Khilaafka iyo xiisadda Siyaasaddeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo sii kordheysa

Khilaafka iyo xiisadda Siyaasaddeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo sii kordheysa

Baydhabo (WDN)- Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonful Galbeed, ayaa sii xoogaysanya iyada oo eedaymaha ay is dhaafsanayaan labada dhinac ay sii kordhayaa. Khilaafka ayaa ku qotoma is af garanwaa soo kala dhex galay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Labada hoggaamiye ayaa horey heshiis u ahaa, iyada oo Madaxweyne Laftagareen, uu ka mid ahaa xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka  (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dhamaan kulmiya Golaha Xukuumada, Baarlamaanka Federaalka, Garsoosrka iyo Maamul Gobelleedyada Koonfur Galbeed (KG), Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa horey 3-da maamul Gobolleed ee KG, Galmudug iyo Hirshabeelle, kula heshiiyay in aanay qaban doorashooyin marka uu muddo xilleedkoodu dhamaado, si la isku waafajiyo doorashooyinka DFS iyo Maamul Gobolleedyada. Taasi oo ay dad badini ku tilmaameen mid lidi ku ah Dastruuka iyo Shuruucda Maamul Gobolleedyada, oo u madax banaaneynaya in Dowlad Gobolleedyadu si xor ah u qabsadaan doorashooyinka.

Haddaba waxa dhawaan soo baxay in Madaxweyne Laftagareen uu arkay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh, oo aan taageerasneyn in mar kale xukunka Laftagareen ku soo noqdo, islamarkaana uu wato dad kale, oo Xasan Sheekh la rabo madaxtinimada Koonfur Galbeed. Arintani waxay keentay iska horimaad iyo khilaaf la isku ciidan ururusado, iyada oo Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadad Federaalka oo ka soo jeeda KG, ay iska casilaan xilkoodii, xildhibaano badanina ay taageeraan Laftagareen.

Xukuumada Xasan Sheekh , ayaa markaasi kaga jawaabtay in ay ciidamo iyo hub ku daabusho KG, khaasatan magaalada Baraawe, oo ah magaalo madaxda rasmiga ee KG iyo Buur-Xakaba. Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda KG, sida Gudoomihii hore ee Golaha Aqalka Hoose ee DF, Md Maxamed Mursal, ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan ku wado faragelin toos ah arimaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa ku sheegay DFS, in hub laga keenay dalka Masar, oo loogu talagalay difaaca dalka loo adeegsanayo khalkhal gelinta deegaanka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Cali Fiqi waxa uu sheegay in hubka DFS u qaaday KG ay ka mid yihiin hubka fudud, oo ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya, si looga hortago maleeshiyada Al Shabaab. “hubkii loogu talagalay difaaca dalka in loo adeegsado si khaldan, waxay kaliya sii hurineysaa xiisadaha, kala qaybineysaa bulshada” ayuu yiri guddoomiye Cali Fiqi.

Madaxweyne Xasan oo hadda mudo xilleedkiisii uu gabaabsi ku jiro oo ku beegan bisha May, 2026, ayaa  lagu wadaa in uu safar  ugu baxo dalka Itoobiya, iyada oo ciidamo ka socda Itoobiya, ay joogaan Koonfur Galbeed. Safarka Madaxweyne Xasan ayay dad badani u arkaan in uu ku qotomo sidii uu taageero uga heli lahaa Dowladda Itoobiya, taasi oo sii hurin karta colaadda, amni darada iyo dhibaatada, islamarkaana aan keeni karin wax heshiis ah.

Dhinac kale Madaxweyne Laftagareen ayaa isna wada qorshe ku aadan sidii uu gacan xooggan ugu heyn lahaa Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed, oo uu xukunka u sii joogi lahaa. isaga oo ay dad badani ku eedaynayaan waxa kaliya ee uu haddda Madaxweyne Xasan isku khilaafeen ay tahay markii ay noqotay in aanu Xasan Sheekh ku taageersanayn in mar kale uu xukunka ku soo noqdo.

Xiisad collaadeed ayaa hadda soo xoogeysanaysa, oo ay dhici karto dagaal fool ka fool ah in uu ka dhaco KG, iyada oo ay dalka guud ahaan soo foodsaartay Abaaro ba’an iyo dhaqaale xumo, ay u dheer tahay culeyska uu keenay dagaalka Bariga Dhexee ee Iiiraan, Maraykan iyo Israa’iil.

WardheerNews