(ERGO) – Maryan Cabdi Budul oo 45 jir ah iyo shan ka mid ah carruurteeda oo ku nool deegaanka Janaa-cabdalle ayaa ka faa’iideystay adeeg caafimaad oo bilaash ah. Wuxuu iskugu jiray daawayn ka caawisay in ay ka soo kabtaan cudurro iyo tallaal ay wadajir u heleen.
Adeeggan oo ay waddo wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo taageero ka helaysa hay’ado samafal wuxuu ka socdaa tan iyo bishii Abriil ee sanadkan deegaannada Afmadow, Doolow Janaa-cabdalle iyo qaar kale oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose.
Wuxuu iskugu jiraa xarumo caafimaad oo bukaannadu ay booqdaan iyo kuwa guurguura si loo gaarsiiyo xoolo-dhaqatada. tuulada Janaa-cabdalle oo qoyska Maryan ay deggan yihiin waxaa laga hirgaliyay xaruntii caafimaad ee ugu horraysay.
Waxaa Maryan looga daaweeyay cudurka duumada iyo infection ku sababay in ay kaadida ay ceshan wayso, waxaana sidoo kale tallaallada cudurrada Jadeecada, Boolyo iyo Gowracatada loo siiyay carruurteeda markii ugu horraysay.
“Waxaa la igu sheegay Malaariyo waxaa la igu sheegay infection. Malaariyada waxaa la yidhi todobo cirbadood qaado ama toban qaado. Waan qaatay daawadii intii la ii qoray. Toban cirbadood baan qatay. Kaadida ma xijisan karaynin. Haddii ay in yar dhibiq (Dhacdo) iga soo tiraahdo horaan ka daadinaayey.”
Waxay tilmaamtay in labo faa’iido ay ka heshay xarunta caafimaad ee deegaankeeda laga dhisay, taasi oo ka caawisay in ay ka soo kabato xaalad caafimaaddarro. Waxaa sidoo kale ay u baaqatay lacag ka badan $100 oo uga bixi lahayd safar caafimaad oo ay u aadi lahayd Kismaayo oo u jirta 60 km.
Ka hor adeeggan waxay ka walaacsanayd helidda lacagta safar iyo midda dawada. Waxaa se ay ka war-heshay barnaamijkan caafimaad. Maryan waxay aragnimo u leedahay safarrada caafimaad ee loo aado magaalooyinka, maaddama deegaankeeda Janaa-cabdalle horay aysan uga jirin adeeg caafimaad.
Waxay sharraxaysa caqabadaha ay la kulmaan danyarta xaaladaha caafimaad loogu qaado isbitaallada ka durugsan tuuladeeda.
“Dhibwayn baanu ku qabnay. Waa in aad martigashaa. Waa in aad Hotel degtaa ama dad uun aad ku hiirato heshaa oo macriifa ah ama walaal ah, ama qof aad dhashay. Markaa ka bacdi aad aaddo dhaktar. Aad iyo aad baan ugu raysanay xaruntan iyada ah.”
Waxay xustay in ay ka walwali jirtay dhaqaalihii ay u qorshayn lahayd marka qof ka mid ah qoyskeeda uu cudur soo rito, taas hadda meesha ka baxday. Waxaase ay ka cabanaysa nolol xumo haysa carruurteeda.
Waxay ku tiirsan yihiin dukaan ay ka soo qaataan raashin oo dayn ah. Waxaa damiin ka ah qof ka mid ah ehelkeeda, maaddama ganacsatdu u diideen in kaligeed lagu aamino. Lacagta lagu leeyahay waxay isku gaarta $400.
Dhibaatadan waxaa ugu wacan wax-soo-saar la’aan haysa beerteeda oo shan hiktar ah, taas oo aan dalag la galin tan iyo sanadkii 2023, Waxaa saamayn ku yeelatay fatahaad xooggan oo ay ka soo kaban waysay.
Dhibaatada cunno xumo waxaa u dheeraa adeeg la’aanta caafimaad. Waxay sheegtay in cudurrada faafaha sida shubanka oo ku soo laalaabta deegaankeeda uu caqabad hor leh ku noqon jiray, maaddama aysan haysan adeeg caafimaad.
Wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo ka duulaysa arrintaas ayaa billowday horraantii sanadkii hore xog aruurin loogu kuur-galay baahida caafimaad. Waxaa lagu ogaadeen deegaannada qaar sida Janaa-cabdalle ay isku biirsadeen waddo xumo iyo gurmad la’aan caafimaad.
