isku-shaandheyn kooban oo lagu sameeyay golaha Wasiirada Soomaaliya

isku-shaandheyn kooban oo lagu sameeyay golaha Wasiirada Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay isku shaandheyn  kooban oo lagu sameeyay Golaha Wasiirada. Isbadalada ugu waa weyn ayaa waxaa ka mid ah xil ka qaadista Wasiirkii Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hadda loo dhiibay xilka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Wasiir Cabduqaadir oo aan lahayn khibrad ciidan iyo mid amni ka hor inta aan loo magacaabin xilka Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa waxaa soo wajahay eedeymo badan intii uu xilka hayay, iyadoo ciidamada dowladdu ay la soo daristay gaabis sidii ay u xakameyn lahaayeen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya. Wasiir Cadulqaadir ayaa la kulmay dhaleeceyn ka dhalatay dib u dhac ku yimid howlgallada ciidamada, iyadoo maleeshiyada Al-Shabaab ay xoojieen weerarada deeganaanada Jowhar, Balcad iyo Afgooye. Weeraradaasi ayaa sare u qaaday walaaca dhanka ammaanka ah, iyadoo maleeshiyaadka Al Shabaab ay u soo durkayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kana kala imaanayaan labada jiho ee koonfurta iyo waqooyiga.

Wararka ayaa sheegaya in xil ka qaadista Wasiir Cabdulqaadir ay sidoo kale ka dambeysay cadaaddis isa soo taraya oo kaga imaanayay saaxiibada caalamka, gaar ahaan Dowladda Mareykanka., Washington ayaa lagu soo waramayaa oo ah xulafada ugu muhiimsan Soomaaliya ee dagaallada ka dhanka ah argagixisada, in ay muujisay sida ay uga xuntahay gaabiska ciidamada Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay horumar la’aanta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dib-u-dhacyada ayaa keenay walaac ku saabsan istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay xasilloonida gobolka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jibriil Cabdirashiid X. Cabdi, ayaa magacaabistiisa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay dib ugu soo celin lahayd ololaheeda ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay u xaqiijinayso daneeyayaasha gudaha iyo dibaddaba sida ay uga go’an tahay ciribtirka argagixisada.

Sidoo kale isku shaandhayntan ayaa waxa ka mid ahaa magacaabista wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Waxaa xusid mudan in mas’uulka cusub ee la magacaabay uu yahay wiil uu sodog u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sii xioojinaysa dareenka laga qabo xukuumada Xasan Sheekh, dhinaca  qaraaba-kiika iyo eexda siyaasaddeed oo ku xoogeysatay maamulka.

Liiska magacaabista ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala ah:

1  Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi-  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.
2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda..
3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
4. Md. Maxamed Faarax Nuux – Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.
5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
6. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
8. Md. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
10. Mw. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada.
11. Md. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.
14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.
15. Mw. Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
16. Md. Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.