Muqdisho (WDN)– Ururka Al Shabaab ayaa bartilmaansaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli kolonyo uu la socday ay dhex marayeen Magaalada Muqdisho.
Saraakiil dowladda ka trisan ayaa ka dib weerarka sheegay in Madaxweyne Xasan uu badqabo. Sidoo kale Sakariye Xuseen oo ka tirsan la taliyayaasha madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in madaxweynaha wax dhib ahi soo gaadhin oo uu ku sii jeedo jiidaha hore ee dagaalka.
Goobjoogayaa iskugu jira Ciidamo iyo dad deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in kolonyada madaxweynaha la weeraray. Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo goobta ku sugnaa ayaa arkay meydadka afar qof oo lagu dilay weerarka oo ka dhacay agagaarka madaxtooyada.
“Dagaalyahannadeenu waxay beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay ka soo baxayeen madaxtooyada kuna sii jeedeen garoonka,” ayaa lagu yiri war ay Al-shabaab soo dhigtay barta Telegram-ka.
Al-shabaab ayaa si joogto ah weeraro uga geysata Soomaaliya, taas oo qayb ka ah olole ay ku doonayso inay ku riddo dowladda Soomaaliya, haddana weerarkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee si toos ah loo beegsado Madaxweyen Xasan tan iyo sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo uu xilka hayay markii ugu horreysay, markaasoo ay weerareen hoteel uu ku sugnaa.
Saacado kadib weerarkii, ayaa warbaahinta dowladda waxa ay soo bandhigtay sawirada madaxweynaha oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ciidamada dowladda kula jiraaan dagaal socday muddo saddex todobaad maleeshiyaadka Al Shabaab.
WardheerNews
