Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Milicsiga Siirada 1: Dastuurkii Dawladda Madiina

W/Q. Mustafa Fayruus

Gogoldhig

Siirada Suubbanuhu Nabigii Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha ahaatee (NNKH),  waa sooyaalka hawshii uu Nebigu NNKH qabtay muddadii uu rasuulka ahaa. Waxay ka bilaabataa markii loo waxyooday sannadkii 610, kelidiina uu isu taagay hawshii loo igmaday. Wuxuu dunida ka tegey 23 sanno ka dib, sannadkii 633 oo la oofsaday; isagoo dhisay “ummad” iyo “dawlad” gundhig u noqday xadaarad caalami ah.

Qaabkee ayuu u dhisay ummadda iyo dawladdaa?

Maxaa ka mid ah mabaadiida iyo qiyamka uu ku dhisay?

Inkasta oo mar kasta loo baahan yahay, haddana, masaa`ilka dhismaha ummadda iyo dawladnimadu, waa lama huraan xilligan ay miiska saaran yihiin dooddaha iyo falanqeynta kaalinta Islaamku ku leeyahay hagidda dawladnimada iyo nolosha bulshada.

Munaasabadda bishan Ramadaan awgeed, halkan waxaan idinkula wadaagayaa dhowr qormo oo aan milicsi kooban ku samaynayo Siirada Nebiga NNKH. Waxaan mudnaanta siinayaa dhinaca dhismaha ummadda iyo dawladnimada iyo muujinta mabaadiida iyo qiyamka uu Suubbanuhu NNKH ku dhisay.

Dhisidda Dawladdii Madiina

Suubbanuhu NNKH wuxuu ka soo hijrooday magaalada Maka Al-Mukarramah, wuxuuna magaalada Madiina soo gaaray bishii Rabiicul-Awal (Mowliid) sannadkii 14 bicthada, ama dheh sannadkii 1aad ee Hijrada, oo ku beegnayd Sebtembar 622.

Nebiga NNKH waxa uu markiiba isku dubbariday “bulshaweynta reer Madiina”, oo muddo kooban gudaheedna ugu dhisay “dawlad” ay wada leeyihiin. Halkaa Suubbanuhu NNKH wuxuu ka dhisay dawlad, markaan luqadda casrigan adeegsanno ah “City-State”, oo gadaashii baahi doonta.

Dadweynaha Dawladda Madiina waxay ka koobnaayeen saddex qaybood oo waaweyn oo kala duwan: Muslimiin, Mushrikiin iyo Yuhuud. Muslimiintu waxay isugu jireen Ansaar oo loogu yimid magaalada Madiina iyo Muhaajiriin ka soo hijrooday magaalada Maka. Qabaa`ilka Carabta ee deganaa magaalada Madiina, qaarkood way muslimeen, oo waxay noqdeen Ansaar; halka kuwo kalena weli ay mushrikiin yihiin. Yuhuuddu, sidoo kale, waxay isugu jireen dhowr qabiil oo Madiina degan. Qabaa`ilkan reer Madiina mid walba isagaa lahaa xeerkiisa iyo maamulkiisa, mana jirin maamul guud oo ay wada leeyihiin.

Suubbanuhu NNKH wuxuu qaaday tallaabooyin is xiga oo uu ku habaynayo hannaanka dawladnimo iyo maamul ee degaanka Madiina Al-Munawarah.

Ugu horaynba, Nebigu NNKH waxa uu habeeyay Muslimiintii. Waxa uu dhisay masaajid u noqday xarun. Waxa uu walaaleeyay Muhaajiriin iyo Ansaar. Ka dibna waxa uu u gudbay habaynta hannaanka dawladnimo ee Bulshaweynta Reer Madiina.

Dastuurkii Madiina

Dadweynaha magaalada Madiina waxaa kulminayay “degaan” iyo “dan guud”. Nebigu NNKH wuxuu u abaabulay inay degaankoodu yeesho maamul ka dhexeeya, ama dawlad, kana wada shaqeeyaan “danta guud” ee ka dhexaysa.

Dhismaha “Dawladda Madiina” waxaa saldhig u ahaa “Saxiifada Madiina”, oo loo yaqaan “صحيفة المدينة” ama “وثيقة المدينة” ama “دستور المدينة”. Saddexdan magacba isku hal dokumeenti ayay tilmaamayaan. Saxiifadan waxaa la qoray sannadkii 01 H (622).

Dulmar kooban haddaan ku samaynno innaga oo adeegsanayna luqadda qaanuunka ee casrigan, Saxiifada Madiina waxay ka kooban tahay (53) qodob oo u qaybsami kara laba qaybood.

Qaybta 1aad, oo ka kooban tahay 25 qodob, waxay ku saabsan tahay habeynta Muhaajiriinta iyo Ansaarta, taas oo ah Mlimiinta dhexdooda; iyo, sidoo kale, qabaa`ilkii Carabta Madiina oo qaarkood ayna weli islaamin.

