaa la soo caleemo-saaray culayskiisaan dareenay. Waxaan maqalnay dadkaa la xasuuqaayo qayladoodii, waxaa na damqay sebiga ooyaya, waxa na dhaawacay hooyooyinka barooranaya, waxaan ka xanuunsanay Aabbaha loo awood sheegtay ee muruq, maal iyo maanba laga maroorshey. Waxaa noo muuqtay in aanaan ku xigno, oo aan shilalka naallo ama haadi inagu heehaabayso. 

Darxumada Israa’iil (Israel), oo dunida dacaladdeeda laga dillaanshey, waxay soo hoynayso oo naan habaar iyo hadimo ahayn, waan arki weyney.   Nabad kuuma sido oo ilaa iyo maalintay Falastiin xoog ku qaaday 1948, meel Israa’iil iyo erayga “nabad” ku kulmeen maynaan maqal, mana arag.

Awood dhaqaale oo ay cid wax ka siiso, wax iyada dhaafsiisan, ma leh.  Mid siyaasaddeed oo ay cad kaaga jirto, mid ay kaala cararto mooye, haw soo fadhiisan, mid ciidan oo ay col kaaga dabaasho, cid ay ku cadaabto mooye, ha filan.

Dhiig ay daadiso mooyee mid ay dhaydo, ha dhowrin. Xuquuq aadane oo ay xurmayso, mid ay aasto mooyee, ha dood-doonin. Urugo ay reebto iyo ilmo ay qubto mooye mid ay bi’iso, ha haybsan. Laakiin daaro dhaadheer oo ay danbas ka dhigto, oo dadkii noolaa ku aasto, waa caado Israa oo keliya logu bartay, oo aan cidi la wadaagin. Dulmigaa inay nala soo doonto damiirkaa noo diidey. 

Denbiga ugu weyn ee eedane lagu eedayo maanta waa xasuuq.  Dhagar-qabe, dhiigyacabka Benjamin Netanyahu, oo ay Maxkamada caalamka (International Criminal Court) ku caddaysay, dermadaad u dhigteen inuu kugu gubo saw daw maaha?  Dabku shidaayo inuu xaabo kaaga dhigo, maxaa u diidaaya? 

Markaad Israa’iil soo xambaarateen, waxaad xorteen taariikhdii dadnimo iyo intii halyeyo hore u soo halgameen. Waxaad xas ku rideen xasiloonidii ahayd waxa keliya ee muddo saddon sano iyo dheeraad ah aad caalamka ka iibinayseen. 

Waxaad xabaasheen qabkii Soomaali ab iyo isir u lahayd.   Waxaad dhaawacadeen dhaqaalihii, dublomaasiyaddii iyo seedihii siyaasadeed. 

Intaas oo waxyeello ah, maxaad ku bedelateen? Maxaad siisateen dadnimadii, damiirkii, diintii, dugsigii nabadeed, dantii dhaqaale, hubkii dublamaasiyeed, daadihintii siyaasadeed iyo diiwaankii taariikheed? 

Dayaca iyo darxuma aad dadkii iyo dalkii baddeen, xaggee laga dawayndoonaa? 

Gudoonka Badbaado Waqooyi
Axmed Ismaaciil Yuusuf
Email: badbaado@waqooyi.org

Leave a Reply

Your email address will not be published.