Muqdisho (WDN)- Mucaaradka Xkuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ku bahoobay ee Golaha Mustaqbalka ayaa Isniintii yeeshay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Airport Hotel gudaha xerada si adag loo ilaaliyo ee Xerada Xalane, xilli xiisadda siyaasaddeed cirka isku sii shareertay kadib burburkii wada-hadalladii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.
Kulankan oo ilo xog-ogaal ahi ku tilmaameen mid aad u xasaasi ah, ayaa yimid maalin kadib markii wada-xaajoodyadii u dhexeeyay dowladda iyo Golaha ay ku dhamaadeen is-afgarad la’aan, taas oo sii fogeysay hubanti la’aanta ku gadaaman jihada siyaasaddeed ee dalka.
Markii ay wada-hadalladu fashilmeen, Villa Somalia ayaa dirtay laba ergo—Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqaadir iyo Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed (Sanbaloolshe)—arrin loo fasirtay isku day lagu doonayo in waqti lagu kasbado iyada oo aan wax isbeddel ah lagu samayn mowqifka dowladda. Si kastaba ha ahaatee, Golaha Mustaqbalka ayaa diiday inay la yeeshaan wafdigaas kulan rasmi ah.
Warsaxaafadeed ay soo saareen, Golaha Mustaqbalka waxay ku caddeeyeen in ay wada-hadallada u galeen ujeeddo cad oo wax-ku-ool ah: in laga hortago sii xumaanshaha hubanti la’aanta siyaasadeed, isla markaana la helo hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyo, la isku halayn karo, kuna qabsooma waqtigiisa ka hor dhammaadka muddo-xileedka haatan jira. Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ka-qaybgalkoodu uu salka ku hayo mas’uuliyad qaran, iyaga oo ka digay in ku guul-darraysiga in la isku raaco qaabka doorashada uu dalka gelin karo xasillooni-darro laga baaqsan karo xilli aad u xasaasi ah.
Dhanka kale, Golaha ayaa muujiyay niyad-jab ku aaddan waxa ay ku tilmaameen ad-adaygga joogtada ah ee dowladda federaalka, iyaga oo ku eedeeyay inay qaadatay mowqif aan tanaasul lahayn intii ay socdeen wada-hadalladu. Sida ku xusan bayaanka, wakiillada dowladda ma aysan muujin rabitaan dhab ah iyo diyaar u ahaansho tanaasul wax-ku-ool ah oo horseedi kara heshiis ballaaran oo loo dhan yahay.
Goluhu wuxuu uga digay in haddii aan la helin wadahadal macno leh, kalsooni, rajada laga qabo geeddi-socod doorasho oo lagu heshiiyo iyo xasillooni siyaasadeed ay sii yaraan doonto.
Iyadoo wada-hadalladi aan lagu heshiin ku jiraan, labada dhinac na ay si ikala fogaanayaan, maalmaha soo socda ayaa muujin doona in hoggaanka Soomaaliya is-faham dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasaddeed. Dhanka kale, inta badan xubnaha wafdiga Golaha Mustqbalka ayaa ka ambabaxaya Muqdisho, taas oo mugdi gelinaysa suurtagalnimada in xal degdeg ah la gaaro.
WardheerNews
