W/Q Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi (Soome)
Hordhac
Qabiilka Ciise, waxa uu ka mid yahay qabiilladda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Geeska Afrika, iyagoo dega dhul baaxadle. Saancaadalihii reer Yurub ee ku soo duulay dhulka Soomaalida ayaa u kala qoqobay qabiilka Ciisaha dhulkiisa in ay dhex marto xuduud saddex dal ku kala taalla, oo kala ah Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya.
Qabiilka Ciisaha ayaa leh xeer dhaqameed hoose oo ay qabiil ahaan isku maamulaan kaas oo ah xeerka kaliya ee qoran ee qabiil Soomaaliyeed leeyahay. Xeerka oo qormadiisu ka dhalatay, kaddib burburkii dawladdii uu gadhwadeenka ka ahaa Imaam Axmed Guray ee ka talin jirtay dhul ballaadhan oo Geeska Afrika ah. Dawladdaas oo ay duulaan ku soo qaadeen dawladaha reer Yurub oo garab wadaag iyo gaashaan u ah dawladdii Xabashida ayaa sababay in jab wayni soo gaaadho dawladdii Islaamiga ahayd taas oo keensatay in uu meesha ka baxo ismaamulkii bulshada. Burburkii dawladdaa ayaa keenay isku dhex yaac bulsho, qas, xadgudubyo iyo in ay dhacaan gaboodfallo aan loo hayn xeer iyo xakame lagu joojiyo. Arrimahaa ayaa keenay in qabiilka Ciisaha iyo guurtidiisu garawsato in la qoro xeer laysla qaataya oo bulshada reer guuraga ah lagu kala bad baadiyo inta laga helayo dawlad waxgala.
Xeerku ma aha xeer ka dhaxeeya bulsho Soomaliyeed ama dawlad meel ka jirta, ee waa xeer u gooniya qabiilka Ciisaha. Xeerkaasi waa iskuwad bulsho iyo midaynta beesha Ciisaha oo lagu midaynayo wadaagista afar qodob oo geed ka go’ana, cidina aysan jebinkarin islamarkaana dhammaan Ciisaha ka dhaxaysa oo kala ah: Ugaaska, Guurka, Gurmadka iyo Oonta.
Waxyaabaha kale ee xeerku sida ballaadhan u muunadaynayo ayaa ah in Ciisuhu yahay qabiil siman oo aan qofna qof ka sarayn. Dhammaan qabiil waynaha bulshadaasi aysan kala lahayn mudan iyo manjo, waxa kale oo uu tilmaamayaa xeerku in dhulka Ciisuhu dago qofkii taga uusan marti ku ahayn, xoolihiisuna ay xoolaha kale ee dhulkaa loogu tago ay baad iyo biyaba lawadagaan, lagana ceshiimaysan karin.
Xeerkan ayaa soo baxay dabayaaqadii qarnigii 16aad, waxaana lagu dhamaystiray, iyadoo la sheego in bar bilowga qoritaankiisi lagu bilaabay meelo kala duwan, buurta Sitti oo ah buur ku taalla dhulka Soomaali Galbeed.
Xeerkan oo ah xeer oday ka soo gaadha oo bulshadu af iyo sheeko isugu gudbiso ayaa markii ugu horaysay la qoray 2010-kii waxaana qoray oo ururiyay ruugcadaa Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye, waxaana isoo gaartay daabacaddiisii 4aad oo ka kooban 315 bog.
Qormada Xeerka iyo Xeerbeegtidda Qorta
Qoraagu hordhaca waxaa uu si sal ah u dul istaagayaa saafidda ereyga xeer oo uu ku qeexayo shay haddii la jabiyo ay ka dhalanayso ciqaab, ahna xayndaab iyo xero qofkii ka talaaba uu qabanayo xakame laguna qaadayo xukun adag.
Waxyaabaha muunadda leh ee buuggu xusayo ee bulshada Soomaaliyeedna ay bulshooyinka kale kaga wanaagsanayeen waxaa kamida doorashada xeer beegtida iyo guddiyadda.
