Suugaanta Abwaan Kediye: Baryada iyo Weynaynta Raxmaanka

Suugaanta Abwaan Kediye: Baryada iyo Weynaynta Raxmaanka

W/Q Axmed Sanwilwilo

Suugaantu waa mid ka mid ah agabyada loo isticmaalo in lagu muujiyo dareennada gudaha ee dadka, waxaa lagu sawiraa oo lagu xardhaa dareenno aan loo sheegi karin si caadi ah. Waxa ay dad badani ku dhex dhisaan xasuuso ma guuraan ah, iyagoo meel fog ka soo rujiya dareen gubaya ama mid damqinaya, si taas la mid ahna waxaa jira dareenno farxadeed oo lubbiga dadka ku abuuran oo ay suugaantu u noqoto marar badan dawyo lagu muujiyo. Kolka aynu ka istaagno dhanka diimaha, waxa aan si buuxda uga dhex arki karnaa in suugaanyahannadu badanaa ay u qaybsamaan laba kooxood, kuwo hibadoodu ay qaadqaado oo ka dheeraada awaamiirta samaawiga ah, dadkana ku duufsada ereyadooda iyo kuwo aqbala oo sameeya camalo wanaagsan una hogaansama amarrada samaawiga ah. Kuwaas oo suugaantooda badideed ku dhisa wayneynta Rabbi, baryadiisa iyo toosinta adoomadiisa. Kolka Islaamka la joogo, Muslimiintu waxa ay si aad ah u adeeegsadaan suugaanta, iyaga oo ku cabbiriya dareennadooda gudeed ee diinta, si gaar ahna marka loo tilmaamayo dadka Suufiyada ah ee ka saahiday arrimaha adduunyada. Suufiyada, waxa ay suugaantu u tahay cariyayaal ku cariya muxibada ay diinta iyo Alle u qabaan, waxa uuna qayb ka qaataa kobcinta jacaylkoodaas, sidoo kale waa u agab ay ku baryaan Ilaahay.

Soomaalida oo ku suntan dad Muslimiin ah, sidoo kale, lagu tilmaamo bulsho hadal, oo wax isugu gudbisa, ku kaydsata, isku guubaabisa oo danahooda uga hadasha laamaha kala duwan ee suugaanta, waxa ay qayb weyn oo suugaanta ah u adeegsadeen noolaynta ruuxdooda. Sida dunida kaleba, suufiyada ayaa ah qolyaha jacaylkooda rabbaaniga ah ku dhisa suugaanta, badina hiboolayaasha diinta u janjeera waxa ay hibadooda u huraan sidii ay u waynayn lahaayeen una xusi lahayeen diintooda. Dhanka haweenka waxaa caan ka ah goobaha sitaadka oo haweenka Soomaaliyeed u ah mawlacyo ay ku digriyaan, wax isku baraan, isku caawiyaan, sidoo kalena, ay ku kobciyaan dareennadooda lubbiga ku kaydsan ee muxibada Alle, Nabi Muxamed NNKH iyo hooyooyinkii Muslimiinta oo ay ka mid yihiin Xaawa, Maryama, Khadiija iyo Faadima.

Haweenka Sitaadku waxa ay akhriyaan qasiidooyin ay intaasba ku waynaynayaan, qasiidooyin ay isku farayaan waxa diintu fartay iyo waxa ay ka reebtay, qasiidooyin ay laabtooda ugu qaboojinayaan jacaylkooda rabbaaniga ah, kuna baryayaan Ilaahay.

Kolka laga yimaado suufiyada iyo haweenka Soomaaliyeed ee leh ama ku xiran mawlacyada sitaadka, waxaa jira abwaano badan oo iyagu suugaantooda dhextaal uga dhigay digriga Alle, waa abwaano ku caan baxay baryada iyo wayneynta Ilaahay, suugaantoodana ku suugaameeyay jacaylka Ilaahay. Abwaan Jaamac Kediye waxa uu ka mid yahay abwaanadaa, waxa uuna ku suntan yahay suugaan lagu sharfo oo lagu wayneeyo Raxmaanka.

Sida ku xusan buugga Diiwaanka Jaamac Kediye Cilmi ee Soomaali Baan Ahay, abwaan Jaamac Kediye ma aanu dhigan dugsi, malcaaamad iyo jaamacad midna, haddana kolka aad eegto qaabka uu uga waramo aqoonta diinta iyo midda maadiga ah, waxaad aaminaysaa in uu yahay aqoonyahay meel sare ka gaaray goobaha waxbarashada. Badiyaaba gabayadiisa ku saabsan diintana waxa aad ka dheehanaysaa in uu dhawrkii baydba uu kuugu soo koobayo qayb dhan oo diinta ku saabsan.

Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay dooxo ku taalla gobolka Sool, xilli lagu qiyaasay 1950-kii, waxa uu hibadiisa abwaannimo ama hal abuurrnimo helay isaga oo aad u yar, waxa uuna ku tilmaamay in ay sabab u ahayd xilliyada cawayska ah in uu ag fadhiisan jiray oo la cawayn jiray ragga waa weyn ee waxgaradka ah iyo geeljirayaasha. Taas oo ay sabab u aheyd Jaamac hooyadii oo dhimatay isaga oo da’ yar. Hibadiisa uu halkaa ka soo dhaqaajiyay ama ka soo billabantay, ayuu Jaamac wax ku tirinayay illaa laga soo gaaray galabnimo Arbaca ah oo ay ku aadaneed 16kii Ogoosto 2023 oo uu abwaanku ku geeriyooday gantaal ay Soomaalilaan ku ridday magaalada Laascaanood, oo abwaanku deganaa.

