W/Q Maxamed Cabdiqafaar X. Xuseen
Bishii Juun 15, 2025, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo si rasmi ah u furay Kalfadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland, ayaa khudbaddiisa, wuxuu kaga hadlay arrimo badan: guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxqabadka intii uu xilka hayey, iyo aragtidiisa mustaqbalka Puntland. Wuxuu si gaar ah uga hadlay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u dhaqmeyso iyo waxa loo baahan yahay si Soomaaliya u noqoto dal mideysan.
Laakiin qeybta ugu xiisaha badan ee hadalkiisa ma ahayn guulaha gudaha Puntland—ee waxay ahayd dhaliisha uu u jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Puntland oo dhageystay khudbadda Madaxweyne Deni waxay la qabeen fariintiisa. Baaqiisa ku aaddan wada-hadalka, ka-qeybgalka, is-xakamaynta, iyo ixtiraamka aragtida ka duwan gaar ahaan marka lala macaamilayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa loo arkay mid sax ah. Laakiin dad badan ayaa sidoo kale xusay isburin muuqata: in mabaadi’daas uu madaxweyne Deni dalbanayo ay tahay inuu isagu marka hore ka dhaqan geliyo gudaha Puntland.
Dhamaadkii khudbaddiisa, Madaxweyne Deni wuxuu si toos ah ugu hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu dhaleeceeyey habka Dowladda Federaalka u wajahayso mucaaradka, iyadoo lagu eedaynayo dadka fikirkooda dhiibta in ay yihiin khatar Qaran. Wuxuu uga digay in maskaxdaasi ku dhisan” ama nala jir, ama naga soo horjeeso”—ay tahay mid khatar ah oo aan wax tarayn. Wuxuu tusaale u soo qaatay siyaasaddii Madaxweyne Mareykanka George W. Bush ee ka dambeysay weeraradii 9/11, taas oo uu sheegay inay waxyeello badan keentay. Deni wuxuu xusay in Soomaaliya u baahan tahay wada-hadal dhab ah oo walaalo dhexmara, si qof walba uu aragtidiisa ugu cabbiro. “Qof keliya wax ma xukumi karo,” ayuu yiri, “mana guuleysan karo qof dadka aamusiinaya.”
Madaxweyne Deni wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu ka gudbo kulamo muuqaal ahaan u qurxoon, balse wax natiijo ah aan laga gaari karin, isla markaana uu u gudbo wada-hadal dhab ah oo dhaba, kaasoo dhali kara natiijooyin muuqda. Wuxuu dalbaday wadahadal qaran oo dhab ah, oo aan ahayn shirar dadka la soo xusho si kaliya loogu ansixiyo go’aanno horay loo gaaray.
Laakiin halkan ayaa arrinta muhiimka ahi taallaa: Madaxweyne Deni wuu saxnaa. Taas ayaana ka dhigaysa in ay ka sii muhiim badan tahay inuu isagu sidoo kale mabaadi’daas ka dhaqan geliyo gudaha Puntland.
Su’aasha ay dadka reer Puntland isweydiinayaan waa mid fudud: Madaxweyne, ma u sameyneysaa dadkaaga wixii aad ka dalbatay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu adiga kuu sameeyo?
Wararka ka imanaya Mudug ayaa sheegaya in dhalinyaro doonayay in ay qabtaan mudaharaadyo nabadeed si ay uga dalbadaan daahfurnaan iyo isla xisaabtan ay xireen ciidamada xukuumaddu, xilli hore oo waaberiga ah. Taleefannadoodii ayaa la baaray si loo ogaado in ay xiriir la leeyihiin Dowladda Federaalka. Inkastoo markii danbe loo soo daayay, haddana waxaa loo sheegay in aysan ka qeyb galin wax mudaharaad ah mar kale.
Dhanka kale, dad reer Puntland ah oo dhawaan Garowe ka aasaasay madal siyaasadeed oo ay doonayeen in ay xukuumadda ku xisaabiyaan waxqabadkeeda, ma qaban mudaharaadyo. Guuleed Salaax, oo loo doortay guddoomiyaha madasha, wuxuu si furan u muujiyay dhaliilaha uu u hayo adeegyada ay dowladdu bixiso. Dowladda waxaa waajib ku ahaa in ay kaga jawaabto dhaliilahaas si xog leh ama ay wax ka qabato. Balse, laba maalmood kaddib, guddoomiyaha gobolka iyo duqa Garowe waxay soo saareen amar mamnuucaya dhammaan shirarka siyaasadeed ee magaalada, inkastoo dastuurka Puntland uu damaanad qaadayo xuquuqda isu imaatinka nabadeed.
Madaxweyne, adigaa hadalkaaga ku yiri: “Qof keliya ma talin karo. Xalka kaliya waa in walaaluhu wada hadlaan.” Waxaad kaloo tiri, dhageysiga aragti kaa duwan ma aha tabar-darro; mararka qaar waa waddada kaliya ee xal wanaagsan lagu gaaro. Puntland maanta waxay u baahan tahay taas. Sidii Soomaaliya ugu baahan tahay wada-hadal qaran, Puntland-na waxay u baahan tahay wada-hadal gudaha ah oo ku saabsan mustaqbalka ay wada leeyihiin dadka reer Puntland.
Markii dadweynaha Puntland ay kuu doorteen mar kale madaxweyne, waxay rajaynayeen in maadaama tani tahay xiligii labaad oo dastuurka oggol yahay kaliya in aad madaxweyne noqodo, in aad u adeegsan doonto fursaddan midnimo iyo hirgelinta nidaamka hal cod, hal qof. Haddii Puntland qaadato dhabaha aad adigu ka dalbatay Dowladda Federaalka—wada-hadal, ixtiraam, iyo ka-qaybgal—waxay noqon kartaa tusaale uu dalku ka barto.
Madaxweyne, waa waqtigii aad muraayadda iska eegi lahayd. Ma u qabataa shacabkaaga wixii aad Madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbatay inuu adiga kuu sameeyo?
Hadalkii waad sheegtay—hadda camalka ka dhigo.
Sidoo kale, marka Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbeynayo, isaguna hadal fiican buu sheegaa. Mushkiladdu ma aha hadallada—waa ficil la’aanta la jaanqaadaysa hadalladaas. Haddii siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u dhaqmi lahaayeen sida ay hadalkooda ku sheegaan, haddii ay ku maamuli lahaayeen qiyamka ay khudbadaha ka jeediyaan, Soomaaliya maanta meel kale ayay joogilahayd.
Maxamed Cabdiqafaar X Xuseen
Email: mohabdhus@gmail.com
Atlanta , Georgia.