Guddiyadda arrimaha loo mutaa waayadii hore ma aysan ahayn guddiyo joogto ah oo meel iska haysta, islamarkaana haddii mar la sameeyo aan la dumin karin. Se guddiyadaasi waxa ay ahaayeen guddiyo la doorto oo laysla soo xulo marka hawli timaado iyadoo lagu tixgalinayo hufnaantooda qofeed, kasmadooda iyo waayo aragnimadooda saraysa.
Bilawgii qormada xeerkan sida buuggu tilmaamayo qabiilka Ciisaha oo ah 6 qoys oo usii kala baxa labba iyo tobban (12) ardaa ayaa laga soo xulaa gudi loo yaqaan “GANDI” oo 44 xubnood ah. Ganduhu waa golaha xeer-beegtiyeedka ugu sarreeya ee beesha Ciise, waana guddiga loo xusho marka loo baahdo in la xalliyo arrimo waaweyn oo quseeya bulshada. Ganduhu ma aha guddi joogto ah oo goor walba jira, waa gole la sameeyo oo keliya marka ay timaaddo xaalad culus, sida samaynta xeer, doorashada ugaaska, ama xallinta xaalad taagan oo soo wajahda qabiil waynaha Ciisaha, mana ah guddi muddo xileed leh e, waxa muddo u ah inta hawsha loo idmaday ka dhamaanayso xataa hadii ay gaadho 50 sano.
Qabiilka ayaa gudiga Gandaha si adag u xusha marka lasoo xulayana waxaa lagu xidhaa shuruudo adag, si ay uga mid noqdaan guddiga ahaadaanna kuwo muddan oo hawsha loo xusho kasoo bixi kara.
Shuruudaha adag ee guddiga lagu kala saari jirayna waxaa kamid ahaa in qofka xubinnimada lasiinayo uu yahay:
- Qof Alle cabsi iyo diin leh
- Qof aan eex iyo been toona lagu tuhmayn
- Qof xoolaysan oo aan laga baqayn in uu baaho iyo laaluush qaato
- Inuu yahay qof aamina oo aan sir iyo saaftoona bixin
- Inuu yahay qof qoomamo hore iyo aargoosi ku jirin
- Inuu qof qabsoomi kara yahay. Xeer waa xakame iyana in ay qaataan inuu xeerku qaban doono hadii ay jabiyaan qodobadii ay ku dhaarteen mid kamida.
Xeerka iyo Qaybihiisa
Xeerkan oo marka dhan laga eego ahaa xeer maamul oo u qaabaysan sida bulshada laysugu hayn lahaa iyadoo laga ilaalinayo tafaraaruq iyo kala tagis, wixii danta guud ahaana laysaga kaashan lahaa ayaa waxa uu ku fadhiyaa 4 rukun oo ballaadhan kuwaa oo ah danguud oo lagu midaynayo qabiilka Ciise.
Afarta rukun ayaa ah: Ugaaska, Gurmadka, Guurka iyo Oonta.
Ugaaska waa astaanta hoggaaminta dhaqanka, waa garsooraha ugu sarreeya, waana calaamadda midnimada beesha, taladiisu waxa ay ku dhisan tahay xeer iyo tashi, waana cidda ugu dambeysa ee la isku raaco marka muran weyn yimaaddo. Gurmadka waa nidaamka isku-duubnida bulshada, cid kasta oo dhibaato ku dhacdo, sida duullaan, abaar ama khasaaro naf iyo maal ah, waxaa waajib ah in beeshu si hagar la`aana ay ugu gurmato, taas oo ka dhigaysa in Ciisuhu yihiin bulsho is-daryeesha oo aan qofna cidlo uga tegin.
Labada rukun ee hore ee aynu soo xusnay, waxa ay u muuqdaan danguud oo beesha Ciisaha dhexdeeda ay tahay in ay ilaashadaan, hogaan la`aan bulsho ma noolaan karto waxay ayna islaqaateen in lasameeyo Ugaas aan dhaxaltooyo ahayn ee lagu doorto karti iyo qofnimo.