Alle ha u naxariiste, abwaan Jaamac waxa uu caan ku ahaa suugaanta wadaniyadda oo aan dhihi karo waa qaybta ugu weyn ee ay maansooyinkiisu (oo gabaygu u badan yahay) ka waramayaan, sidoo kale, waxa uu caan ku ahaa suugaanta wacdiga iyo Alle bariga oo uu badiyaaba ku weyneyn jiray Ilaahay, kuna tilmaami jiray naxariistiisa, deeqsinimadiisa iyo sida uu u karo wax walba. Waana qeybta gundhiga u ah, oo aan isku dayayo in aan maqaalkan kaga waramo.

Toddobada cir Ilaahii callaqay waysku wada cayne
Carshigiyo Ilaahii kursiga caadda sare geeyay
Cadceeddiyo Ilaahii dayaxa nuurka ku caddeeyay
Ilaahii carrada noo gogliyo badaha ceegaaga
Dhirta caynba-caynka ah Allihii cimidh u soo saaray
Caleentana ku daahayee ka dhigay midab cagaariin ah
Isagaa xaq lagu caabudaa lana ciseeyaaye

Cid waliba wax bay tabanaysaa oo ka cabataaye
Hayeeshee cidhiidhiga Ilaah caawiyaa jira e
Cidhiidhiga, Diiwaanka Jaamac Kediye

Kolka ay uumiyuhu dareemaan argagax iyo murugo waa kuwo u orda xagga Ilaahay (al-Macaarij, 19), waa meesha kaliya ee ay miciin bidaan oo laabahooda ku xasiliyaan, kolka ay timaado dhibaato guudna waxa ay raadiyaan cidda sida ugu mudan dareenkooda ugu bandhigi karta Ilaahay. Abwaan Jaamac waxa uu deegaankiisa ka ahaa abwaan roobdoon, waxa uu ku suntanaa nin Alle yaqaan ah, suugaantiisuna cabbiri karto xaalka bulshadiisa. Gabaya dhawr ah ayuu abwaanku u tiriyay roobdoon, ereyada iyo sida uu abwaanku xaalka deegaanka u sifaynayo isaga oo aan ka tagayn in uu muujiyo iimaankiisa ayaa cajab badan, waxaana laabaha dadka ruxaysa sida uu rooxaaniyadda qofeed ee ku tolan diinta uu ereyadiisa ugu dhisayo, waxa ay ereyadiisu carinayaan jacaylka Alle ee badanaaba rabbaaniga ah isaga oo muujinaya deeqsinimada Alle iyo miisaanka uu iimaanku lee yahay, waa kan leh;

Abaar baad mar qudha doojisaa ubaxna beertaaye
Ayaan kaliya baad reer dhisnaa eber ka yeeshaaye
Ayaamana afkaad joojisa, waadna abidaaye
Gaal ku inkiraayaa Rabboow aayatiin hela e
Iyana qaar Islaamaa jiroo la imtixaamaayee
Mid ooya iyo midkii aamusee samir Ilaah yeesha
Iimaankiyo adkaysiga dadkaa la isku eegaaye
Ilaahayow Illaah kale ma jiro adiga mooyaanee

Alle-Bari, Diiwaanka Jaamac Kediye

Gabaygan Alla-Bari waxa uu abwaanku ku muujinayaa awoodaha Ilaahay. Waxa uu abwaanku tibaaxayaa sida uu Alle aanu baahi ugu qabin wax walba, xataa haddii ay dadkoo dhan islaamaan aanay isaga wax yar u tari karin. Waxa uu muujinayaa waynidiisa, aqoonbadnisiisa iyo sida uu u mudan yahay in isaga mooyee aan cid kale la caabudin; “Ashahaado adigaa leh iyo Eebboow qiritaane”. Bayd walba waxa uu ku fadhiisiyay abwaanku quraan iyo xadiis oo waxa aad ka dhex akhrisanaysaa tilmaamaha Alle ee nabigeenna Muxammed NNKH ina soo gaarsiiyay.

Aakhiriyo adduunyada ma jiro axad ku gaadhaaye
Awoodaada shay lihi ma jiro kuna egaayaaye
Kuumana ekaan karo waxaad adigu uuntaaye
Ikhtiyaar aduun baa leh iyo amar-ku-taaglayne
Awooddiyo lixaadkaaga iyo amarradaad dhiibto
Sidii bay ahaadaan waxaad adigu doontaaye
Adigaa iskaaga u tashada oo amiiri ahe
Ilaahoow Ilaah kale ma jiro adiga mooyaane
Wixii aad abuurtoo dhan oo urursan oo jooga
Addimaad haddii lagu arkiyo ereyga tawxiidka
Oo ay Islaam wada qirtaan jecel Ilaahooda
Irbad caaradeed kuma taraan aadmigoo shiraye
Ajar iyo abaal kama rabtid oo waan ogsoonahaye
Adigaanse kuu baahanahay kali ahaantaaye
Ilaahoow Ilaah kale ma jiro adiga mooyaane

Alle-Bari, Diiwaanka Jaamac Kediye Abwaan Jaamac waxa uu aad u yaqaanay sida qiimiga badan ee Alle loo baryo, sida loogu soo bandhigto baahida oo la isu dhuldhigo. Waxa uu ereyadiisa ku dhisi jiray ammaanta Ilaahay iyo sida ay muhiimka u tahay in adoonka Alle baryayaa is dhuldhigo, isaga oo qirsan in Alle wax walba og yahay ayuu haddana u warami jiray isagoo ergo ka ah dhibaato uunka wada haysata.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Suugaanta Abwaan Kediye: Baryada iyo Weynaynta Raxmaanka

W/Q Axmed Sanwilwilo
Email: ahamadek2018@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.