Waxay ka mid noqotay tuulooyinkii ugu horreeyay ee laga hirgaliyay xarun caafimaad. Isbitaalkan oo ka kooban 5 qol waxaa ka howl-gala 9 qof oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyay.
Waxaa la mid ah Bahdaadhe, Raaskambooni, Doolow iyo kuwa kale. Mohamed Ahmed Nuur oo ah madaxa barnaamijkan u qaabilsan hay’adda VCI ayaa Radio Ergo u sheegay in ay dabooleen baahi badan oo loo qabay helidda adeegyada caafimaad.
“Waxaa jira adeegyadii dhalmada ee hooyada. Waxaa jira kalkaalisooyin caafimaad oo tababaran oo xarunta 24 saac diyaar ku ah. Waxaa kale oo jira dhamaan adeegyadii cafimaadka sida kuwa bukaan socodka. Waxaa kale oo jira adeegyadii talaalka. Dhamaan tallaalka Jadwalka wasaarada cafimaadka ku jira dhamaan meesha waa lagu bixiyaa.”
Adeeg-gaarsiin tuulooyinka iyo dhulka ay ku nool yihiin reer guuraaga ayuu xusay in ay billaabeen billowgii bishii Abriil ee sanadkan, isla markaan weli si habsami leh uu u socdo.
Wuxuu sheegay in loogu magacdaray ololahan Far-reaching intergrated delivery(Farid project), kaas oo socon doona ilaa dhamaadka sanadkan. Intaas wuxuu ku daray in la qiimayn doono natiijada ka soo baxda si loo kordhiyo qorsha sii wadiddiisa.
Caasha Faarax Muuse oo 60 jir ah waxay ku heshay adeegga caafimaad baadiyaha deegaanka Badhaadhe, halkaas oo ay ku dhaqato 20 ari ah iyo 10 lo’ ah. Waxaa qaabilay koox ka mid ah kuwa guur-guura, isla markaana ku wareega dhulka miyiga ah.
Waxay horay u sii ogayd in ay ku soo wajahan yihiin, maaddama wacyi-galin loo sameeyay. Waxay uga cabatay dhaawac ka soo gaaray jilibka, kaas oo ka hor istaagay shaqo xoolo raacidda, kaas oo ay hadda ka soo kabanayso.
“Laf ima jabin waan hilib go’ay. Jilibka ayaa booskiisa ka dhaqaaqay dhinaca xagasha uu u wareegay. Si fiican ayey ii soo dhaweeyeen oo iila tacaalleen. Lugta waa iriixeen oo jilibka meeshiisa lagu celiyey, caagna waa ii galiyeen oo igu toobeen.”
Waxay tilmaamtay in aysan horay ula tacaalin dhibaatada ka soo gaartay jilibka dhaqaale xumo darteed. Waxay sheegtay in dhowr jeer oo ay isku dayda in ay Kismaayo u safarto ay waysay lacag ay ku raacdo gaadiidka iyo mid ku joogto magaalada inta la daawaynayo.
Waxay ka dayrisay xaaladda ay ku nool yihiin oo quus ay ka muujisay. Carruurteeda oo toban ah ayay sheegtay in aysan ka bixin cunno xumo soo foodsaartay saddex sano ka hor, markii abaar ay bidday xoolo yari.
“Waan iska nool nahay, laakiin dhaqaale na soo galaayo oo hadda aan kuu sheego malahan. Dadka waa xoolalay, xoolahana beec malahan. Ganacsi iyo meel loo shaqo tagaayo oo kale malahan. Marmar baa wax cunnaa. Hadii aan wayno habeenkii waan iska seexanaa.”
Xoolaha yar ee u haray ayay sheegtay in ay qayb ka ahaayeen 300 oo lo’ ah iyo labo 200 oo ari ah, kuwaas daaq iyo biyo la’aan sabab-saday. Inkastoo niyad-wanaag ay ka muujisay helidda adeegga caafimaad waxay ka cabanaysa nolol xumada duruufu bidday.
Barnaamijka caafimaad ee Caasha iyo reer guuraaga kale ay ka faa’iideysteen waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka Jubbaland, hay’adda VCI iyo Co-Group, waxaana dhaqalaha ku baxay ku deeqay hantiilaha u dhashay Maraykan ee Bilgates iyo xaaskiisa.
Xigasho:Ergo
Leave a Reply