Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kulanka Farmaajo iyo Biixi: Billowga Safar Dheer

W/Q: Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)

Waxaa maalinimadii shaley labadeedii, gelin ay bulshada Soomaaliyeed, ee dalka iyo dibaddaba ku nool isla dhexmarayeen dooddo culus iyo saadaal ku aaddan natiijada laga filan karo kulanka maanta oo Axad ah 14/06/2020 ku dhex mari doona dalka Jabuuti, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi, kaasoo uu guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, sida uu shalay ku sheegay bartiisa twitter-ka.

Shirka Jabuuti ee wadahadallada DFS iyo Soomaaliland

Kulankan ayaa noqon doona kii labaad oo muddo afar bilood guhahood ah ay isku arkaan labadan mas’uul. Horraantii bishii February ayay ahayd markii uu kulankoodii koowaad ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo uu gar-wadeen ka ahaa Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaliland iyo kulamada madaxda labada dhinac waxa ay soo bilowdeen sanadkii 2012, mana jirin dooddo caynkaa ah oo ka dhashay kulamadaa, haddii ay ahaan lahayd kuwii heerka madaxweyne ama kuwii guddiyadii kala matalayay labada dhinac.

Waxaa la qiyaasayaa in xiriirka dhow ee u dhexeeya Farmaajo iyo Abiy iyo mashruuca is-dhexgalka dowladaha Geeska Afrika oo Soomaalida badankeeduna aysan aad u fahamsanayan, cabsina ka muujinayaan uu qayb ka yahay curashada doodda haraysay wadaxaajoodka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Waxaa iyana jirta in isku daygii fashilmay ee ay Farmaajo iyo Abiy ku booqan lahaayeen Hargaysa uu isaguna abuuray dood aan weli soo af-jarmin oo la xiriirta aragtida gaaban ee uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku eegayo qarada faraqa u dhexeeya labada dhinac iyo maaraynta wadahallada iyo ka-mira-dhalintooda.

In kasta oo ay booqashadii Farmaajo iyo Abiy ay ku tagi lahaayeen Hargaysa ay dhicisowday, haddana labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa socday dedaallo lagu soo noolaynayo wahadallada. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku soo biiray dedaalladaas, isaga oo malaha sida ay la tahay ka faa’iideysanaya  farsamooyinkii uu ku maareeyay kiisas hore!, tiiyoo ay jirto in aanu caad saarnayn kala duwanaashaha kiisaskaa iyo kan Somaliland, haddana waa nin walba iyo halbeeggii!.

Waxa muuqanaysa in Madaxweyne Farmaajo arrinka Soomaaliland xamaasaddii uu u hayay ay hoos u yara dhacday, marba haddii laga hor istaagay booqashadii uu ku tegi lahaa Hargaysa, weliba aanan loogu simin intaa oo keliya eh, balse loo cuskaday beydad kamida ah gabaygii Kala-gooye ee Abwaan Faarax Nuur:

Qosol beena
Foolal Qayaxan
Qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay
Qabarna hoos yaallo
Doqonbaa halkii lagu qatalı
Qoorta soo dhigane
Maanigaa midiyo lay qarshaa
Laygu qali doono

In kasta oo Ra’iisal Wasaare Kheyre ay u suurogeli weyday in uu hoggaamiyo wadahallada dhanka Soomaaliya, sababo la xiriira in uusan isagu ahayn mas’uulka la doortay, oo ay talada ugu dambaysa ee dalka guddoominteeda lahaa, haddana sida la sheegay waxa uu u diyaariyay qorshayaal uu u arko in looga mira-dhalin karo wadaxaajoodka. Waxa uuna geed dheer iyo mid gaabanba u koray in wadahallada labada dhinac ay qabsoomaan ka hor doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha ee 2020/2021, waxaana sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in guddiga farsamada ee ka qaybgalaya kulanka maanta ay yihiin hawlwadeenno u badan garyaqaanno, kuwaa oo ka hawlgala xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo xafiisyada kale ee dowladda, iyada oo gudigii u horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo aanay kulanka ka qayb-qaadanaynin, taasoo iyadana tilmaan u ah in ay jiraaan qorshayaal kulanka looga dooddi doono.

Dhanka Soomaaliland waxa muuqanaya in ay ka biyo-diideen qaabka uu Abiy Axmed u gacma-gacmeeyay wadaxaajoodka, isla markana ay danynayaan in gogosha wadahadalka ay goobjoog ka ahaadaan waddamo saamayn weyn ku leh jahaynta siyaasadda caalamka oo uu hormuud u yahay Maraykanka, oo soo agaasimay kulanka maanta ee Jabuuti, iyadoo dhinaca kalena uu garwadeen ka yahay mashruuca Geeska Afrika. Waana arrinkan midka loo badinayo in gogosha wadahallada dib loogu soo celiyay Jabuuti. Itoobiya qudheeda ayaa xilliyadan dambe culays ka dareemaysay qaylodhaanta ka imanaysay, xooggaga mucaaradka ah ee Muqdisho iyo qaar kamid ah madaxda maamul-goboleedyda oo ku eedeynayay in Itoobiya ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Marka la eego aqoonta uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u leeyahay geeddi socodka nabadeynta iyo dib-u-yagleelida qaranimada Soomaaliya, isaga oo horay u martigeliyay shirarkii Jabuuti 1 iyo 2 ee 1991, iyo kuwii Carta 2000 iyo Jabuuti 2008-2009, isla markaana xisaabta lagu daro mawqifka Madaxweyne Biixi ee ku caddaa khudabaddii uu u jeediyay labada gole ee Soomaliland 18/02/2020, iyo weliba culaysyada siyaasadeed ee ka haysta Madaxweyne Farmaajo maaraynta marxaladda kalaguurka, waxa ugu badan oo laga filan karo kulanka labada oday ee maanta, waa in la furo albaabka wadaxajood qaata waqti dheer, taladiisana ay qeyb ka yihiin dhamaan dhinacyada saamaynta ku leh go’aannada masiiriga ah ee labada dhinac, kuwaa oo xal loogu raadinayo mawaaqiftooda kala fog. 

Dooddaha la xiriira in Madaxweyne Farmaajo uu goobta shirka ka sheegi doono in xilka madaxweynanimada iyo caasimadda uu uga tanaasuli doono Madaxweyne Biixi iyo in uu miiska soo saari doono qorshayaal dhaqaale oo loo fidinayo Somaliland, taas oo looga gadanayo in mar labaad dib loo midoobo, waxa ay u badan tahay in ay tahay male-awaal siyaasadeed, haddiise ay dhacdo waxa ay muujinaysaa garasho yaraanta ka haysata  Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis doodda Soomaliland.

Inta aan la gaarin wax kala gadasho siyaasadeed, xilal bixin aanay awoodda dastuuriga ee dalku saamaxaynin, awood qaybsi iyo dhaqaale fidin, waxaa garashada fayow ay tilmaamaysaa in la isla meel dhigo tabashooyinka taariikhiga ah iyo kuwa xilliganba la kala tabanyo, kadibna la isla meel dhigo heshiis qoran oo berri dib loogu noqon karo.

Sidaa darteed waxaa habboon in aanu Madaxweyne Farmaajo ka tagin hadal wadkii galay oo uusan yaboohin cad-quudheed oo aan laga qaadan doonin!.

Dhanka kale doodda la xiriirta in kulanka maanta uu Madaxweyne Farmaajo ka fududeyn doono culaysyada siyaasadeed ee saaran, iyadana waa dood kale oo jaban, sababtuna waa iyada oo Madaxweynaha looga fadhiyo in uu si maangal ah u maareeyo marxaladda kalaguurka ah, ee aanay waxba u taraynin budhcad wajiga loo mariyo iyo muuqaalkiisa oo la bilo.

Mahadi ha ka gaadho Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle gogosha uu fidiyay, mahad taa lamid ahna waxaa mudan dowladda Mareykanka oo saameynteeda u isticmaalaysa inay kulansiiso madaxda labada dhinac, sidoo kale waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan labada madaxweyne ee Farmaajo iyi Biixi oo billaabay safar dheer oo aan rajaynayo in uu ugu dambaynta miro-dhal noqon doono, ha noqdaan iyagu kuwa goob-joogga ka noqon doona natiijada amaba madaxda iyaga xilka kaga dambeyn doonta.

Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.