W/Q: Mukhtar Qoransay
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta ayaa Talaadadii si rasmi ah u shaacisay in dalkoodu ka baxay Ururka Dalalka Shidaalka Dhoofiya OPEC iyo xulafadiisa OPEC+ Alliance. Tallaabadani waxay soo afjartay in ka badan 60 sano oo wada-shaqayn istiraatijiyadeed ah, halkaas oo Imaaraadku uu xubin ka ahaa hay’addan maareysa 30–35% shidaalka adduunka; qiimihiisa, jaangoynta soo-saarkiisa iyo siyaasadda suuqa shidaalka.
Warsaxaafadeedkaas wuxuu isla markiiba gilgilay suuqyada shidaalka, waxay madaxda wadamada qaar u arkeen mid togan, meesha kuwa kale u arkeen mid taban! Wuxuu dhaliyay isweydiimo badan oo kusaabsan; Waayo hadda loogu soo beegay shirkii madaxdka Khaliijka ee Talaadada uu furayay Maxamed Bin Salmaan (MBS)? UAE maku sii jiri doontaa goloyaasha: Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC)? Sidee ayay u saameyn doontaa tallaabadan dhaqaalaha & siyaasadda Soomaalida?
Waxaa xusid midan in ay OPEC horay uga baxeen Qatar Janaayo-2019 sababo gaas laxiriira iyo Angola Diseembar-2023 sababo khilaaf jaangoynta suuqa. Labadaas midkoodna ma abuurin xasilooni-darro caalami ah.
Damaca Istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka
Wasaaradda Tamarta ee Imaaraadku waxay sheegtay in tallaabadu u fududeyn doonto dalkooda inuu si gooni ah u maareeyo wax-soo-saarka shidaalka, una daboolo baahida suuqa caalamiga ah. Tani waa sharraxaadda rasmiga ah. Dhanka kale, sida ay falanqeeyayaal lagu xusay The New York Times iyo Arab Gulf States Institute waxay sheegeen sababo laxiriira::
1) Niiyad-jab siyaasadeed: dagaalkii dhowaan ee Iiraa, Imaaraadku wuxuu jugo culus oo dhaqaale, amni iyo siyaasadeed kasoo gaadhay. Dawladda Imaaraadku waxay sheegtay in Carabta iyo dunida Islaamku aysan ka muujin canbaareyn cad iyo hiil mug leh, halka USA, Israel, Faransiiska, Talyaaniga, UK, Giriiga, Australia iyo South Korea ay keeneen gargaar difaac, qalab sheega digniino-hore.
2) Taariq Al-Cuteybah, oo katirsan Golaha Amniga Qaranka ee Imaaraadka, kuna jira Harvard Kennedy School, ayaa qoraal cinwaankiisu ahaa “The Hollow Promise of Arab Solidarity – Ballanqaadka Maran ee Iskaashiga Carabta”, kaga dooday in Imaaraadku uu joojiyo wada-shaqaynta multilateral-ka Carabta “Arab Multilateralism”, oo ay ku biiraan xulafo cusub. Qoraalkani wuxuu daabacmay usbuuc ka hor bixitaanka rasmiga ah ee OPEC, oo wuxuu noqday calaamad horudhac ah. Taas macnaheeda waxaa weeye kabixidda ururada kalana waa soo socdaan. Wuxuu aad u dhaliilay in Carabtu yihiin 500 milyan oo aan wax qiimo ah dunida kalaheyn. Wuxuu kusoo gunaanaday, sidee caalamka Carabta u ekaan doonaa markii ay UAE
kasii socoto. Sii kastaba ha ahaatee waxaa dagaalka kahor iyo waayahaanba muuqatay in UAE kusii socotay jiho aan aheyn jihada dadka ay isku qiblada yihiin, Taariqna si wacan ayuu ugu caddeeyay qoraalkiisa in arrinku OPEC aheyn, laakin UAE ay qible kale u jihaysatay, hadda kadibna aysan daah-saari doonin.
3) Damac dhaqaale: Imaaraadku wuxuu hiigsanayaa inuu wax-soo-saarkiisa kor u qaado ilaa 5 milyan oo fuusto maalintii sannadka 2027. Jaangooyada OPEC ayay u arkayeen xanibaad hortaagan iyo hoggaanka Sacuudi Carabiya.
Cabdulkhaaliq Cabdalla, oo ka mid ah falanqeeyayaasha caanka ah ee Imaaraadka, ayaa NYT u sheegay: “Sidani waa sida ay Imaaraadku ku dhaqmi doonto una fulin doonto hawlaheeda gobol ahaan iyo caalam ahaanba intii ka dambeysa”.
