Sahriif Xasan oo la sheegay in uu ku horeeyo Doorashada Koonfur Galbeed in kasta oo uu Aadan Madoobe Soo Baxayo

Sahriif Xasan oo la sheegay in uu ku horeeyo Doorashada Koonfur Galbeed in kasta oo uu Aadan Madoobe Soo Baxayo

Baydhabo (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in doorashiidii Qof iyo Cod, ee halka dhinac aheyd, ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hormuudka ka yahay, oo ka dhacday deegaano ka mid Koonfur Galbeed, ayaa la sheeegayaa in dhamaan magaalooyinka gobolka Bay iyo Shabeellada Hoose uu ku guulestay Shariif Xasan Sh. Aadan.

Gudoomiye Aadan Madoobe, oo Madaxweyne Xasan la rabo in uu ku soo baxo doorashadaasi, ayaa la sheegay in laga cod batay marka laga reebo mgaalada Waajid oo uu ku guulestay, hase yeeshee madaxweynihii hore ee Shariif Xasan uu ku guuleystay magalooyinka Baydhaba, Buur – Hakaba, Afgooye, Qansaxdheere iyo Baraawe.

Siyaad Sheekh Daahir, oo horey uga tirsanaa gudigii farsamo ee soo dhisay Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa u sheegay WardheerNews in Madaxweyne Xasan Sheekh oo adeegsanaya Gudiga Doorashooyinka ay hadda qorsheynayaan in la musuqo natiijada, oo tirada codka si khaldan loogu shubo Aadan Madoobe, ka gadaalna lagu dhawaaqo in uu Aadan Madoobe ku guuleystay doorasho markii horeba la ogaa natiijadada ka soo baxaysa.

Shariif Xasna oo ka hadley arimaha natiijooyonka doorashada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in cod ku shubasho iyo musuqmaasuq ka socdo tirinka codka, islamarkaana aan lagu kalsoonaan karin natiijada.

Madaxweyne Xasan, ayaa wata qorshe iyo barnaamij uu ugu magac daray qof iyo Cod, in uu ku soo saarto hoggaanka Daowlad Gobolleedyada Koonfur Gabeed, Hisrshabeelle iyo Galmudug, ka gadaalna uu si rasmi ah mar sadexaad ku soo baxa Madaxweyna Federaalka Soomaaliya.

Arintan oo keeni karta khalkhal siyaasaddeed, amani daro, barakac iyo dhaqaalo xumo mar kale la soo darsita Soomaaliya.

WardheerNews