Laas-caanood (WDN)- Dhibaatooyinka laga dhaxlay burburki Soomaaliya, ee sii xooggeystay intii uu dalku ku jiray fawdada, nidaam xumadda iyo dowlad fadhiid ah, waxa ka mid tacadiyada iyo kufsiga lala beegsado gabdhaha, dumarka iyo danyarta. Tacadiyadaasi ayaa isugu jira kuwo toos ah iyo kuwo gabaad laga dhigto awood shaqo ama xafiis dowladeed.
Waxaa magaalada Laas-caanood ka dhacay kufsi wadareed iyo jidh dil, bishan Juun 14, 2025, aan noociisa horey loo arag oo dhacdo ugub ah. Taasi oo 24 nin ay laba gabdhood oo yar-yar oo walaallo ka mid ahaa dadkii ka soo barakacay dagaalada ka dhacay magaalada Ceeri-Gaabo, uu shirqool u maleegay nin ka mid ahaa budhcada oo ay is yaqaaneen, ka dibna sida la sheegay uu u yeedhay koox ay budhcad -saaxiibo ay yihiin oo 23 nin ka kooban. Kuwaasi oo gabdhihii u geystay kufsi wadareed iyo jidh dil. Arintan arxan darada ah, islamarkaana ka soo horjeeda dhaqan Soomaaliyeed iyo mid Islaam-ba, ayaa waxa dadka reer Laas- Caanood iyo guud ahaanba ummada Soomaaliyeed ku noqotay naxdin iyo dhacdo aan la filan Karin.
Ciidamada Booliska Khaatumo, oo soo saaray war ku saabsan kufsi wadereedka, ayaa sheegay in 23-ka mid ah budhcadi la qabtay, halka mid kale lagu raad joogo in sharciga la hor keeno. Wararka ayaa sheegaya in budhcadii la qab-qabtay, ay jiraan dad wax magarato ah oo reer ahaan ugu ol’oleynaya in heshiiyo lagu dhameeyo arinta kufsiga wadereedka.
Dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan inta jecel cadaallada iyo sharciga, waxay rajaynayaan in budhcadaasi dhamaan lala tiigsado sida Diinta Islaamk iyo Sharcigu qabo.
WardheerNews, waxa ay si gaara u soo tebin doontaa hadba wixii cusub ee ku soo kordha dhacdadaasi xanuunka badan iyo budhcada waxa laga yeelo.
WardheerNews
