Shir ay yeesheen waxgaradka Beesha Geri ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), oo matalaya dhammaan deegaanada Doolo, Daakhato iyo Faafan, waxay kaga wada tashadeen xaaladda guud ee Deegaanka Soomaalida, iyo qorshaha ku aaddan degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka cusub ee ay Xukuumadda Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar soo jeedisay, lagana ansixiyay Golaha Baarlamaanka DDS Julay 26, 2025.
Haddaba Waxgaradka Beesha Geri oo ka kooban dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, kuna kala nool dal iyo dibad-ba (Dal Joog iyo Qurbajoog), waxay codkooda ku biirinayaan si xooggana uga soo hor jeedeaan go’aanada gurracan ee ku dhisan caddaalad darrada ee degmooyinka cusub loogu sameeyay Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida, kaasi oo aan ka turjumeyn baahida shacabka deegaanku u qabo in la dhaadhiciyo maamulka Dowlad Deeegaanka, si adeega loo gaadhsiiyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxgaradka Beesha Geri oo aan u kala hadhin waxay cambaareyn dusha uga ridayaan maamulka uu horjoogaha ka yahay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, kaasi oo iska indha tiray, kana gaabiyay wax ka qabashada tabashada iyo dib u dhaca ka jira guud ahaan deegaaanka DDS, gaar ahaan dhulka beesha Geri, oo dagaal daba dheeraaday oo ay kaga hortagyso dhul ballaadhsiga Oromada in muddo ahba ku jirtay, iyada oo xukaamadda Madaxweyne Mustafe ay indhaha ka qarsatay xaaladda colaaddeed iyo dhul ballaadhsiga Oromada ee deegaanadaas.
Beesha Geri oo ah beel taariikh fac weyn ku leh guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana deegaanka Soomaalidana u ah halbowle, ma mudna, mana dhaceyso in dagaalka iyo cadaawadda ay la beegsadeen Mustafe iyo Xukuumadiisu, mid ay ku burbrin karaan, balse waxay sare u sii qaadaysaa midnimada, iskuxidhnaanta iyo xoogga beesha Geri dhexdeeda iyo beelaha kale ee ay deegaaanka wada degaan.
Tallo soo jeedinta waxgaradka beesha Geri:
1) In ay si buuxda uga soo horjeeddo qorshaha ku salaysan naasnuujinta iyo xaqdar-rada ee gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalada cusub lagu sameeyay.
2) Waxay codkooda ku biirinayaan Hoggaanka Dhaqanka oo si buuxda uga soo horjeestay qorshaha gurracan ee Madaxweyne Mustafe ku duudsiyay xuquuqda beesha.
3) Waxay ku baaqaysaa in si wadajir ah uu shacbi-weyneha Soomaaliyeed ee DDS, ay dacwed uga furaan go’aanka gurracan ee Madaxweyne Mustafe, islamarkaana gaadhsiiyaan meel kasta oo ay geyn karaan tabashadooda si dib-u-eegis loogu sameeyo qorshaha Maamul ballaadhinta dulmiga iyo xaqdarrada ku dhisan.
4) In Shacbiga DDS ay muujyaan isku-xidhnaan, wada tashi, islamarkaana si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka iyo amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Wa Bilaahi Towfiiq
Waxgaradka Beesha Geri ee dal iyo dibadba (dal joog iyo qurbojoob)
Leave a Reply