W/Q Cismaan Maxamud (Foodcadde).
Shir beeleedku waa hab dhaqanka iyo hannaanka soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed leedahay, ayna ku maarayso dhacdooyinka ugubka ah ee waayaha aaduunku keenaan. Shirarka ama tala wadaaggu waa hab dhaqanka suubban ee ummadda soomaaliyeed la wadaagto ummaddaha kale, waxaana lagu gorfeeyaa xaaladda markaa taagan iyo dhacdooyinka saameeya masiirka ummadi leedahay. Haddii ujeeddada iyo hadafka laga leeyahay ay tahay mid togan oo horseeda horumar, midnimo iyo nabad ku wada noolshaha beelaha deriska ee danaha iyo maslaxado badani ka dhexeeyaan .
Taariikhda iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed waxaa ku suntan in kulan beedeelka lagaga wada tashan jiray colaadda, dhacdooyinka cusub iyo xaaladdaha murugsan ee lasoo darsa bulshadaasi. Waxaa nasiib darro ah in beryahan danbe loo isticmaalo si ka duwan hannaankii iyo hab dhaqankii suubbanaa ee ummadda Somaaliyeed.
Waxaa beryahan danbe aad u badanaya shir beeleedyada laga leeyahay ajande siyaasaddeed oo ah mid wax duminaya (distructive). Waxaadna ku garanaysaa shir walba oo dhaca waxaa hormood u ah koox gaara kooxna waa kasoo horjeeddaa, halkaana waxaa ka dhasha tuhun, tafaraaruq iyo in markaa beel walba jilib ama jifa hoose usii kala sarifmaan. Taasina waxay tusaale u tahay ummad sii dabar go’aysa, waana aafooyinta jaahwareerka iyo riiqda uu reebay dagaalkii sokeeye ee ummadda Soomaaliyeed ragaadigay maskax iyo maalba.
Tixraax wax laga dhigto waxaa ugu habboon taariikhdii iyo hab dhaqankii asxaabta waayo falsafadda laga dheehdo ama afkaarta culuumta kale waxay leeyihiin nuqsaano (set-backs) tiro beel ah.Tala wadaagga ama katala gelinta dadka talada wax ku leh xaaladda markaa taagan waxay kor u qaaddaa kalsoonida iyo xurmada bulshadu u hayso hoggaankooda iyo madaxdooda waxayna horseeddaa guul. Kolkii nebigeena suubban (scw) u diray Cali (RC) Yemen wuxuu kula taliyey inuu la tashado asxaabta, wuxuuna ku yidhi taladii wadaagga lagu sameeyaa waxaa natiijadeedu noqotaa guul, taas oo micneheedu yahay waxaa yaraada eedda, waayo? Qof walibaa wuxuu ku qancaa maxsuulka guul iyo guul-darraba.
Nebigeena suubban CSW waxaa hab dhaqankiisu ahaa talada inuu la wadaaggo asxaabta. Waxaana lagu amray tala wadaagga الْأَمْرِ فِي وَشَاوِرْهُمْ ( suratu al-cimraan, aayada 159). Aayaddaas waxay tusaale xayi ah u tahay keligii talisnimadu inay horseeddo kala qaybsanaan iyo tafararuq. Habdhaqanka suubban ee tala wadaagga ku salaysan, ayaa nebigeenu ku tababaray ummaddu inay caado ka dhigtaan wadatashiga si ay u helaan talada teeda toosan. Mararka qaar ayaa waxa dhici jirtay inuu nebigu (csw) qaato fekerka iyo talada asxaabta uuna ka tanaasulo aragtidiisa ku aaddan arinta ama dhacdada markaa laga shirayo, tusaalena waxaa u ah dagaalkii Uxud iyo khandaq oo nebigu(scw) qaatay xeeladdii milatari ee asxaabta.
Raad-raaca dhacdooyinka raadkoodii qoyanyahay ee mudan in duruus laga qaato waxaa ka mid ah shir beedeedkii Carrowayn ee kal hore oo ah cawaaqibka ka dhashay tala- maroorsigii sababay gadoodka bulsho qawaday saami qaybsigii Golaha Wakiilada Federaalka ; waa natiijadii ka dhalatay beelaha xaqoodii la duudsiiyey oo aan looga qaraabin ama aan laga qancin halbeegga lagu saleeyay saami qaybsigii xubnaha Golaha Wakiilada.Aragtida gaaban ee aan loo dhug yeelan ama la qadarin rabitaanka shacaka ama tala maroorsigu waxay ku dhaxalsiiyaan guul darro aan riiqdeedu hadhin. Raadadka muuqda iyo jaahwareerka baahsan ee reer Sanaag waxa ka mida dhacdadii dhowaan ee Laasqoray oo muujinaysa dabacsanaan dhanka hoggaanka ah. Waayo reer Laasqoray waxay ahaayeen dad hufan oo xadaarad facwayn leh, ahna mar walba astaan lafdhabar u ah midnimada iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed oo aan marnaba geli karin wada hadal iyo gorgortan.
Shirwaynaha la filayo inuu dhowaan waddankii ka dhaco iyo dardarta qabanqaabada iyo qorshayntu waa mid xawli ku socda oo ay ka muuqato yididiilo iyo rajo wanaagsan. Sidoo kale waxaa muuqata tabashooyin ama gocashooyin kasoo hormaray madasha ama gogosha wadahadalka. Si loogu quus qooyo inta yar ee baaqa midnimada diidan waxaan soo jeedi lahaa qoddobadan:
1) In wejiga hore ee gogosha wadahadalka lagu xaliyo wixii khilaafaad ah si walaaltinimo ahna laysaga qanciyo tabashiiyinka si loo helo isafgarad looguna guulaysto yoolka shirka oo ah midnimo.
2) Qof walboo masuul ah oo dad metela (isin) ama dawlad lagu casuumo shirka si xurmo ku jirto.
3) Dhammaan waa in lagu cusuumaa xubnaha golaha wakiilada Federalka iyo Puntland ee kasoo jeeda deegaanka Maakhir.
4) Waa in shirka la ogaysiiyaa dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedka Puntland si sharci ah, si ay u fududaato in la diiwaan geliyo oo loogu gudbin karo natiijada shirka bulshada caalamka iyo urur goleedka IGAD ,Xafiiska wakiilka UN-ka ee Soomaaliya , Midowga Afrika ,saxaafadda gobolka iyo tan caalamkaba.
5) In tirada ergada madasha wadahadalka loogu casuumo qaybaha bulshada si isu dheeli tiran.
6) In tirada ergada qurbajoogta loo qoondeeyo hab isu dheeli tiran oo ku salaysan jaaliyadaha waddamada sida Yurub, Bariga dhexe, Waqooyiga Maraykanka, Ustaraaliya si ay afkaarta iyo talooyinku u noqdaan (diversity) waddan walbana la siiyo 1 xubin.
Gunaanadka qormadaydan waxaan kula dardaarmayaa guddiga qaban qaabada shirwaynaha Maakhir ee dhowaan la filayo inuu ka dhaco waddankii, in qaybaha bulshada laga tala geliyo sida Odayaasha, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo Dhalinyarada si ay miisaan iyo waxtar u yeelato natiijada shirku. Muwaadin walba oo reer Maakhir ah wuxuu xaq u leeyahay ra’yigiisa inuu cabbirro kana soo qayb galo meel kasta oo looga hadlayo masiirka dalkiisa iyo dadkiisa isagoo ku niyadsan.
Wa bilaahi towfiiq.
Cismaan Maxamud (Foodcadde).
London,UK
Email: foodcade76@hotmail.com
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved