Annagoo ah Golaha Dhaqanka Issimada, Guddiga Wadaxaajoodka iyo Nabadda, iyo Golaha Guurtida ee Waqooyi Bari, waxaannu si qoto dheer uga tacsiyeynaynaa dhammaan ehelada iyo qoysaska ay ka geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen dhacdadii murugada lahayd ee ka dhacday magaalada Adhicadeeye ee gobolka Sool.
Waxaan Alle uga baryeynaa in uu u naxariisto dhammaan intii ku naf weyday, dhaawacyadana caafimaad degdeg ah siiyo, ehelada iyo shacabka ay dhibaatadu saameysayna samir iyo iimaan ka siiyo. Tacsi gaar ah waxaannu u diraynaa beesha reer Fiqishinni oo dhibaatada ugu badan soo gaadhay, annagoo ugu baaqayna dulqaad, isxakameyn iyo in ay door firfircoon ka qaataan dadaallada nabadda.
Waxaannu si adag u cambaaraynaynaa falalka gurracan ee sababay dhimashada iyo dhaawaca muwaadiniin aan waxba galabsan. Dhacdadan waxay dhaawac weyn u geysatay nabaddii, wada noolaanshihii iyo kalsoonidii bulshada ee muddada dheer lagu soo dhisay gobolka.
Waxaannu ugu baaqaynaa dhammaan bulshada, culimada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada inay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda, joojiyaan hadallada hurin kara colaadda, isla markaana hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiin dhab ah.
Sidoo kale waxaannu ugu baaqaynaa Dowladda Waqooyi Bari iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay:
• Si degdeg ah u xaqiijiyaan baaritaan madax-bannaan oo hufan.
• Dadkii ka dambeeyey falalkan sharciga hor keenaan.
• Gargaar bani'aadamnimo gaarsiiyaan dadka ay dhibaatadu saamaysay.
• Dardargeliyaan qarameynta iyo tayeynta ciidamada si loo xoojiyo amniga loogana hortago isku dhacyo beeleed.
Waxaannu rumaysanahay in caddaalad, is-cafis, wada-hadal iyo ixtiraamka sharcigu yihiin jidka keliya ee lagu gaadhi karo nabad waarta.
Ugu dambayn, waxaannu ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Waqooyi Bari inay ilaashadaan midnimada, walaaltinimada iyo nabadda, kana wada shaqeeyaan mustaqbal ay ku wada nool yihiin sharaf iyo xasillooni.
“Nabaddu waa masuuliyad qof walba saaran.”
Wa Billaahi Towfiiq
Suleymaan Cabdi Ducaale
Gudoomiyaha, Guddiga Wadaxaajoodka iyo Nabadda, iyo Golaha Guurtida ee Waqooyi Bari,

Leave a Reply