Badhan (WDN)- Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Laascaanood ka socday qabanqaabada shir ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku qorshaynayso dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo, kaasi oo ku aadan in gobolka Sanaag uu qayb ka noqdo maamulka SSC-Khaatumo. Siyaasiyiin uu hor kacayo gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo haddana ah xildhibaan ka mida Baarlamaanka Puntland Md Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa ka shaqaynaya qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo maamulka cusub ee Sool iyo Sanaag.
Waxaa weheliya oo qorshahan riixaya qaar ka mida siyaasiyiinta gobollada Sool iyo Sanaag ku metela dawladda federaalka. Afar maalin ka hor ayay ahayd markii Xil. Cabdirashiid uu ka dhicisoobay olole uu ku doonayay in uu shir ku qabto magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, shirkaas oo ay ka soo horjeesteen isimada dhaqanka gobollada Sanaag iyo Haylaan. Shirkaas ayaa ujeedadiisu ahaayd sidii ergooyin looga qori lahaa, kuwaas oo ka qaybgalaya shirka loo madlan yahay ee Laascaanood.
War-saxaafadeed ka soo baxay isimada dhaqanka gobollada Sanaag iyo Haylaan, 8-dii bishan Julaay, ayay ku caddeeyeen in gobolladani ka tirsan yihiin maamulka Puntland, islamarkaana aanay qayb ka ahayn shirka iyo qorshayaasha ka socda Laascaanood. Hoggankaasi dhaqanka aya ka codsaday isimada gobollada Sool iyo Cayn in ay raaligalin ka bixiyaan arrinka ay ku tilmaameen faragalin ay dawladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo ku hayaan Sanaag iyo Haylaan.
Geesta kale, xalay oo ay bishu ahayd 11kii Julaay ayaa Garaadka guud ee SSC-Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali ka jawaabay baaqa ay soo saareen isimada Sanaag iyo Haylaan, waxa uuna raaligalin buuxda ka bixiyay qodobbada ay xuseen, isaga oo caddeeyay in aanay u qalmin in la kala furfuro oo la afduubto masiir ummadeed.
Shacabka ku dhaqan Sanaag ayaa iyagu badidood taageersanaa in ay wax la dhistaan maamulka Khaatumo, iyaga oo cuskanaya arrimo badan oo ay isku duruuf ka yihiin labada gobol, balse, waxa aragtidaa fogaynaya, sida shacabku ku tilmaamayaan, in ay tahay qaabka loo marayo dawlad dhiska oo aan qorshe iyo talllo midaysan jirin, oo u muuqata mid hal dhinac u adeegaysa.
Sanaag oo ka mid ah gobollada ay aadka ugu xooggaysan yihiin doorka isimada dhaqanku ayaa wajahaya cadaaddis siyaasaddeed, waxa ayna Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Firdhiye isku dayayaan in ay dhagaha ka furaystaan isimada iyo cuqaasha gobolka oo ah cidda kaliya ee ay hadda qabiillada Sanaag iyo Haylaan isku raacsan yihiin matalaaddooda. Sidoo kale, waxa ka dhalan kara arrinkaas ayaan u muuqan wax u cuntama gobollada Sool iyo Sanaag.
Xalay ayay ahayd markii uu mar labaad caddeeyay mawqifkiisa Suldaanka Guud ee beesha Warsangeli iyo Harti Koombe Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, uguna baaqay reer Khaatumo in ay ilaaliyaan walaaltinimada ka dhaxaysa. Waxa maantana waxaa saxaafadda la hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan iyo Ugaas Maxamed Ugaas Ibraahin (Maakhiri) oo ka mid ah isimada dhaqanka Sanaag iyo Haylaan, oo sii xoojiyay hadalka Suldaan Siciid iyo Garaad Maxamed Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo isagu u waramay BBC Somali.
Mawqifka isimada ayaa ku soo ururaya in aanay qayb ka ahayn shirka iyo dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo.
WardheerNews
Leave a Reply