Garoowe (WDN) — Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa wajahaya marxald aadaga taas oo ku aadan su’aal ah: maxay dowladda u bixin la’dahay mushaharaadkooda muddo todoba bilood ka maqan shaqaalaha , iyadoo kharashaad kale oo dowladeed ay weli socdaan?
Shaqaalaha dowladda ayaa lagu soo waramayaa in aynan helin wax mushahar ah ilaa toddobo bilood, iyadoo dhibaatada dib-u-dhaca mushaaraadku la sheegay inay soo bilaabatay bishii Sebtembar, 2023. Muddo sannado ah, mushaaraad iyo xuquuqo shaqo oo kale ayaa ururayay, taas oo qoysas badan gelisay xaalad dhaqaale oo adag.
Waxa markii hore ahaa dib-u-dhac mushaar ayaa isu beddelay dhibaato daba dheeraatay, taas oo su’aal gelinaysa awoodda iyo waajibaadka dowladda ee ah inay si joogto ah u daryeesho shaqaalaha hay’adaha dowliga ah.
Su’aasha shaqaaluhu qabaan waa mid cad: “Mushaarkayagii xaggee ayuu jiraa, maxaase loo bixin waayay?”
Shaqaaluhu waajibaadkoodii way gutaan. Mushaarku ma aha deeq siyaasaddeed ama gunno ikhtiyaari ah; waa xuquuq ay ku leeyihiin shaqada ay u qabtaan dowladda iyo shacabka.
Sida lagu sheegay qaab-dhismeedka miisaaniyadda Puntland, mudnaanta bixinta mushaaraadka ayaa lagu kala hormariyaa ciidamada amniga, shaqaalaha rayidka ah, kadibna mas’uuliyiinta siyaasadda sida wasiirrada iyo xildhibaannada. Haddii nidaamkaas si dhab ah loo raacayo, shaqaalaha rayidka ahi waa inay filan karaan in mushaarkooda lagu ilaaliyo qorshaha maaliyadeed ee dowladda.
Laakiin xaaladda hadda jirta waxay u muuqataa mid taas ka duwan.Wararka soo gaadhay WardheerNews, waxay tilmaamayaan in shaqaalaha rayidka ahi ay heleen laba jeer oo keliya mushaar intii lagu jiray 2026, kuwaasoo la xiriiray labada ciidood, iyadoo daymaha mushaharaadku weli taagan yihiin.
Mushaharaadka aan la bixin ayaa lagu qiyaasayaa ku dhowaad $500,000 bishii. Haddii toddobo bilood la isku leeyahay, wadartu waxay gaari kartaa ku dhowaad $3.5 milyan. Taasi waa lacag weyn, laakiin marka loo eego dakhliga dowladda oo lagu qiyaasay ku dhowaad $10 milyan bishii, waxay dhalinaysaa su’aal muhiim ah:
Haddii Puntland ay bil kasta hesho malaayiin doollar oo dakhli ah, maxay u awooddi la’dahay inay hesho $500,000 oo lagu bixiyo mushaaraadka dadka maamula hay’adaha dowladda?
Maxaa Dhacaya Marka Shaqaale Mushaharkiisa Weydiiyo?
Arinta ugu weyn ee dowladnimadu wuxuu noqon karaa sida maamulka Puntland uga jawaabo shaqaalaha aan la siin xuquuqdii shaqada- mushaharkoodi.
Shaqaale weydiiya sababta mushaharkiisa loo siin waayay looma qaadan karo qof aan daacad ahayn, dhib badan ama siyaasad wata. Inaad dalbato mushaharka aad xaqa u leedahay ma aha siyaasad; waa xuquuq shaqo.
Dowlad hufan waa inay su’aalahan uga jawaabtaa xog iyo caddeyn: dakhliga ay hesho, kharashaadka ay bixiso, waajibaadka mushaharaadka iyo qorshaha lagu bixinayo lacagaha lagu leeyahay shaqaalaha. Haddii dakhliga dowladda yaraaday, waa in shacabka loo sharxaa.
Haddii dhaqaalaha loo weeciyay baahiyo amni oo degdeg ah, waa in taas si cad loo shaaciyaa. Haddii safarro, diyaarado la kireysto, wafdiyo dibadda loo diro ama kharashaad kale ay mudnaan ka heleen mushaharaadka shaqaalaha, shacabka waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan. Aamusnaantu waxay sii kordhinaysaa shakiga.
Dowladdi haddii aanay gudan waajibaadkii iyo xuquudii shaqaalaha, iyada oo aan la heyn wax sababa ah sida khataro la soo darsay dalka, waa arin baal marsan sharciga.
