Saturday, January 04, 2025
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

RW Xamse oo booqday ciidamada Xoogga Dalka ee Ereteriya ku soo tabartay oo diyaargaraw ku jira

Muqdish (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee waddanka Ereteriya tababarka kusoo dhamaystey ee ku xareyaan xerada ciidamada ee Jeneral Gordon isagoo halkaasi hadal dhiirogelin uu ugu jeediyey.

Ciidamada Xoogga Dalka ee waddanka Ereteriya tababarka kusoo dhamaystey, Muqdisho.

Qoraal lagu baahiyay barta warfaafinta xafiisiiska RW, ayaa lagu sheegay in Xamse oo la hadlayay ciidanka uu xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in Al-shabaab muddo kooban kaga saari doonaan goobaha yar ee ay kaga hareen dalka.

RW Xamse ayaa u sheegay  ciidamada xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay Ereteriya looga fadhiyo sidii ay u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo qabkii shacabka Soomaaliyeed, loogana baahanyahay in ay cashar lama ilaabaan ah u dhigaann argagixisada Alshabaab ee ummadda Soomaaliyeed gummaadka ku haya.

RW Xamse oo ciidamada la hadlaya ayaa yiri “Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waana Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, walwal, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” 

RW Xamse ayaa noqonaya ma’suulkii labaad ee dawladda federaalka ee booqasho ugu taga ciidamadan dhawaan dalka dib loogu soo celiyey. Waxaa xusid mudan in uu horey u booqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamadan ayaa loo abaabulayaa ka mid noqoshada hawlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo qeybo badan oo dalka ah iminka ka socda. Dagaalkaas oo ciidamada xoogga iyo ciidamada deegaanka guulo waa wayn ka gaareen, deegaano badan oo istaraatiiji ahna kooxda kala wareegeen.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2025 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.