Qolooyinka Ku Faraxsan ama Kaxun
Ururka International Energy Agency (IEA) ee fadhigiisu yahay Paris, way soo dhawayeen UAE inay danaheeda karaacatay walaalahii-shidaalka. Maamulka Trump waa kufarxay, sababtoo ah kororka soo-saarka shidaalka ee Imaaraadku wuxuu hoos u dhigayaa sicirka shidaalka, taas oo gargaar u ah dhaqaalaha Maraykanka iyo qorshahooda gudaha. Sidoo kale Natenyahu qorshihiisa isballaarinta Bariga Dhexe ee kudhisan qaybi-oo-xukun wuxuu helay saaxiib la isku halleyn karo oo kala shaqeyn doona riyooyinkiisi dib udhiska Temple Mount-gii Nabi Suleymaan (c.s.).
Waxaa hubaala in aysan farax gelin dalal badan oo ay u horreeyaan, Sacuudiga oo hoggaamiyaha dhabta ah ee OPEC, oo ilaa hadda aan war rasmi ah ka soo saarin arrinkan, Turkey, Masar, Suudaan, Aljeeriya, Cumaan, iyo dalalka kale ee Carabta iyo Islaamka, kuwaas oo arka tallaabada inay tahay khalkhal galin isbahaysiga gobolka dhanka dhaqaalaha iyo juquraafiga siyaasadeed.
Saammaynta Suuqa Bariga Afrika
Bixitaanka Imaaraadku waxaa khasab ku noqon doona OPEC inay si degdeg ah uga jawaabto isbeddelladan, dibna u eegto siyaasadaheeda kale. Imaaraadku wuxuu balaarin doonaa iskaashi tamareed iyo amni oo uu la leeyahay dalal ka baxsan Carabta, gaar ahaan Dowlada Yuhuuda iyo Hindiya.
Dalalka Bariga Afrika oo ay Soomaalidu kujirto arrinkani wuxuu u yahay seef labo afleey ah, maadama ay yihiin dalal inta badan soo dajista shidaalka iyo cunada. Arrinkan wuxuu si kumeel gaara hoos udhigi karaa sicirka shidaalka oo inta badan saameeya sicirada kale ee badeecooyinka oo dhan. Balse waxay xasilooni darradan dhanka dhaqaalaha aduunka sababi kartaa in Dollar-ku xoog yeesho oo uu daciifiyo lacagaha dalalka Afrikada Bari. Tan waxaa kadhalanaya sicir barar, keena in sicirka dahabku hoos udhaco. Sedexdaan badeeco: Shidaalka, dahabka iyo dollarka ayaa isa saameeya, Marka shidaalku batto, doolarkaa xoog yeesha, dahabka iyo lacagaha gobolada Afrika hoos ayay u dhacaan. Marka shidaalku yaraado, sicir-barar ayaa kacaya, dollarka daciif noqda, dadkuna dahabka ayay u yaacaan oo
qiimo yeesha. Afrikana sedexdaas ayay la wareegtaa, kudul wareegtaa, lana wareertaa iyadoo u nugul.
Dhanka saameynta siyaasadda Soomaalida, in ka badan 20 sano, ma ahayn dal madax-bannaan oo siyaasadooda dibedda iskood ugu tashan kara. Somalidu waxay ahayd garoon ay dalalka Khaliijka & Turkidu ku ciyaaraan kalana qaybiyaan. Taanoo dowladnimada iyo dadweynaha Soomaaliyeed u keentay khasaaro iyo dib udhac mug leh. Arrinkaan OPEC wuu sii xoojin doonaa qaybinta Soomaalida, maadama khilaafkan sababi karo in lagu tartamo garoonada la isla yaqaan ee nin walba doonayo inuu danahiisa ku fushad.
Xalku waxaa weeye: in aan laga fursan doonin kubaraarugga Soomaalida; a) Joojinta Sadbursiga Siyaasadeed iyo dal hebel waxaa saaxiib la ah hebel, danahooda ayuu kashaqeeyaa, iyaguna isaga-shakhsiyan (maaha dalka) baahiyihiisa ayay daboolaan. b) In la helo dib u eegis daahfuran iyo la xisaabtan heshiis kasta oo shidaal, deked ama amni ee lala galay dalalka shisheeye, loona saxo si maslaxad-wadaag ah iyo u-adeegid danaha umadda Soomaaliyeed. c) Suuqa Bariga Afrika, oo ka kooban 300+ milyan oo qof, waxa uu Soomaalida u furayaa xiriiryo dhaqaale oo aan ku xirneyn deeqaha Khaliijka, waxayna kadhex noqon karaan dad leh saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyagoo labah-dilin, isna bahdilin, layasin, isna yasin. Waana in la isla baadi goobo cid sidan wax u fahansan, una fulin karta siyaasad iyo istiraatiji ahaan.
Mukhtar Qoransay
Maareeyihii Hore ee NIRA
Email: qoransay@gmail.com