Xiliyaddda xeer la qorayay waxa jabtay dawladii Imam Axmed Guray hogaanka u ahaa waxa ayna isla qaateen in ay isu gurmadaan, si qabiilka Ciisuhu uusan u noqon baylah ee ay tahay in laysu gurmado marka colaad ama aafo kale oo nololeedi timaado,
Guurka waa mid kamida rukunada xeerku dejiyey si loo ilaaliyo sharafka qoyska, xidhiidhka ardaayada iyo joogtaynta nabadda. Guurku ma ahayn keliya xiriir laba qof, balse waa xidhiidh laba ardaa oo ay tahay wixii kayimaada in si xushmad leh loo xalliyo. Oonta, marti soorka, wax isa siinta, bixinta magaha, caddaaladda iyo xoolo gooyada, in ay yihiin wax aan gor-gortan geli karin islmarkaana qofkastoo Ciise ahi xil wayn iska saaro ayna tahay qofkii ku xad gudba in xakame qabto oo xeer lagu qaadi doono.
Labbadan qodob ee danbe ee ah Guurka iyo Oontu Iyana waxa ay kamid ahayen waxyaabaha waa wayn ee qabiilka dhexdiisa uskunta ka dhaliya ama in ay is qabsadaan keena si loo xalilo ayaa iyana lagu soo daray rukunada xeerka iyo ciddii ku xadgudubta in laga qaado tallaabo adag oo xeer qabto.
Rukummadan afarta ahi waa laf dhabarta xeerka Ciise, waxayna bulshada u sameeyaan qaab nololeed mideysan oo ku qotoma maslaxad guud, ilaalin nabadeed, joogtaynta xidhiidhka bulshada iyo dhisme caddaaladeed oo aan cidna ka tagin. Xeerku ma aha oo keliya sharci ay isku xukumaan, waa xeer bulsho oo isku hayey qarniyo.
Cutubada Buugga iyo Xeerarka Kujira
Gandaha oo ahaa guddi farsamo ee ay odoyaasha beesha Ciise soo xuleen, markii ay muddo u fadhiyeen, tashi baddan dabadeed waxa ay soo saareen xeer ka kooban 1. Lix (6) Kabood. 2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160) 3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood. 4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan (444) Indhal. Xeerkan waxaa sal u ah 4 rukun oo ah Ugaaska, Gurmadka, Guurka iyo Oonta, kuwaas oo ka tarjumaya nidaamka, cadaaladda, iyo hab-dhaqanka bulshada.
Si xeerku u noqdo mid taabagala oo bulshda u wada gaadha islamarkaana qofkasta u xifdiyo ayaa loo dhigay in laysugu gudbiyo suugaan iyo murti ka kooban gabay iyo maahmaahyo, maadaama Soomaalidu xilligaas aysan lahayn qoraal iyo farsugan oo lagu keydiyo xeerarka. Habkan xafdiga ah ayaa noqday mid ka mid ah waxyaabaha raandhiiska ah ee suurtogalka ka dhigay in xeerarkan la ilaaliyo, isla markaana markii dambe la soo ururiyo oo si nidaamsan loo kaydiyo.
Qabiillada Soomaalida oo sida la sheego dhammaantood xeer hoosaadyo lahaa hadana ka qabiilka Ciise, waxaa ka dhigay mid kaydsan hab isu gudbinta iyo kaydka murtida iyo suugaanta.
Cutubyadda Buugga
Buuggu waxa uu ka kooban yahay sagaal cutub oo soo koobaya dhamaan 365-tii qoddob ee xeerka, isagoo cutub kastaa dul istaagayo qayb kamida xeerarka waxa ayna kala yihiin:
Cutubka 1: Salka Xeerka
Cutubkan waxa uu sharaxayaa asalka Xeer Ciise, taariikhdiisa, iyo sababaha loo dajiyay. Xeerkani waxa uu ka dhashay baahi bulsho oo lagu mideynayo beesha Ciise, ka hortagga khilaafaadka, iyo ilaalinta danta guud. Qoraagu wuxuu tilmaamayaa in qorista Xeer Ciise uu soo bilaabmay dabayaaqadii qarnihii 16aad, ka dib jabkii dawladii u hogaamiyaha ka ahaa Imaam Axmed Guray, waxaana lagu aasaasay tuulada Daabiyadda Madaw waxaana lagu sooo afmeeray buurta Siti. Xeerku wuxuu noqday hage bulsho oo lagu xakameeyo dhaqanka, caddaaladda, iyo xiriirka ardaayada.
