W/Q Bahda Tifaftirka WardheerNews
Waxaan aad ugu faraxsanahay inaanu la socodsiino akhiristayasha qiimaha leh ee WardheerNews.com in ay si rasmi ah dib ugu soo laabatay khadka hawada, ka dib markii ay cillad farsamo la soo daristay. Ciladdaasi lama filaanka ah oo sababtay in WardheerNews hawada ka baxdo, taasi oo hadda la xaliyay.
Akhristayaasheena qiimaha leh ee ku xidhan WardheerNews, waxaanu uga mahadcelineynaa xidhiidhka jootada ah iyo fahamka intii lagu jiro waqtigaasi. Waxaa aanu sidoo kale ognahay firaaqada ku timid doorkii WardheerNews ee helidda wararka wakhtiga ku habboon, falanqayn qoto-dheer iyo cilmi-baadhista waafi ah. Waxaa aanu si niyad-sami ah uga raalli-gelinaynaa dhamaan arimhaasi intii ay khadka ka maqneyd WardheerNews.
WardheerNews waxa ay mar kasta u heellan tahay in ay soo gudbiso warar tayo iyo aragtiyo macno leh oo ku saabsan arrimaha ugu muhiimsan ee dalka iyo addunka ka socda.
Khibrada aanu ka qaadanay wakhtigii ay hawada ka maqneyd WardheerNews iyo xidhiidka joogtada ah ee ay la soo sameeyeen akristayaashu, waxa ay sii xoojisay dedaalka aan u hayno akhristeyaashayada, waxa aanu rajaynaynaa in aanu sii xoojino tayada WardheerNews In Sha Allah.
Mahadsanidiin
Bahda Tifaftirka WardheerNews
Email: admin@wardheernews.com
