Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Labo kulan: Danjire Maxamed Cali Ameerika iyo Wiilkii kurayga Ahaa ee Reer Ifo

W/Q Axmed Cabdidool

Xerada qaxootiga ee Ifo oo la leeyahay ‘Ifo-Nuuro’ haddii aad maqashay, kulayl mooyee wax kale looguma bixinin magacaas. Maalmuhu waa isku mid sanadka oo dhan. Maalin maalmahaas isku eg ka mid ah, ka dib markii aan qadeeyay ayaan huurka iyo qoraxda kulaylka badan geed ka hoos harsanayay. Waxaan dhageysanayay idaacada FM-ta. Waxaana wareysi toos ah lala yeelanayay danjiraha Soomaaliya u fadhiyay Kenya, Danjire Maxamed Cali Ameerika, sanadkii 2008.

Danjire Maxamed Cali & Cabdidool

Gabagabadii wareysiga ayaa dadweynihii loo ogolaaday inay soo wacaan si ay su’aalo u weydiiyaan Danjiraha. Waxaa laga hadlayay Baasaboorka Soomaaliga iyo deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah Kenya. Dabadeed waan wacay, nasiib wanaag waa la iga qabtay. Waxaa la ii sheegay inaan si toos ah ula hadlo Danjiraha. Markii aan u sheegay in aan raadinayay deeq waxbarasho iyo baasaboor Soomaali ah, safiirku waxuu ii sheegay in aan imaado Nairobi haddii aan awoodo.

Waagii qaran jabka, qoyskayga waxuu ka soo qaxay Soomaaliya aniga oo aad u yar. Nasiib wanaag, dagaalkii uu reerkayga Soomaaliyeed isku laynayay iyo dhibkii ay Soomaali soo martay waxna kama xasuusto. Nasiib darro, fiicnidii iyo quruxdii dhulkii hooyo ee waagii bari samaadka wax xasuus ah kama hayo. Markii aan imid safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, waxay ahayd markii ugu horreysay oo aan arko calanka Soomaaliya oo babanaya. Dabcan, waan arkay calanka Soomaaliya oo ka dhex babanaya telefiishanka amaba qof uu babinayo. Laakiin waxay ahayd markii iigu horreysay oo aan arko cawaale oo bir dheer ku xiran oona babanaya, kuna dhex jira meel Soomaali leedahay. Aad ayaan u qiirooday maalintaas, waxaan dareemay xoogaa degganaansho ah iyo in aan dal iyo dadba leeyahay.

Gudaha ayaan u gudbay. Gabadh qaybta soo dhawaynta fadhiday ayaana u sheegay hawshayda, meel ayayna i fariisisay. Dhawr saac kadib waxaan dareemay inaan waxna la ii soo wadin. Dabcan iska dabo wareejis waa wax la fisho marka wiil yar oo qaxootiga ka imaaday, aadna u dhafoor xun uu safaarada la soo shir tago in uu rabo la kulanka Danjiraha! Markii dhinac laga fiiriyo, amniga xiitaa ooma fiicno! Waan ku laabtay gabadhii waxaana u sheegay inaan idaacad kala soo hadlay, Danjirahana imoow idhahay. Gabadhii ayaa wacday, una sheegtay wax walba iyo ilmahan qamaamka ah ee soo maqiiqan. Isla markiiba waxuu dhahay kor ii soo saaara wiilka. Waxaa la iigu geeyay Danjiraha oo ku jira meesha lagu qaabilo dadka muhiimka ah, shaah bigaysna cabaya. Salaan iyo bariidin kadib, Dajirihii ayaa dalbaday in anigana shaah la ii keeno.

Danjiraha ayaa ii sheegay qorshaha safaaradda iyo dadka xaqa u leh deeqda waxbarasho. Anigu markaa ma dhamayn dugsiga sare mana u qalmin deeqda waxbarasho. Waxay ahayd deeq loogu talagalay ardayda dhammaysatay dugsiyada sare oo keliya. Balse wuxuu ii sheegay inay fududeeyeen habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliga oo aan ku heli karo dhowr toddobaad gudahood. Kadib markii uu ii sharraxay, ayaan ku idhi mahadsanid. Waxa uu iwaydiiyay inaan qancay? Haa ayaan ku idhi. Waxaa uu igu yidhi hadday adiga kuu dhammaatay, aniga ayayna wali ii dhamaanine i dhagayso. Aniga oo dhoola cadeynaya ayaan madaxa ruxay. Waxuu i dhahay, “In kasta oo jiilkiina waxba loo xeerin, jiilkii idinka horeeyayna khalad idinka galeen, haddana waxaan isku dayeynaa in aan taas saxno oo aan sameyno wax kasta oo aan awoodno. Adigaas qaxootiga ah iyo kuwa kula midka ah ee xerada ku jira waxaad tihiin rajada kaliya ee Soomaaliya. Xaaladda aad hadda ku sugantahay ee qaxootinimo iyo ku noolaanshaha xerada qaxootiga waa inaysan weligeed qaabaynin ama hagin mustaqbalkaaga. Ha quusan hana qabjabin adeer.”

Waxaan xaqiiqsaday maalintaas in aan haysto safaarad Soomaaliyeed oo aan iman karo mar kasta oo ay dhibaato igu timaado. Aniga oo faraxsan oona qanacsan ayaan ka soo baxay Safaarada Soomaaliya ee Kenya. Danjire Maxamed Cali Ameerika runtii wuxuu ahaa hoggaamiye iyo hormuud ay ku kalsoon yihiin Soomaalida ku nool Kenya. Wuxuu albaabkii safaaradda u furay dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka yimaadeen.

Dagaaladii sokeeye awgood, nasiib uma yeelanin inaan walidkay la soo koro, taladaas Danjiraha uu isiiyayna waxay ahayd mid Soomaalinimo iyo mid waalidnimo oo ilaa hadda ila socota. Sheekadaas markay dhacday waxay ahayd dhammaadkii sanadka 2008 umana maleynayo inaan waligey ilaawi doono. Markay taariikhdu ahayd 6-dii Ogosto 2022 ayaa Danjiraha iyo aniga oo ah wiilkii dhafoorka xumaa mar kale kulanay, kuna wada casheeynay magaalada San Diego ee gobalka California.

Runtii farxaddu waxay ahayd mid labada dhinac ah, labadeenuba aad ayaan ugu faraxsanayn inaan mar kale is aragno. Waxaan Danjiraha u sheegay inaan weli xasuusto taladiisii oonan weli quusanin welina qabjabin! Waxaan ka codsaday inaan ku martiqaado magaalada Boston, si uu uga soo qayb galo qalin-jabintayda jaamacadda qaybta sare, wuuna aqbalay. Hadii Eebe idmo kulanka kaas xiga waxaa xeebta Liido ee Xamar oo amni ah ku bunaysan iyo cambuulaysan doona Danjire Maxamed Cali Ameerika iyo aniga oo sidaan rajaynayo markaan dhafoor fiican!

Axmed Cabdidool
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.