Cutubkani, sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixinayaa beesha Ciise ardaayadeedda iyo sida 44 xubnood ee Gandaha ah loo xulo, kuwaas oo matalaya jifiyaha kala duwan ee beesha Ciise.
Cutubka 2: Xeerka Dhiigga iyo Magta
Cutubkan waxa uu diiradda saarayaa nidaamka xeerka ee la xiriira dilalka, dhaawacyada, iyo magta. Waxaa lagu faahfaahiyey sida xeerku u kala saaro dambiilaha iyo dhibbanaha, iyo sida magdhowga iyo ciqaabta loo xisaabiyo ama loo fuliyo. Xeerku waxa uu xakame u yahay ka hortagaa colaadaha iyo isku dhacyada, isagoo xaqiijinaya caddaalad iyo sinnaan bulsho. Waxa uu sidoo kale sharxayaa sida odayaashu u xushaan xeer-beegti gaar ah oo arrinta ka gartooda, si go’aan caddaalad ku dhisan loo gaaro.
Cutubkani wuxuu si qoto dheer u sharaxayaa sida magta loo kala qaato iyo sida xeerku u xaqiijinayo in qofka dhibbanaha ah xuquuqdiisa loo ilaaliyo. Waxa kale oo uu tilmaamayaa in xeerku yahay nidaam ka hortagaya falalka dhaawici kara nabadda bulshada sida dilka, dhaca, iyo damaca.
Cutubka 3: Xeerka Dheerta
Cutubkani waxaa u sharaxayaa caddaaladda iyo xaqsoorka qoyska dhexdiisa waxaa lagu faah faahinayaa yaradka ama dhabanka sida laysu siiyo iyo waxa uu yahay, dumaasha, xigsiisinka dhaxalka iyo badbaadada hooyada. Waa cutub muujinaya sida ay dumarku xaga xeerarka Soomalida muddan ugu lahayeen waxna laysaga waydiin jiray.
Sidoo kale, cutubkani wuxuu muujinayaa sida xeerku u daba-galo dhaqanka iyo anshaxa bulshada, isagoo ilaalinaya wada-noolaanshaha ardaayada kala duwan. Waxa uu tilmaamayaa in xeerka Dheerta uu ka mid yahay qaybaha muhiimka ah ee xeerka, maadaama uu ka hortago isku dhacyadda arrimaha qoyska iyo haweenka.
Cutubka 4: Xeerka Dhaqaaqilka
Cutubkani wxaa u sharaxayaa xeerka iyo xukummada ka dhasha xoolaha la dhaqdo iyo kuwo qofku lee yahay mood iyo noolba. Waxaa kale oo uu dul istaagayaa dhaqamadda dadka rer guuraaga ah sida ay xalaal quudad u yihiin ee baaddida iyo xatooyada ay isaga dhawraan iyo cidii ku xad gudubta waxa laga yeelayo.
Sidoo kale, cutubkan waxaa ku jira xeerarka lagu qaadayo dhibaatooyinka ka dhasha gaadiidka sida; awrta hadii ay cid nabar u gaystaan ama dilaan.
Cutubka 5: Xeerka Qubanaha ah
Cutubkan waxa uu qeexayaa xeer qubane oo ah xeer xaqsoorka iyo caddaaladda dadka u dhaxeeya, waxa uu sharaxayaa xeerarka ka dhasha midiidinka oo ah shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, sidoo kale waxa uu sharaxayaa xeerarka ilaaliya dadka nugulka ah sida; maganta, dadka waal waalan iyo dadka deriska iyo ood wadaagta ah.
Waxaa kaloo cutubkani soo qaadanayaa xeer kaboodka iyo dadka jabiya xeerka waxa laga yeelayo iyo qodobada qabanaya. Sidoo kale, dadka gala danbiyadda waa wayn sida diin kabaxa qawmu-luudnimadda iyo xukummada lagu qaado.
