Madaxweyne Axmed Madoobe oo Booqasho ku yimid Garoowe

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Booqasho ku yimid Garoowe

Garoowe (WDN)- Waxaa magaalada Garoowe booqasho ku yimid Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Islaan (Axmed Madoobe), halkaasi oo ay uga bilaabmi doonto kulan wada-tashi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Deni iyo Axmed Madoobe oo muddo oo aan wada yeelan wax kulan ah, ayaa booqshada Axmed Madoobe noqonaysaa kulankii uga horeeyay ee labada mas’uul muddo ka badan 3 sano.

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo isku aragti, meelna uga soo wada jeedeen, islamarkaana hormuud u ahaa mucaaradkii Madaxweyne Farmaajo, ayaa khilaaf uu soo  kala galay xidhiidhkoodii xiliigii doorashada Soomaaliya ee 2022, taasi oo uu ku guulaystay Madaxweyne Xasan Sheekh, Raysal Wasaare –na loo doortay Xamse Barre.

Booqashada Axmed Madoobe ayaa lgu wadaa in lagu iftiimiyo mawqif wada-jir oo ay yeesheen Puntland iyo Jubaland, iyo  mucaaradka Muqdisho, oo ku aadan arimaha doorashooyika iyo Dastuurka ee Soomaaliya.

Iyada oo hadda ay Soomaaliya gashay wajigii xulufaysiga iyo ol’olaha doorashooyinka Federaalka, islamarkaana arimaha  siyaasadda ee Soomaaliya ay sii kululaanayaan, ayaa todobaadkan waxaa isha lagu hayaa magaalada Garoowe, kulanka asxaabtii hore in ay u noqon karto mucaarad cusub ama in kala qaybsanaantii hore ay mar kale qeexi doonto mustaqbalka Deni iyo Maddoobe

WardheerNews