Laascaanood(WDN) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda dowlad gobolleedka cusub iyo caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye.
Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo intii la doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari oo ku aadaneyd Bishii Ogost 30, ee sanadkii 2024, la filiyay in uu booqasho ku tago magaalada Laascaanood, taasi oo aan suurtoobin arimo la xidhiidha dhinaca maxaabiista lagu kala qabsaday dagaaladii ka dhacay Laascaanood, oo u Madaxweyne Xasan rabay in sii deyntooda lagu beego booqashadiisa laascaanood.
Madaxweyne Xasan oo ay haystaan culeysyo siyaasaddeed lasoo darsay midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, tan iyo intii ka dambeysay burburkii Dowladdi Dhaxe ee Soomaaliya sanadkii 1991, ayaa booqashadiisa Laascaanood, ay dad badani u arkaan fursad ummadda Soomaaliyeed ku adkeeyeen midnimada dalka.
Soomaaliland iyo Puntland oo deegaanada Sool iyo Sanaag ee maamulkaasi cusub ee Waqooyo Bari, sheegta ,ayaa iyagu si aad ah uga soo horjeeda dowlad dhiska Maamulka Waqooyi Bari. Dad badan ayaase u arka in Maamulka Waqooyi Bari uu astaan u yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
WardherNews