Cutubka 6: Xeerka Dhaqanka “Ugaaska”
Cutubkan waxa uu sharaxayaa nidaamka doorashada ugaaska iyo xilalka hoggaamineed ee uu leeyahay. Xeerku wuxuu xaqiijiyaa in ugaasku noqdo hogaamiye caddaalad ku dhaqma, isla markaana ka qaybqaataa ilaalinta nabadda iyo xuquuqda bulshada. Waxa uu kaloo sharaxayaa doorka ugaaska ee ansixinta go’aamada gandaha iyo ilaalinta xeerarka beesha.
Sidoo kale, cutubkani wuxuu tilmaamayaa sida bulshada looga qaybgeliyo doorashada ugaaska, iyadoo la ilaalinayo hufnaanta iyo sinnaanta nidaamka. Waxaa uu faahfaahinayaa in xeerku yahay mid ka tarjumaya dhaqanka iyo hab-dhaqanka beesha, oo muhiim u ah mideynta iyo wada-noolaanshaha ardaayada.
Cutubka 7: Qabashadii Ugaas Cusub
Cutubkan waxa uu sharaxayaa habka dhaarinta ugaaska cusub iyo doorashadiisa. Waxaa lagu faahfaahiyay shuruudaha, habraaca, iyo doorka xeer-beegtida ee xaqiijinta in doorashadu noqoto mid caddaalad ku dhisan. Waxa uu tilmaamayaa sida bulshada loo mideeyo marka ugaas cusub la dhaarinayo.
Cutubka 8: Garihii la Qaaday (Garsoorka Bulshada)
Cutubkan waaxaa lagu hogatusaalaynayaa garaha iyo sida loo qaadi jiray iyo guddiyada garta qaada sida ay caddaaladda ugu dhawaayeen. Waxaa uu tusaalaynayaa gudiyaddaa hadii ay caddaaladda ka tagaan oo eex ama musuq galaan waxa lagu qaadi jiray iyo sida gartaasi u noqon jirtay taagan ay tahay in loo jid bixiyo.
Cidkastaa oo bani’aadama khalad waa dhacaaye guddiyadda hadii ay khladamaan sidee loola dhaqmi jiray waa tusaalyaasha mudanka ah ee cutubkaasi soo koobayo.
Cutubka 9: Taariikhda & Geesiyaashii Hore
Cutubkan waxa uu soo bandhigayaa taariikhda geesiyaashii hore ee beesha, kuwaas oo gacan ka geystay ilaalinta xeerka iyo nabadda. Waxa uu sharaxayaa sida waayo-aragnimadooda iyo aaminnimadooda ay u dhawreen dhitada iyo raandhiisnimadda xeerka.
Gunaanad
Buuggu waxa uu sal u yahay buugta xeerka dhaqanka Sooomalidda inta lahayo waana kan keli ah ee qoran, buuggu waxaa uu soo ururinayaa xeer hoosaadayadii beesha Ciise isku xukumi jiratay. Muhiimadda soo koobidda buuggan aan u sameeyey ma ahan in aan tilmaamo khaladaad iyo xeer kaboodyadda ku jira waayo ma’ahi qof bartay aqoonta sharciga, se waxa ay ahayd in aan tilmaamo waxyaabaha muunadda leh ee buugga kujira qofka aan akhriyinna uu ugu dhiirin karo inuu kahriyo.
Buuggan oo hadal hayntiisu bulsdhada dhexdeeda waayaddan aad uga taagnayd soo bandhigistiisiina ay noqotay xaalad ay ka dhalato fad-qalalo iyo fawdo siyaasaddeed ayaan dadka qaybi ka warhayn waxa ku qoran, waxaana caddaatay in bulshada soomaalidu tahay bulsho afeed wax isugu gudbisa hadal iyo sheeko ee aysan ahayn bulsho wax akhrida.
Buugga oo qodobada iyo xeerarka ku jiraa ay intan ka mug iyo miisan ballaadhan yihiin, haddana intani waa turxaan bixin iyo markaan buugga si siyaasaddaysan loo eegin waxyaabaha muddanka ah ee ku jira.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi (Soome)
Email:cycsoome@gmail.com
