By Dr. Abukar Yusuf Warsame
Hordhac Wareysiyada Wadajirka ah
Warbaahinta Soomaaliyeed waxay soo martay isbeddel weyn siiba labaatankii sano ee la soo dhaafay. Muddo dheer wareysiyada siyaasaddeed waxaa lagu qaban jiray idaacado iyo telefishanno leh hal wareyste. Wareysiyadaasi waxay badanaa ku koobnaayeen waqti kooban iyo arrimaha siyaasadeed ee ugu kulul waqtigaas. Idaacadihii iyo telefishannadii ayaa maanta waxaa barbar socda YouTube, Podcast-yo, Facebook, iyo aalado kale. Isbeddelkan ayaa horseeday in suxufiyiin madaxbannaan iyo madallo cusub ay helaan dhagaystayaal aad u ballaaran.
Markii ay soo baxeen warbaahinta bulshada iyo podcast-yadu, waxaa kordhay fursadda dooddaha dheer iyo falanqaynta qotada dheer. Dadku waxay bilaabeen inay door bidaan doodaha dhaadheer ee sharraxaya sababaha iyo saameynta arrimaha siyaasadeed.
Dhinaca kale siyaasiyiintuna waxay doonayaan inay gaaraan dhagaystayaal badan halka warbaahintuna ay rabto inay isu geyso aqoon, waayo-aragnimo iyo dhagaystayaal mug leh. Dhamaan arrimahan ayaa horseeday kororka wareysiyada wadajirka ah. Mid ka mid ah isbeddellada ugu xiisaha badan ayaa ah soo ifbaxa wareysiyada wadajirka ah ee ay sameeyaan/u wada qabtaan/qaadaan laba ama in ka badan oo warbaahin ama suxufiyiin ah.
Dalal badan ayaa hore u isticmaalay habkan. Wareysiyada kooxeed, dooddaha siyaasaddeed iyo podcast-yada wadajirka ah ayaa noqday hab caan ah oo lagu xoojiyo doodaha dadweynaha. Khibradahaasi waxay muujinayaan in guusha lagu gaaro diyaar-garow wanaagsan, anshax saxaafadeed iyo xaqiiqo ku saleynta doodaha.
Haddaba habkan cusub ma mudan yahay in si qoto dheer loo falanqeeyo maadaama uu saameyn ku yeelan karo isla-xisaabtanka siyaasiyiinta, tayada saxaafadda, iyo fahamka bulshadeenna Soomaaliyeed?
Faa’iidooyinka iyo khataraha wareysiyada wadajirka ah
Wareysiyada wadajirka ahi waxay kordhin karaan isla-xisaabtanka iyo tayada saxaafadda, balse sidoo kale waxay la yimaadaan khataro ay ka mid yihiin koox-fikir, eex siyaasadeed iyo hoos u dhac ku yimaada madaxbannaanida warbaahinta.
Faa’iidooyinka
Dhinaca Isla-Xisaabtanka: Marka laba ama in ka badan oo wareyste ay su’aalayaan hal siyaasi, way adkaanaysaa in laga baxsado su’aalaha adag. Hal wareyste ayaa weydiin kara su’aal, halka kan kalena uu daba geli karo jawaabta ama tilmaami karo meelaha ay jawaabtu iska hor imanayso ama aysan waafaqsanayn xaqiiqooyinka jira. Habkan ayaa sare u qaadaya isla-xisaabtanka, wuxuuna bulshada ka caawinayaa inay hesho sawir dhammaystiran oo ku saabsan mowduuca laga hadlayo.
Dhinaca Warbaahinta: Iskaashiga warbaahintu wuxuu sare u qaadaa tayada shaqada suxufiyiinta. Waxay wadaagi karaan cilmi-baaris, dukumeenti, xog ururin iyo khibrado kala duwan. Waxa kale oo ay isku baran karaan farsamooyinka wareysiga iyo hababka su’aalaha loo dhiso, taasoo kor u qaadaysa xirfadda guud ee saxaafadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, wada-shaqeyntu waxay yareyn kartaa kharashaadka soo saarista barnaamijyada waaweyn, iyadoo la isku darsanayo agab, waqti iyo khubaro.
Dhinaca Bulshada: Bulshadu waa dhinaca ugu faa’iidada badan wareysiyadan wadajirka ah. Daawadayaashu waxay helayaan su’aalo badan, aragtiyo kala duwan iyo faham qoto dheer oo ku saabsan arrimaha laga doodayo. Habkani wuxuu sidoo kale mideyn karaa dhagaystayaal kala duwan oo hore ugu kala xirnaa warbaahino kala duwan, taas oo kordhinaysa wadaagga xogta iyo doodda bulshada. Intaa waxaa dheer, wuxuu sare u qaadi karaa kalsoonida dadweynaha haddii bulshada ay dareento in su’aalaha muhiimka ah aan laga tagayn.
Khataraha
Inkasta oo faa’iidooyinkaasi jiraan, haddana waxaa jira khataro dhowr ah oo dhinac socda wareysiyada wadajirka ah.