Qaybta 2aad waxay ka hadlaysaa ‘Yuhuudda’ Madiina ku nool, oo si faahfaahsan qabiil qabiil looga hadlayo. Qaybtani waxay ka kooban tahay 28 qodob.

Dastuurkani wuxuu sheegayaa inay qaybahan ama qabaa`ilkan kala duwani ay isku yihiin ummad, ayna ku wada soconayaan qodobbada saxiifadan.

Qodobbadani waxay si faahfaahsan u qeexayaan “xuquuqda” iyo “waajibadka” qolo/qabiil kasta. Haddii luqadda casrigan aan isticmaalnana, wuxuu qeexayaa xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta dawladda Madiina. Waxay qirayaan haybta qolo kasta iyo nolosheeda gaarka ah. Mar kastasna waxaa lagu soo hoorinayaa in “marjica” ugu dambeeya uu yahay Nebi Maxamed NNKH.

Suurtagal innooma aha inaan qormadan kooban ku faahfaahinno qodobbada dastuurka Madiina ama ku falanqayno qaabka uu u dhisnaa; waxayse dulucdu tahay inaan is xusuusinno jiritaankiisa.

Waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo, Muslimiintu waxay rumaysnaayeen Nebinnimada Nebi Maxamed NNKH, sidaas darteed la yaab ma laha inuu noqdo hoggaankooda ugu sarreeya; Laakiin Yuhuudda iyo Mushrikiintu ma rumaysnayn Nebinnimadiisa, waxayse ku oggolaayeen xilka hoggaaminta dawladda.

Saxiifadda Madiina waxay ka mid tahay dokumentiyada dastuuriga ah ee lagu aasaasay ama lagu dhaqay dawlado. Waa kan ugu da` weyn dastuur faahfaahsan oo dawladi yeelato, isagoo qoranna inna soo gaaray.

Wadammada Galbeedka, dastuurka ugu qadiimsan uguna faahfaahsan ee qoran waa “Magna Carta” oo boqortooyada Ingiriinku qoratay sannadkii 1215. Saxiifadda Madiina ayaa lix qarni ka da` weyn. (Dabcan, waxaa jira qodobbo dastuur ama dastuur-u-eke ah oo ummadihii hore lahaayeen, qaarkoodna wax laga hayo.)

Saxiifada Madiina waxay mudan tahay in si faahfaahan loo falanqeeyo, haddase tilmaamiddaas keliya ayaan ku kaaftoomaynaa. Qofkii sii danaynaya wuxuu u noqon karaa kitaabbada siirada oo soo arooriyay qodobbada saxiifada oo faahfaahsan.

Sidoo kale, waxaa jira daraasado soo kordhaya oo falanqeeya saxiifadan. Tusaale ahaan, faqiihii qaanuunyahanka ahaa ee Dr Muhammad Hamidullah (1908-2002) daraasad ayuu ku sameeyay Saxiifada Madiina, wuxuuna u bixiyay “The First Written Constitution of the World”, waxaadna ka heli kartaa link.

Gabaggabo

Saxiifada Madiina waa dastuurkii iyo heshiiskii dawladnimo ee ay ku dhisantay Dawladda Islaamka Madiina ee uu hogaaminayay Nebi Maxamed NNKH.

Wuxuu ahaa dastuur ay isla wada ogolaayeen dadweynihii reer Madiina: Muslimiin, Mushrikiin iyo Yuhuudba. Dhamaantoodba wuxuu u qirayay muwaadiinnimada, wuxuuna qeexayay xuquuqda iyo waajibaadka ay leeyihiin, iyo hanaanka ay u maamulanayaan dantooda guud.

Dawladda Madiina waxay gundhig u ahayd dawladdii Islaamka ee fiday, dhistayna Xadaaradda Islaamiga ee baaxadda weyn ee dunida ku faaftay, hal qarni ka dibna hormuud ka noqotay. Muslimiintu waxay hoggaanka xadaaradda dunida hayeen laga bilaabo qarnigii 2aad ilaa qarnigii 10aad ee hijriga [qarniyadii 8-16 miilaadiga]; deedna waxaa hoggaanka la wareegay reer Yurub oo dhisay xadaaradda reer Galbeedka ee xilligan dunida hoggaanka u haysa.

Saxiifadda Madiina waxay tusaale fiican u tahay sida “dastuur” lama huraan ugu yahay ummad kasta oo dhisanaysa maamul ama dawlad ay wada leeyihiin. Waa dastuur hagaya hannaanka ay isu maamulayaan kuna wada joogayaan. Qarammada iyo ummadaha dunidu, waayo-aragnimo dheer ka dib, waxay wada garawsadeen baahidan.

Dastuurku waa mid ka mid ah tiirarka dawladnimada sida uu inna baray Nebi Maxamed NNKH.

Waa innoo qormada 2aad iyo mid kale oo ka mid ah mabaadiida iyo qiyamka tiirarka u ah dhismaha ummadda iyo dawladnimada.

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]

————
Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.