Khariidadda Cusub ee wax-is-daba-marinta DDS: Shacabka Deegaanka Soomaalida oo diiday Qorshaha Fadhiidka ee Mustafe

Khariidadda Cusub ee wax-is-daba-marinta DDS: Shacabka Deegaanka Soomaalida oo diiday Qorshaha Fadhiidka ee Mustafe

Jigjiga (WDN)- Dowlad Deegaanka Soomaaliada Itoobiya ( DDS) oo soo saaray qorshe ay ku sameeyeen Gobollo, degmooyin iyo maamul magaalo bishan July 24-dii, kaasi oo ay  ka soo hor jeesteen beelaha iyo hoggaanka dhaqanka ee deegaanada Ismaamulka Soomaalida, iyaga oo ku tilmaamay cadaaalad daro iyo sadbursi ay wadaan Madaxweyne Mustafe iyo koox yar  oo ku hareereysan.

Baaqyo iyo war-saxafadeedyo ka soo baxay hoggaanka dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee DDS, oo ay weheliyaan banaanbaxyo ka dhacay gobolladda, ayaa si xooggan loogu muujiyay dareenka shacabka ee ku aadan ka soo horjeedka deegaanada cusub.

Posturists wait for food and water in Ethiopia Warder district in the Somali region of Ethiopia (AP Photo/ Mulugeta Ayene )

Xukuumadda Madaxweyne Mustafe Cumar oo hadda Ismaamulka Soomaalida hoggaanka u haysay muddo 7 sano ah, ayaa bulsho-weynta kala duwan ee DDS ku tilmaameen mid fadhiid ah oo ku fashilantay in deegaanka ay gaadhsiiso adeegyadii asaasiga ahaa sida Biyo nadiif ah, Caafimaaad iyo Waxbarasho, iyada DDS uu yahay midka ugu hooseeya deegaanada Itoobiya marka laga eego dhicayada dhaqaalaha iyo horumarka.

Deegaanada cusub ee xukuuamda Madaxweyne Mustafe ay hadda si qasab ah ku maalmarisay Baarlmaanka DDS bishan Julay 26-keedii, ayaa ka kooban:

1) Afar gobol oo cusub
2) 14 Degmo iyo
3) 24 Maamul magaalo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafe iyo koox yar oo ku hareeraysan oo kala ah Wasiirka Maaliyada Dowladda Itoobiya Axmed Shide, iyo Gudoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee Barwaaqo Aaden Faarax ay yihiin dadka sida xaq-darada iyo dulmiga ah ugu sadbursaday qorshahaasi ay shacbiga DDS ay sida aadka uga soo horjeesteen.

Hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka shacbiga DDS ayaa ka dalbaday Dowladda Dhexe ee Itoobiya in ay joojiso dhaqan gelinta qorshaha guracan ee Mustafe iyo inta tirada yar ee ku hareeraysan, islamarkaana dib loogu noqdo Gobollada, degmooyinka iyo maamul magaalada cusub  ee ku dhisan dulmiga iyo naas nuujinta.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.