Dhinaca Koox-Fikirka: Waxaa xaqiiqo ah in suxufi kasta uu leeyahay aragtiyo iyo fikirro u gaar ah. Xirfadda saxaafaddu waxay ku dhisan tahay caddaalad, xaqiiqo iyo dhexdhexaadnimo. Wareysiyada wadajirka ahi waxay kor u qaadi karaan dhexdhexaadnimada haddii ay kulmiyaan suxufiyiin leh aragtiyo kala duwan. Hase yeeshee, haddii dhammaan wareystayaashu ay ka yimaadaan hal aragti siyaasadeed ama hal jiho fikir, wareysigu wuxuu noqon karaa mid aan dheellitirnayn oo dhinac ka raran. Taasi waxay dhaawici kartaa kalsoonida bulshada ee warbaahinta.
Dhinaca Madaxbannaanida: Khatar kale waa in madaxbannaanida warbaahintu yaraato, maadaama wada-shaqeyntu mararka qaarkood u baahan karto tanaasul ku saabsan su’aalaha la weydiinayo, habka loo maamulayo wareysiga ama mowduucyada mudnaanta la siinayo. Haddii tanaasulkaasi bato, waxaa dhici karta in xorriyadda tifaftirka (editorial independence) ay hoos u dhacdo.
Dhinaca Mas’uuliyadda: Waxaa dhici karta inay adkaato in la ogaado cidda mas’uulka ka ah khaladaadka, xogta aan saxda ahayn ama hab-maamuuska khaldan ee wareysiga. Taasi waxay keeni kartaa in khaladaadka aan si degdeg ah loo sixin ama aan si cad loo ogeyn cidda laga rabo inay bulshada u sharaxdo wixii dhacay.
Dhinaca Caannimo Raadiska iyo Is-Muujinta: Mararka qaarkood waxaa dhici karta in qaar ka mid ah wareystayaashu ay xoogga saaraan sidii ay u kordhin lahaayeen caannimadooda ama u noqon lahaayeen qofka ugu hadal-heynta badan baraha bulshada oo wariyuhu ulakac war/faalo dareen-kicis ah u abuuro isagoo caan raadis ah, halkii ay mudnaanta siin lahaayeen helitaanka xogta iyo isla-xisaabtanka siyaasiga. Haddii wareysigu isu beddelo tartan u dhexeeya wariyeyaasha halkii uu ka ahaan lahaa dood bulshada anfaceysa, waxaa dhaawacmi kara tayada iyo ujeeddadii wareysiga.
Dhinaca Xulashada Martida: Waxaa sidoo kale jiri karta khatar ah in siyaasiyiintu ay doortaan oo keliya barnaamijyada ama kooxaha wariyeyaasha ee ay u arkaan kuwo dabacsan ama saaxiibtinimo ula dhaqmaya. Sidoo kale waxa meesha ka baxaysa kala-duwanaanshihii (diversity) oo haddii isku-darsigu bato ay ku soo ururureyso dhawr warbaahin (oligopoly). Haddii arrintaasi dhacdo, waxay yareyn kartaa sinnaanta fursadaha iyo kalsoonida lagu qabo in warbaahintu si madax-bannaan u gudato waajibaadkeeda.
Dhinaca Tartanka iyo Tirada Daawadayaasha: In kasta oo iskaashigu kordhin karo tirada daawadayaasha, haddana waxaa jiri karta cadaadis ah in mudnaanta la siiyo mowduucyada soo jiidanaya daawasho badan halkii laga dooran lahaa arrimaha bulshada ugu muhiimsan. Taasi waxay horseedi kartaa in tayada doodda lagu beddelo raadinta daawasho iyo faafin (viral content), taas oo dhaawici karta doorka warbaahinta ee u adeegga bulshada.
Gunaanad
Soo ifbaxa wareysiyada wadajirka ah waa tallaabo cusub oo muhiim u ah horumarka warbaahinta Soomaaliyeed. Waxay muujinayaan biseylka warbaahinta casriga ah ee ku saleysan dijitaalka iyo rabitaanka bulshada ee dood qoto dheer. Guushoodu kuma xirnaan doonto tirada daawadayaasha ama sumcadda martigeliyayaasha, balse waxay ku xirnaan doontaa inta ay bulshada ka caawinayaan fahamka arrimaha saameynaya mustaqbalka Soomaaliya.
Waxaan ku soo gunaanadayaa talooyin ku socda warbaahinta Soomaaliyeed siiba qolada qabata wareysiyada wadajirka ah:
- Ilaaliya madaxbannaanida tifaftirka wareysiyada.
- Ka fogaada eexda siyaasadeed, magacyada qabiilka adeegsigooda, iyo kaftanka xanafta reebi kara ama fasiraad qaldan keeni kara.
- U adeegsada wareysiyadiinna caddeymo iyo xaqiiqooyin.
- Si siman ula macaamila dhammaan siyaasiyiinta.
- Saxa khaladaadka marka ay dhacaan.
- Ka hormariya danta guud danaha gaarka ah.
Dr. Abukar Yusuf Warsame
Email: abukar628@gmail.com

Leave a Reply