Jigjiga (WDN) Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa ka jiray koronto la’aan baahsan, taas oo keentay in shacabka iyo goobaha ganacsiga ay mugdi ku jiraan. Korontada oo halbowle u ah nolosha ayaa maqnaanshaheedu waxa ay hakad gelisey hawl-maalmeedka, taas oo caqabado dhaqaale iyo mid caafimaadba ku abuurtay bulshada.
Korontada oo laga keeno dhulka sare ee Itoobiya, ayaa lagu soo waramayaa in ay magaalada Jigjiga ay muddo dheer ka maqnaato, taasi oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo adeegyada daryeelka caafimaadka.
WardheerNews oo ay la soo xidhiidheen ganacsato iyo hawlwadeenada caafimaadka, ayaa ku soo waramaya in magaalada caasimadda Jigjiga ay ka maqan tahay korontadu, ay la soo daristay dhibaatooyin dhaqaale iyo khataro caafimaad oo halis ah. Ganacsiyo badan, gaar ahaan kuwa ku tiirsan korontada ama wax kala iibsiga elektaroonigga ah, ayaa la kulmay khasaare maaliyadeed.
Dhanka kale, xarumaha daryeelka caafimaadku ayaa ku hawlan sidii ay u ilaalin lahaayeen adeegyada muhiimka ah, oo nafta lagu badbaadiyo taas oo ku xidhan koronto joogto ah.
Koronto la’aanta magaaladu caasimada oo dabada dheeraatay, ayaa niyad jab ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga, kuwaas oo ka dalbanaya maamulka heer ismaamul iyo heer qaran in wax laga qabto sidii loo soo celin lahaa korontada, waxna looga qaban lahaa arrimaha salka ku haya koronto la’aanta. Xaaladda waxay saameyn taban ku tahay adeega koronto joogta ah, oo muhiim u ah horumarka deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
WardheerNews
Leave a Reply