WardheerNews
Bahda WardheerNews waxay ummadda Soomaaliyeed la qeybsanaysaa dabaad degga Usbuuca Xoriyadda 26-ka Juun- 1-da Julay, 1960, oo ku beegan maalintii xoriyadda gobolada Waqooyi ( British Somaliland), isla markaana Calan Soomaaliyeed laga taago ciid Soomaaliyeed oo xor ah, xoriyaddii gobollada koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur.
Haddaba waxaanu dhamaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa Usbuuca xoriyadda ee 26-ka Juun- 1da Julay.
Waxaan munaasabadan jecelenahay in aan idinal wadaagno tuducyo aan ka qaadanay Gabaygii Kaana Siib kana Saar ee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Alle Naxariisti Janno haka waraabiyee uu ka tiriyay Munaasabadaas xoriyadda oo xambaarsa murti ma-guuraan ah.
Anigoo sebi uun aho
sita leebiyo qaansoo
siigadoon isku aasiyo
sabo reer ka fogaanninoon
la ii aamminin soofkiyo
saacan maanta an joogno
gabaygu waygu sugnaayo
suxufiinta dhawaaqdana
anigowgu sarreeyo e
haddii aan sixi waayo
ama aan sarsarriigo
ama aan sarmaseejo
ama aan ka salguuro
ama laygu saluugo
saamiciinta maqlaysaay
i su’aalo hadhowto
Ilaahaan waxba seegine
subuciisa Quraankiyo
sabbaxooyin ku sheegayow
Saciiro iyo Naciima
Rabbigii kala seerayow
marka suurku dhawaaqo e
la soo saaro makhluuqa
shaqiga iyo saciidka
maalintaad kala soocdo
dembigaannu samaynnay
Rabbigayagow naga saamax
Subciyoo ka dukeeyaye
sawd kaleetana waa
soomaaloo calan taagta
saakay noogu horreyso
in sidayda tihiin iyo
in kalaanan saxaynnine
saddex wiig iyo maalmo
haddaan soor cuni waayo
safrad laygama yaabo
sari mayso naftaydo e
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar
Ka siddeetan sabaan
calankaannu sugeynnaye
sahankiisa ahaynow
seermaweydo hillaacdayow
sagal maanta darroorayo
siigadii naga maydhayow
saqdhexaannu ahaynne
kii soo saaray cadceeddow
samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar
saalixiinta Islaamku
sirta kay ku arkeenow
saahidiinta Quraanka
subcisaa Jimcayaashiyo
sibyaanta iyo haweenku
calankay sahadsheenow
cidina kaanay na siinine
Saadir noogu yaboohayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar
Sankuneefle dhammaanti
khalqiga kii u sinnaayee
mid saaxiib la ahaynow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar.
Halkan ka dhegeyso gabayga- Kaana Siib Kana Saar oo dhan
WardheerNews
Leave a Reply