Wasaaradda Maaliyadda Oo Su’aalo Adag La Weydiinayo
Dhibaatadan waxay si toos ah u gelinaysaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland xaalad u baahan isla-xisaabtan. Waxaa wasaaradda lagu eedaynayaa inay mararka qaar u shaqeyso sida “ Mashiinka lacaga ATM-ka madaxtooyada,” iyadoo kharashaadka lagu saleeyo mudnaanta xukuumadda halkii si buuxda loogu hoggaansami lahaa miisaaniyadda la ansixiyay.
Tani waa eedeyn culus oo u baahan caddeyn iyo isla-xisaabtan, balse jawaabta saxda ahi waa hufnaan. Dowladdu waa inay soo bandhigtaa dakhligeeda iyo kharashaadkeeda bil kasta, isla markaana sharaxdaa sababta mushaaraadka shaqaalaha loogu leeyahay lacago badan iyadoo kharashaad kale ay weli socdaan.
Haddii wararka sheegaya in Xisaabiyaha Guud uu tilmaamay ku dhowaad $12 milyan oo waajibaad shaqaale ah oo aan la bixin ay sax yihiin, baahida loo qabo xog rasmi ah iyo daahfurnaan ayaa sii xoogaysanaysa.
Mas’uul sare oo dowladeed haddii uu dhowr bilood mushahar waayo, waxaa laga yaabaa inuu u arko dhibaato dhaqaale. Laakiin shaqaale rayid ah oo mushahar hoose qaata, toddobo bilood oo mushaar la’aan ahi waxay noqon kartaa masiibo.
Waxay ka dhigan tahay kirada guryaha oo la bixin waayo, deymo isa soo taraya, kharashaadka waxbarashada qoyska, cunto yari iyo qoysas ku tiirsanaada ehel ama amaah aan rasmi ahayn. Natiijadu waxay noqon kartaa niyad-jab, maqnaansho shaqo iyo hoos u dhac ku yimaada adeegyada dowladda.
Dowladdu si macquul ah ugama filan karto shaqaalaheeda inay si buuxda ugu heellan yihiin shaqadooda iyadoo aan la fulin waajibka ugu aasaasiga ah ee loo-shaqeeyaha: in shaqaalaha waqtigooda lagu siiyo mushaharkooda.
Shaqaale aan lahayn cod wadajir ah
Dhibaatadan daba dheeraatay waxay sidoo kale muujinaysaa baahida loo qabo hannaan madax-bannaan oo shaqaalaha rayidka ahi si sharci ah ugu difaaci karaan xuquuqdooda.
Urur shaqaale ama hay’ad xirfadeed oo madax-bannaan, sharci ah oo aan siyaasadda ku milmin ayaa siin kara shaqaalaha madal ay kaga hadlaan mushaharaadka, xaaladaha shaqada iyo u hoggaansanaanta miisaaniyadda.
Shaqaaluhu waa inay awoodaan inay helaan islamarkaana weydiin karaan su’aalo ku saabsan xuquuqdooda iyaga oo aan ka baqayn in dalabkooda mushahar loo fasirto mucaaradnimo siyaasaddeed.
Dowladdu Jawaab Ayay Leedahay
Arrintani ma aha oo keliya muran ku saabsan mushaar. Waa mas’uuliyad dowladnimo. Dowladda Puntland waxaa waajib ku ah inay shacabka u sharaxdo sida loo ururiyo, loo qaybiyo loona isticmaalo lacagta dadweynaha. Shaqaalaha rayidka ahna waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta mushaaraadkooda loo bixin waayay, gaar ahaan haddii miisaaniyadda dowladda ay mudnaan siinayso mushaaraadkooda ka hor wasiirrada iyo xildhibaannada.
Haddii shaqaale dowladda ahi yiraahdo: “Maxaad u bixin weydeen mushaharkayga?”
Jawaabta dowladdu waa inay noqotaa mid cad oo la xaqiijin karo—ma aha aamusnaan, cabsi gelin ama siyaasaddayn. Lacagtu xaggee ku dambaysay? Xaggee ayaa lagu bixiyay? Yaa go’aamiyay mudnaanta kharashaadka? Goormase la bixinayaa mushaaraadka lagu leeyahay shaqaalaha?
Waa su’aalo sharci ah oo mudan jawaab. Inta ay dowladdu ka gaabinayso jawaabtooda, dhibaatada mushaharaadku waxay sii noqonaysaa arin aan ku koobnayn awoodda maaliyadeed ee Puntland, balse taabanaya isla-xisaabtanka, hufnaanta maamulka iyo karaamada dadka u shaqeeya dowladda.
WardheerNews
