Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • News

Tacsi: Cabdiqaadir Xaashi Cilmi

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hydrebad ee dalka Hindiya Eng Cabdiqaadir Xaashi Cilmi. Marxuum Cabdiqaadir ayaa ahaa ganacsade magaca iyo maamuuska ku dhex leh guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan Soomaliland iyo Soomali galbeed, isagoo aad loogu xasuusto dhinaca taageerida danyarta iyo mashaariicda khayriga ah oo uu qayb lixaad ka qaadan jiray.

Bahda WDN iyagoo si aad ah uga tiiraanyaysan waxay halkan tacsi uga dirayaan qoyskii, qaraabadii, saaxabbadii marxuumka iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed, waxaanay marxuumka Ilaahay uga baryayaan in uu jannadii Fardawsa ka waraabiyo qoyska, ehelka samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.