Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ku aadan munasaabadda Ciidda Soon-fur oo uu ujeediyay shacbiga Soomaaliyeed, ku sheegay in uu Gogol Wadatashi u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha bulashada. Kulankaasi oo lagaga arinsanayo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada iyo sidii loo dhisan lahaa dowlad Dimuqraadi ah oo oo casri ah, kuna shaqeysa dastuur iyo sharci.
Kadib baaqa Madaxweyne Xasan ayaa war-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Siyaasiyiinta Mucaaradka ee kala ah: Madaxweyne hore Md. Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisal Wasaare hore Md. Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ku soo dhaweeyeen Gogosha Wadatashi ee uu soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Siyaasiyiintaasi ayaa baaqooda ku sheegay in loo baahan yahay faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan “ ajandaha, waqtiga iyo ka soo qeyb galayaasha.”
Sidoo kale waxa soo dhaweeyay Gogosha Wadatashiga Dowlad Gobolleedka Jubaland, iyada oo Madaxweyne Axmed Madoobe khudbad uu ka jeediyay Gudashada Saaladii Ciida Soonfurka, ku sheegay in uu soo dhaweynayo baaqa Madaxweyne Xasan.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Dowlad Gobolleedka Puntland.
Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay DFS iyo Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubaland, kaasi oo ku aadan eedaymo ka dhan ah maamulka Xasan Sheekh, ee dhinacyada Dastuurka, Doorashooyinka iyo saami-qeybsiga Dowladda Federaalka.
Dhinac kale Dowladda Federaalka iyo guud ahaan deegaanada kale duwn ee Soomaaliya, ayaa waajahaya dagaallo ay kula jiraan kooxaha argagixisada Al Shabaab iyo Daacish, iyada oo dhinaca Puntland laga soo hooyay guulo waaweyn.
WardheerNews
Leave a Reply