W/Q Cabdullaahi Janno
Sanaddu waxay aheyd 2008. Sheeko gaaban ayaan gacanta ku hayay. Anigoo baadigoob ugu jira degel Soomaaliyeed oo iga aqbala daabicisteeda ayuu nin walaalkay ahaa ii carrabaabay Wardheernews. Magaca sheekadii ugu horreysay ee aan ku soo daabacay wuxuu ahaa “Saar.” Wixii intaa ka danbeeyay xiriirkayga qoraa ahaan ee aan la lahaa Wardheernews wuxuu noqday mid sii xididdeysto. Runtiina haddii aan dib u milicsado arrimaha sababay taas waxaa ii soo baxay dhowr qodob oo is dhammeystiraya—dhowr qodob oo joogteeyay xiriirka aan la leeyahay Wardheernews.
Qodobka koowaad ee aan u kuur-galay waa tayada xirfadda iyo waayo-aragnimada badi qorayaasha degelka Wardheernews. Qoraallada xasuusteyda ka go’i la’ ee muujinayo xirfad qoraal, aqoon fog, iyo waayo-aragnimaba waxaa ka mid ahaa qoraal la magac-baxay “Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha: Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa?” Sidoo kale waxaa maqaallada cajiibka ah ee aan ka helay Wardheernews ka mid ah: “Waxtarka Carrabka iyo Dibnaha iyo Sababta uu Eebbe Innoogu Manna Sheegtay.” Ku saddaxeyso qoraal kobcinayo aqoonta qofka oo isna la magac baxay: “Curiyaha Fe iyo Quraanka.” Lama soo koobi karo qoraallada tayeysan oo afka Soomaaliga ku qoran ee caadada u ah inay ka soo dhex muuqdaan Wardheernews. Tan waxay daliil u tahay in degelka Wardheernews uu xil iska saaray isu keenidda aqoonyahanka iyo qalinmaalka Soomaaliyeed—iyo faafinta qoraalladooda tayada leh.
Qodob labaad wuxuu quseeyaa waa kuwama akhristayaasha Wardheernews? Jawaabta su’aashan waxaan ogaaday ka dib markii aan fal-celis ka helay akhristayaasha Wardheernews. Waxaa halkaa iiga muuqatay in ay yihiin akhristayaal qoraalka iyo akhriskuba micno u sameeyo. Dhaliilalaha iyo bogaadinta aan ka helayba waxay ahaayeen kuwo ku qotoma aqoon iyo fiidhoonaan ay u qabeen qoraalka iyo wax akhriskaba. Tusaale, mar aan qoray sheeko la yiraah “Ashtako” oo aheyd baraarujin aan islahaa Soomaalida ku baraaruji hodantinimada afkooda hooyo, waxaan helay dhaliil oraneysay haddii aad af-Soomaaliga qeylo-dhaan u tahay maxaad cinwaan uga dhigtay ereyga “ashtako” oo af-Carabi ah? Waan garowsaday qiimaha dhaliishaas—waxayna igu xambaartay in aakhirkii aan sheekada u bixiyo magac kale: “Af Hiil Waayay.” Runtii, dhaliil anshax leh iyo bogaadin aan nacamleyn aheynba waa quud soo jiito qalbiga qalinmaalka. Taa waxay kor u qaaddaa xirfadda iyo fahamka qoraaga.
Qodob saddexaad oo lagu dooddi karo in qaas ku tahay degelka Wardheernews waa dareenka laga muujiyo qadiyadda Muslimiinta. Cid walba iyo degel walba ayaad ugu tegaysaa qoraallo quseeyo arrimaha diinta Islaamka, qaasatan cibaadada iyo towxiidka. Laakiin degelka Wardheernews waxaa bogaadin u ah in uu si joogto ah u soo tebiyo marxaladaha soo wajaho Muslimiinta dunida ku nool. Tusaale kooban waa wararkan ay Wardheernews inoo soo gudbisay: “Big Stone GOP Chairman Steps Down After Anti-Muslim Remarks.” Ama warbixintan: “Ireland ‘Leads the World in Islamic Values as Muslim States Lag’.” Sidoo kale: “NSA, FBI Spied on Prominent Muslim-Americans for Years….” Ama warbixintaan: “One in 10 Babies in England Are now Muslims: Census.” Runtiina warbixintii aan aadka ugu diirsaday waxay aheyd mid Youtube ahaan loo soo geliyay ee quseysay mucjisada Quraanka: “8 Stunning Linguistic Miracles of the Holy Quran.” Xulashada qoraallo quseeyo mowduucan waxay malaha ka tarjumayaan yoolka ay Wardheernews higsaneyso—yool ah in akhristayaasha ay ku baraarugaan oo ay dareen la qaataan Muslimiinta caalamka ee qarnigan 21-aad ku kala firirsan dacallada dunida.
Qodob afaraad ayaa jiro oo barbar socdo dareenka guud ay Wardheernews ka muujiso arrimaha Muslimiinta caalamka. Waana qodob la xiriiro soo tebinta tabashooyinka iyo duruufaha ay ku nool yihiin qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed. Runtiina weli ma arkin degel waqti geliya oo soo tebiyo qoraallo is daba joog ah oo quseeyo qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliyeed ee xeryaha ku rafaadsan. Qosolba mar buu hiil noqdaaye soo tebinta wararka quseeyo dhibanayaashaas waxay ishaareysaa in yoolka Wardheernews uu ka mid yahay u tafo-xeydashada sidii loo heli lahaa xuquuqda ka maqan dulmanaha Soomaaliyeed (waana arrin ay dadka af-Ingiriiska ku hadlo u yaqaanaan social justice).
Qodob shanaad oo joogteeyay xiriirka aan la leeyahay Wardheernews waa dhego-nugaylka tifaftiraha iyo inay heegan u yihiin inay saxaan wixii tabasho ee qoraaga ka yimaado. Waxaa jiro dhowr jeer oo aan si hoose ula xiriiray tifaftiraha Wardheernews anigoo qeylo-dhaan ka ah beddel ay ku sameeyeen erey ama hakad ku jiray qoraalkayga. In ay runtiina ii tixgeliyaan codsigeyga waxay ififaalo u tahay biseyl iyo dhego-nugeyl tifaftirnimo oo bogaadin mudan.
Gunaanad: sababaha i oggoleysiiyay inaan joogteeyo xiriirka aan la leeyahay Wardheernews waxaa ugu weyn waa akhristayaasheeda uu marar badan ina dhex maray aqoon isweydaarsi. Aqoon isweydaarsi wax ku soo kordhiyay fahankeyga qoraa ahaan. Taa waxaa sii dheer nooca wararka ay Wardheernews soo tebiso oo aan ku koobneyn un siyaasad iyo reer hebel balse uu degelku xil iska saaray inuu inoo soo tebiyo warar kor u qaadayo dareenkeenna Muslimiin ahaan iyo warar qeylodhaan u ah dulmanayaasha Soomaaliyeed. Qodobadaan kooban waxay u muuqdaan kuwo si miyir leh loo qorsheeyay. Bogaadin ayaan leeyahay Wardheernews!
Qore: Cabdullaahi Janno
Email: Claahijanno@gmail.com
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved